Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku yimid Nairobi.

WARSAXAAFADEED –

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Nairobi, waxaa garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi kusoo dhoweeyay madax ka tirsan dalka iyo Safaarada Soomaalida ee fadhigeedu yahay Nairobi.
somali7
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa isla galabta kulan la yeeshay Mas’uuliyiinta dalka iyo inta badan Xildhibaanada gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaa ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa danaha labada dal.

“ Waxaan aad ugu faraxsannahay socdaalka aan ku imid Kenya oo ah dal ay dano badan naga dhexeeyaan. Waxaan la kulmi doonaa madaxda ugu saraysa dalka Kenya oo aan kala hadlayo xoojinta iyo iskaashiga labada dale e dariska ah.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay qaar kamid ah Xildhibaanada dalka Kenya ee Gobolka Woqooyi Bari ayaa barri la kulmi doona Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo xubno kale oo ka tirsan Dawladda Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caawa kulan la qaatay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed oo u sameeyay xaflad soo dhoweyn ah. Waxaa uu Ra’iisul wasaaruhu ku booriyay Jaaliyadda in ay kaalin ka qaataan nabadda horumarka dalkooda Soomaaliya isla markaana ay ilaaliyaan dalka Kenya oo aad usoo dhoweeyay Soomaalida.

18/2/2014

Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
Afhayeenka Xukuumadda.
Nairobi – Kenya
E: Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.