Home » Warar »

War-saxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada oo lagu magacaabay Xisaabiyaha iyo Hanti dhowrka guud

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Kulankan ayaa goluhu uga hadlayeen qodobo ay ka mid ahaayeen sugidda amniga dalka, soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda oo aheyd magacaabida Xisaabiyaha guud ee dawladda iyo Hanti dhowrka guud, waxaana dhanka kale warbixino looga dhegeystay Wasiiro soo jeediyay qorshe howleedka Wasaaradda.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn warbixino ka dhegeystay Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, isaga oo uga warbixiyay dhacdooyinkii xalay ay kooxaha nabadiidku ku khal khalgeliyeen shacabka, wuxuuna xusay in ciidanka amnigu ay si adag u wajaheen ayna gacanta ku dhigeen 2 ruux oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen hoobiyeyaal la riday.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji C/weli, waxaana uu sheegay in ugu horeyntii golaha Wasiiradu ay cod u qaadeen shaqsiyaadka ku haboon qabashada Xisaabiyaha guud iyo Hanti dhowrka, waxayna Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbisay taariikh nololeedka xubno badan oo araajidooda soo gudbiyay, waxaana laga xulay Dr. Nuur Faarax oo loo magacaabay Hanti dhowrka guud ee dawladda, iyo Mudane Cabdiweli Axmed oo isna loo magacaabay Xisaabiyaha guud ee dawladda.

somali6

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in golaha wasiiradu ay dheysteen warbino la xariira qorshe howleeda qaar ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumada, oo ay ka mid ahaayeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Wasaaraddo kale.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa galabta ka dhoofay garoonka Aadan-cadde, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dlaka Itoobiya halkaasoo ay kulamo kula yeelan doonaan madaxda ugu sareysa dalkaasi.

Xubnaha wafdiga oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa la filayaa in sidoo kale ay u sii gudbaan dalka Jabuuti halkaasoo ay kulamo kala duwan kula qaadan doonaan madaxda dalkaasi, waxayna ka wada hadli doonaan horumarinta iyo iskaashiga dalalka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Muqdisho, Khamiis, February 13, 2014

Garad Salad Hersi

Senior Press officer, PM office

Mob.+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.