Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku yimid Djobouti.

16/2/2014 –

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta soo gaaray magaalada Djibouti iyadoo uu garoonka kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Djibouti Mudane Cabdiqaadir Kaamil, Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamud Cali Yusuf
jabuuti7
Booqashadan rasmiga ah oo labo maalmood qaadan doonta ayaa Ra’iiusl Wasaaruhu uu kulamo kula qaadan doonaa madaxda dalka walaalaha aan nahay ee Djibouti oo uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo dowrka ciidanka Djibouti ee Amisom.

“ Aad baan ugu faraxsanahay booqashadan rasmiga ah ee aan ku imid dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay, waxyaabo badan ayaan ka wada hadli doonnaa oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dale e walaalaha aan nahay iyo iskaashiyo kala duwan oo aan wadaagi doonno.” Ayuu yiri Ra’iiusl Wasaare Cabdieli Sheekh Axmed.

Ra’iiusl Wasaaraha Djobouti Mudane Cabdiqaadir Kaamil oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri “Labada maalmood ee soo socota waxyaabo badan ayaan ka wada hadli doonnaan oo ah danaha labada dal ee walaalaha ah.”

Waxaa booqashadan ku whelinaya Ra’iisul Wasaaraha Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Warfaafintan Mudane Mustaf Dhuxulow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Maxamed Qoorsheel iyo Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Ra’iiusl Wasaaraha ayaa saaka kasoo ambabaxay dalka Ethiopia oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaana kusoo sagootiyay garoonka diyaaradaha Wasiirka arimaha Dibadda ee dalka Ethiopia.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Addis Ababa – Ethiopia
E: Media@opm.gov.so
Ridwaanhaji@gmail.com

Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Safiirada Carabta ee fadhigoodu yahay Ethiopia iyo Casho-sharaf uu u sameeyay wafdiga Wasiirka Arimaha Dibadda ee Ethiopia.
15/2/2014

Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa caawa la kulmay Safiirada dalalka Carabta u fadhiya Ethiopia oo uu kala hadlay xiriirka dheer u dhexeeya Soomaaliya iyo Caalamka Islaamka isla markaana waxaa uu sharaxaad ka bixiyay qorshaha Xukuumaddiisa xiliga iyo waxyaabo ay hiigsanayso si loo gaaro xasilooni iyo dib-u-dhiska dalka kadib burbur dheer oo ku dhacay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Safiirada uu la kulmay Ra’iiusl Wsaaraha ayaa sheegay sida ay uga xun yihiin dhibaatadii dalka, waxaana ay sheegeen in ay garab istaagi doonaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah. Mas’uuliyiintan ayaa tilmaamay dhibaatada ay leedahay Argagixisada iyo Isbadalada ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa uu Ra’iiusl Wasaaraha iyo Wafdigiisu ayka qayb galeen Casho-sharaf uu u sameeyay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Ethiopia. Mudane Tedros Adhanom Ghebreyesus kadib kulankii maanta uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya kula kulmay Wasiirka.

Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa galinkii danbe ee maanta kulan dheer la qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda Ethiopia Mudane Tedros Adhanom Ghebreyesus iyagoo ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta iskaashiyo kala duwan oo labada dal ay ka yeeshaan arrimaha ay kamid yihiin amniga labada dal iyo sidii Soomaaliya ay horay ugu socon lahayd.

“ Waxyaabo badan ayaa naga dhexeeya dawladaha dariska sida Ethiopia, waxaa jira caqabado saamaynaya amaanka dalalkeena oo loo baahan yahay in aan iska kaashanno. Waxaan uga mahadnaqaynaa Ethiopia oo qayb ka ah Amisom taageerada ay ka gaysanayso dhanka amaanka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay dadaalka ay dawladdiisu ugu jirto dib u dhiska hay’adaha dawladda, kaabayaasha dhaqaalaha iyo sugidda amniga dalka oo dhibaatooyin ay ku hayaan kooxaha Nabad-diidka ah, isagoo intaasi ku daray in la gaaray xiligii laga guulaysan lahaa kooxahaas isla markaana loogu istaagi lahaa dib-u-dhiska dalka.

Ra’iiusl Wasaaraha Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Ethiopia ay diyaar u tahay ka qayb-qaadashada dhinacyada amniga iyo tababarka ciidamada Soomaaliya, tedros ayaa sheegay in Soomaaliya ay u muuqato in ay soo kabanayso.
“Isbadal ayaa ka muuqda Soomaaliya xiligan, waa in aan ka hor-imaanaa kuwa ku fikiraya in Soomaaliya ay kusii jirto dhibaatada. Waxaan idinka taageeraynaa ciidanka iyo tababarada si aan looga mira dhaliyo isbadalka cusub ee Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibadda Ethiopia.

Dhamaad.

Ridwaan Haji Abdiwali,
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Addis Ababa – Ethiopia
E: Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.