Home » Warar »

Agaasimayaashii Idaacadaha Danan iyo Haatuf oo Maalintii Sedaxaad ku jira Xabsi ay leedahay Dawladda.

Agaasimaihii guud ee Warbaahinta Danan iyo Agaasimihii Idaacadda Haatuf ayaa weli ku jira gacanta Ciidamada Nabad sugidda Qaranka kuwaasoo illaa iyo iminka aysan caddeyn sababta dhabta ah oo ay ku xiran yihiin.

somali4Maxamed Deeq Barre Xaaji Fiyoore iyo Ibraahim Maxamed Cali (Ibraahim Yare) ayaa illaa iyo iminka aan la ogeyn sababta dhabta ah oo ay u xiran yihiin mana jiraan illaa iyo iminka wax Maxkamad ah oo la hor geeyay.

Arrinta xarigga mas’uuliyiintaas ayaa waxa si weyn u Cambaareeyay Mas’uuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ iyo Ururka ay leeyihiin Warbaahinta MadaxaBanaan kuwaasoo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo daayo mas’uuliyiintaas.

Labadan Mas’uul ayaa noqonaya markii u horeeyay sanadkan Cusub ee labada Kun iyo Afar iyo Tobanka Tacadigii ku dhaca Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee sanadkan cusub la kowsaday Xarigga loo gaystay Saxafiyiintaas Soomaaliyeed.

Si kastaba xarigga saxafiyiintan ayaa imaanaya xilli dhawaan Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kulamo la qaadatay Warbaahinta Madaxabanaan iyadoona ballan qaaday inay wanaajin doonto xiriirka wada shaqeeneed ee ay la yeelenayso warbaahinta Madax banaan.

Dhinaca kale Iyadoo maalinimadii darraad ahayd Ciidamada Nabad sugidda qaranka xabsiga u taxaabeen Mas’uuliyiin ka tirsanaa Idaacadaha maxaliga ah ayaa arrintaa waxaa si kulul uga hadlay Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo NUSOJ la yiraahdo.

Maxamed Ibraahim Bakistan xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay xarigga loo gaystay Agaasimayaashii Idaacadaha Danan iyo Haatuf mid xad gudub ah isla markaana aan loo marin wadadii sharciga ahayd.

Bakistan ayaa hoosta ka xarriiqay in Mas’uuliyiintaas ay ahayd in Xarigooda Maxkamad loo soo maro maadaama ay yihiin Muwaadiniin cabsina aan laga qabin inay dalka ka baxsadaan. Xoghayaha guud ayaa dhinaca kale farta ku fiiqay inaysan jirin cid sharciga ka weyn sidaa darteed haddiiba wax dembi ah oo cad lagu hayo Mas’uuliyiintaas sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo hor geeyo haddii kalase Xuriyaddooda dib loo siiyo.

Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa tilmaamay inaan lagu wargelin qabashada mas’uliyintaas Wasaaradda Warfaafinta iyio Ururka Suxufiyiinta qarankaba taasoo meesha ka saaraysa wada shaqayntii hay’adahaas.

Ugu dambayntii ayuu Xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed wuxuu baaq u diray Hay’adda Nabad Sugidda isagoona ugu baaqay in si shuruud la’aan ah loo soo daayo Mas’uuliyiintaas Maalintii sedaxaad u xiran sabab aan la garanayn.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Warsaxaafadeedka NUSOJ hoos ka akhri

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Ee Soomaaliyeed Wuxuu Cambaareynayaa Xariga Labo Agaasime Idaacadeed oo Lagu Xiray Muqdisho

Febraayo 12th, 2014

Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee Soomaaliyeed [NUSOJ] waxaa uu cambaareynayaa xariga sharci darrada ah ee lagula kacay agaasimayaasha idaacadaha madaxa bannaan eek ala ah Radio Danan iyo Radio Haatuf ee magaalada Muqdisho oo la xiray taariikhdu markay ahayd Talaado 11 Febraayo 2014.

Ciidamada nabadsugida qaranka ayaa qabtay kadibna xiray wariye Maxamed Barre Xaaji Fiyoore oo ahaa agaasimaha Radio Danan iyo Wariye Ibraahim Maxamed Cali oo ahaa agaasimaha Radio Haatuf habeenimadii Talaadada, waxaana lagu xiray labada agaasime xarunta nabadsugida ee magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jirto sabab cad oo NUSOJ ay og tahay oo loo xiray labada agaasime idaacadeed. Waxayna xalay labada agaasime idaacadeed ku hoydeen xabsiga nabadsugidda qaranka. Mana jirto wax eedeyn ah oo illaa hadda lagu soo oogay labada suxufi ee xoriyadooda laga qaaday.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee Soomaaliyeed [NUSOJ] waxaa uu cambaareynayaa xarigaasi sharci darrida ah, wuxuuna ururka dalbanayaa in si deg deg xoriyadooda loogu soo celiyo, ana dhowro xoroyada iyo madax banaanida warbaahinta Soomaaliyeed.

“Waxaan dalbaneynaa in la siidaayo labada suxufi si deg deg ah. Waa in la ixtraamaa madaxa banaani hawleed ee warbaahinta.” Sidaasi waxaa war saxaafadeedka ku yiri Xoghayaha Guud Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim “Cabuinta wariyayaasha iyo xariga joogtada ah waa xadgudub dhab ah oo ka dhan xoriyarul qawlka”.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee Soomaaliyeed [NUSOJ] wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa maamulka Somaliland inay xayiraada ka qaadaan Telefishanka Universal oo ah telefishan madax bannaan oo shaqadiisa deegaanada Somaliland laga xayiray 03 Febraayo 2014 kaasoo illaa hadda aan wax dhaqdhaqaaq shaqo ah ka wadin deegaanada maamulkaas.

[DHAMMAAD]

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Agaasimayaashii Idaacadaha Danan iyo Haatuf oo Maalintii Sedaxaad ku jira Xabsi ay leedahay Dawladda. "

  1. APHAD says:

    aad iyo aad ayaan u cambaareynaynaa Xariga loo geystey Wariye yaashaas madaxa bannaan. waana sharci daro in muwaadiniin Soomaaliyeed xabsi lagu hayo iyadoon sharci la geyn.