Home » Warar »

Doorashadi maanta ee gudoomiyaha iyo gudoomiye Kuxigeen Degmada Cadaado oo la doortay

Golaha degaanka Degmada Cadaado ee Xarunta Dowlad Goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa maanta doortay Gudoomiyaha degmada waxaana doorashada kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka ah iyo Masuliyiinta dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb oo ugu horeeyo Madaxweyne C/laahi Cali Maxamed.

Doorashada ayaa ka dhacaday Xarunta madaxtooyada Dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb waxaana Xilka Gudoomiye ee degmada Cadaado u tartamayay Ilaa iyo labo Musharax kuwaas oo kala ah Cabdulaahi Cabdi Raxmaan Xuseen (Tootoole) iyo Maxamuud Maxamed Wardheere.

cadaado
Codeynta Doorashada oo u dhacaday Qaabka qarsoodiga ee Sanduuqa ayaa waxaa cudeynayay Golaha Degaanka ee Degmada Cadaado ee Xarunta Dowlad Goboleedka Ximan iyo Xeeb oo ka koobnaa 21 Xubnood Balse doorashada ay soo xadireen 19 Xubnood kuwaas oo Codeyay Waxxaana ugu Damabeyn Codad gaaraya 16 Cod ugu guuleystay Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdulaahi Cabdi Raxmaan Xuseen (Tootoole) halka Musharixii la tartamayay ee Maxamuud Maxamed Wardheere uu helay Sadex Cod oo kaliya.

Codeynta kadib ayaa gudoomiyaha gudiga Doorasahda waxa uu madashada kaga dhawaaqay Natiijyada Doorashada iyo shaqsi ku guuleystay waxaana intaas kadib isi soo taagay Musharaxa gudoomye ku xigeenka oo u taagnaa kaliya hal mushrax oo ah Nuur Yarow Xeyle Shaarba Cadde oo ugu dambeyn ku guuleystay Gudoomiye ku xigeenka degmada Cadaado.

Doorashadu markii ay soo idlaaday kadib ayaa goobta doorashada waxaa hadalo kasoo jeediyay Gudoomiyaha haatan ladooray iyo Murashixii la tartamayay iyo Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka Degmada oo isaguna goobta lgu doortay kuwaas oo dhamaan tood sheegay in sida ugu wanaagsan ay la shaqeyn doonaan golaha deegaanka ee Maanta usoo xaadiray doorashadan.

Sidoo kale Masuuliyiinta Goob jooga ka haa doorashada maanta ayaa hadlo kooban soo jeediyay waxaana ugu dambeyn soo gaban gabeeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed Kaas oo ka hadlay qodobo Muhiim ah oo aad u taabanayay guud ahaan dadka iyo deegaanada Dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb.

Axmed Lafoole
laffoole@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.