Home » Warar »

Wasiirka Garoorka iyo Dastuurka oo Bulshada Raydika u Balan Qaadey in Isbedel Muuqda lagu Sameyn doon Habka Cadaaladda Dalka.

Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Faarax Shiikh Cabduqaadir ayaa Kulan aad u balaaran la yeeshey Qaybha kala Duwan ee Bulshada , waxaana Kulankaas Goob joog ka ahaa Xildhibaano, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ,Saraakiisha Garsoorka qaybahooda kala Duwan iyo Marti Sharf kale.

Inta uusan Bilaaban Kulanka ayaa Wasiirka Garsoorka yo Dastuurka Faarax Shiikh Cabduqaadir waxaa uu Warbxin iyo Talooyin lagu Saxi karo Cadaaladda ka dhegeystey Xubnihii ka qayb galey Kulankaas iyagoo sheegey in Xligaan loo baahan yahay in wax badan laga qabto Arrimaha Garsoorka,

Xubnihii ka qayb galey Kulankaas ayaa waxaa ka mid Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo sheegey in Cadaalada ay ku Imaan karto iyadoo si dhab ah loo qaato Kitaabka Alle sidoo kale waxaa uu sheegey Shiikh Nuur Baaruud in loo baahan yahay in Bushada u Istaagto sidii Dalka Nabad loogu Soo Dabaali lahaaa taasoo uu sheegey in ay ku Imaan karto Garsoor Daacad ah .

somalia20

Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Faarax Shiikh Cabduqaadir oo Gabagabdii ka Hadley Kulankaas yaa sheegey in ay Jiraan Caqabo ku Hor Gudban in wax laga qabto habka Garsoorka ee dalka hase yeeshee waxaa uu Bulshada Rayidka u Balan qaadey in Is Bedel Muuqda lagu Sameeyn doono Garsoorka isagoo u soo jeediyey Bulshada rayidka in ay kala qayb qaataan sidi loo toosin lahaa Garsoorka Dalka

Sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Dalladda SOCSENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo Wasiirka uga Mahadceliyey in uu Kulan la yeesho Qaybaha kala duwan ee Bulshada oo uu sheegey in laga helayo talooyin ku saabsan Garsoorka waxaana uu u soo jeediyey Wasiirka in la Joogteeyo Kulamada Noocaan oo kale oo wax ka taraya Habka Cadaaladda Dalka

Tdodobaadkii hore ayey ahayd markii Wasirika Amnigga Qaran Cabdikariim Xuseen Guuleed uu kulan la qaatey Bulshada Rayidka oo ay isla soo qaadeen sdii wax looga qaban lahaa Amaanka iyo Xasiloonida Dalka iyadoo Bulshadda Rayidka ay ku Biiriyeen Kulankaas Talooyin ku aadan wax ka qabashada Nabadgelyadda Wadanka . .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.