Home » Warar »

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Tehran Kula Kulmay Dhigiisa Dalka Iran Ali Larijani

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa magaalada Tehran kulan kula qaatay dhigiisa dalka Dr Iiran Ali Larijani ayadoo kulankanna ay labada Gudoomiye kaga wada hadleen iskaashiga iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Iiraan.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkan Iiraan oo ku yaala magaalada Tehran ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka kala socday Baarlamaannada Soomaaliya iyo Iiraan iyo sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tehran Danjire Khaliif Kadiye Muuse waxaana kulanka uu qaatay ku dhowaad mudo saacad ah.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Iiraan Dr Ali Larijani oo kulanka hadal kooban ka jeediyey ayaa aad u ammaanay hormarrada uu ku talaabsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaanna sida hufan ee uu Baarlamaanku hormuudka uga ahaa isbedelka siyasaadeed ee hada ka jira Soomaaliya waxaana uu ballan qaaday inay Baarlamaan ahaan si aad ah mar walba u garab taaganyihiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

teran7

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka markii uusoo gebageboobay kadib faah faahin ka bixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen iney muhiim u aheyd wadashaqeyn joogta ah sidii ay u yeelan lahaayeen iyo sidii uu Baarlamaanka Iiraan uga taageeri lahaa Baarlamaanka Soomaaliya tayeynta howlaha Baarlamaanka, aqoon kororsi iyo qibrad is weeydaarsi labada Baarlamaan dhexmara,taageerro dhinaca caafimaadka ah iyo tababarro la siiyo shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya taasi oo uu xusay in Dr Ali Larijani uu ballan qaaday.

Intii kulanka uu socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu casuumad u fidiyey dhigiisa dalka Iiran taasi oo ku saabsan inuu yimaado magaalada Muqdisho taasina waa uu ballan qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiran Dr Ali Larijani inuu imaan doono xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

 

teeraan7

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah hormarrada guud ee uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka sameynayey mudooyinkan hormarka dhanka iskaashi ee Baarlamaannada caalamka, dhinaca kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya saacadaha soo socda waxa uu Tehran kula kulmi doonaa Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada qaar ka mid ah dalalka Islaamka oo iyagu Tehran u yimid ka qeybgalka shirweynaha 9aad ee Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.