Xildhibaan Cabdicasiis Shiikh Yuusuf Direed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda Amaan ee dalka Soomaaliya, gaar ahaana Magaalada Muqdisho, oo waayadaan dambe dad badan ka Walaacsanaayeen ka dib markii Qaraxyo ,Weeraro iyo Dilal Qorsheysan ay ka dhaceen Magaaladda .
Xildhibaanka ayaa Hay’adaha Amaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen waajibaadkii loo idmaday ee ahaa in ay wax ka qabtaan ammaanka guud ee dalka gaar ahaana Ammaanka Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Cabdilcasiis oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay ha’adaha Amniga Qaranka ay wax ka qaban waayeen qaraxyada maalin walba ka dhacaya gudaha Magaalada Muqdisho isagoo Tusale u soo qaatay labadii qarax ee shalay labadeeda gelin ka kala dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo Dagaalo ka dhacay Suuqa Xoolaha .
Xaaladdaas ayuu mudanahan ka tirsan Barlamaanku uu ku sheegay wax qabad yarida hay’adaha amniga Qaranka isagoona ka codsaday xukuumadda cusub ee uu Ra’iisul wasaaraha ka yahay Cabdiweli Shiikh Maxamed in ay wax ka qabtaan hawlaha amniga oo ay hore u ballan qaadeen in ay gacan bir ah ku qabanayaan.
Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in hay’adaha amnigu isu taagaan sidii ay uga hor tegi lahaayeen falalka qaraxyo ee ka dhacaya maalin walba Magaalada Muqdisho oo ah Xaruntii dalka isla markaana ay fuliyaan waajibka loo idmaday.
Hadalka mudanahan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Maalinimadii Isniinta Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Laba qarax oo mid ka mid ah dhaawac loogu gaystay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Shabeelaha Hoose xilli uu marayay wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
——
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Abdirahman D. Beileh oo balanqaaday dib u dhiska iyo howlgelinta Machadka diblomaasiyadda .
Mogadishu, February 12, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta waxa ay booqdeen qeybaha kala duwan ee dhismayaasha burbursan ee ka tirsan Wasaaradda , kuwaasoo kala ah Waaxda Warbaahinta,Machadka daraasaadka diblomaasiyadda iyo Maktabadda .
Dhismayaashaasi burbursan oo qaar ka mid ah ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ka dhistay guryo jiinkado ah ayaa Wasaaraddu ay qorsheyneysaa inay dib u dhis iyo qalabeyn ku sameyso Machadka daraasaadka diblomaasiyadda iyo dhismayaasha kale ee ku lamaansan , si wasaaraddu ay ugu suura-gasho soo saaridda jiil cusub oo diblomaasiyiin ah .
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa intii uu kormeerka ku jiray salaamayay qoysaska halkaasi deegaansaday, isagoo balan-qaaday inuu dadaal dheeraad ah ku bixin doono dib u dhisidda machadka,maktabadda iyo dhismayaasha kale ee Wasaaradda , waxa uuna xusay inuu hormuud u noqon doono aas’aasidda naadi ay leeyihiin diblomaasiyiinta Soomaaliya.
Socdaalka Wasiirka iyo Wasiir kuxigeenka ay ku booqanayeen dhismayaasha Machadka diblomaasiyadda iyo kuwa kale ayaa waxaa ku wehlinayay saraakiisha amniga Wasaaradda.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Abdirahman D. Beileh oo maanta la kulmay John Ging oo ah agaasimaha OCHA.
Mogadishu, February 12 , 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo Mr. John Ging oo ah agaasimaha howlgalada Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan iskuduwidda arrimaha bani’aadanimada OCHA, oo booqasho shaqo ku jooga caasimadda Muqdisho .
Kulanka ayaa looga dooday xoojinta dadaalada gargaarka si looga hortago dhibaato bani’aadanimo iyo cunna yari oo ka dhacda gobolada qaar ee dalka Soomaaliya oo wax soosaarka beeraha xilligii la soo dhaafay uu aad u hooseeyay.
Mr. John Ging ayaa sheegay in Xafiiska uu madaxda ka yahay uu u howlgeli doono kobcinta kaalmooyinka samafal ee gargaarka bani’aadanimo lagu gaarsiin doono deegaanada xaaladaha nolol xumo ay ka jiraan .
Wasiirada cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa dardar geliyay howlaha shaqo ee Wasaaradda kaga aadan Ururada caalamiga si gaar ah hey’adaha Qaramada Midoobey oo laga rajeynayo inay ka qeyb qaataan barnaamijyada horumarinta,taageerida hey’adaha kala duwan ee dowladda, dib u dhiska dalka iyo dadaalada dib u dejinta barakacayaasha gudaha.
Kulankani oo ku soo idlaaday jawi isfaham leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha joogtada cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abdullahi Dool Mohamed.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.