Home » Warar »

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Kenya oo Beeniyay in Ciidamada Kenya ay ka Baxayaan Dalka Soomaaliya.

iyo Wasiirka arrimha Dibada oo Xafiiskiisa ku Qaabley Masuuliyiin ka Tirsan Wadamada Jabaan iyo Burundi —

Xildhibaan Barre Cabdi Ducaale oo ah Xildhibaan laga soo Doortay Gaarisa ayaa ka hadlay Xaaladda Ciidamada kenya ee ku sugan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ka dib markii ay soo galeen Sannadkii 2011.

kenya2Xildhibaanka ayaa meesha ka saaray gebi ahaanba in Ciidamada Kenya ay isaga baxayaan Gobolka Jubada Hoose isagoona hoosta ka xarriiqay in Ciidamada Kenya in ay qayb ka yihiin hawl galka Amisom sidaa darteedna Magaalada Kismaayo ay ku sii hari doonaan illaa Laba Boqol oo Askari inta kalena ay u baxayaan degaanada kale ee Gobolka Hoose iyo Jubada Dhaxe si ay uga qayb qaataan la dagaalanka Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.

Xildhibaan Ducaale ayaa intaa ku daray in Ciidamada Kenya uu saameeyay is bedelkii dhawaan lagu sameeyay Ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha Soomaaliya ka gadaal markii ay ku soo biireen Ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiyaanka ayuu sheegay in lagu qaybay Gobolada Bay Bakool iyo Gedo halka Ciidamada kale ee Dalalka kale ka socdana ay ka qayb gali doonaan degaanada kale ee ay ku sugan yihiin Xarakada Shabaab.

Hadalkan ka soo yeeray mudanahan ka tirsan Barlamaanka Kenya ayaa imaanaya xilli muddooyinkii dambe la isla dhax marayay in Cidamada Kenya ee qaybta ka ah hawl galka Amisom ee kismaayo in ay halkaa isaga baxayaan ka gadaal markii dhaliilo fara badan loo soo jeediyay.

Wasiirka arrimha Dibada oo Xafiiskiisa ku Qaabley Masuuliyiin ka Tirsan Wadamada Jabaan iyo Burundi

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka dowladda Japan u fadhiya Kenya ahna u qeybsanaha Soomaaliya Ambassador Tatsushi Terada oo uu wehlinayay Atsushi Yonezawa oo ah Xoghayaha koowaad ahna Madaxa siyaasadda iyo Arrimaha guud ee Safaaradda .

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Buri’ Mohamed Hamza ,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mahad Mohamed Salad iyo Saraakiil kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa looga hadlay Xiriirka labada Dal ee dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha iyo ganacsiga , oo ay ku jirto sidii dowladda Japan ay uga fulin laheyd Soomaaliya Mashaariic horumarineed .

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Abdirahman Dualeh Beileh ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Burundi Laurent Kavakure oo ay ka wada hadleen Xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo arrimaha ammaanka dalka .

jaban3

Kulanka labada Wasiir oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Buri Mohamed Hamza , Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mahad Mohamed Salad , Safiirka Soomaaliya ee Bujumbura – Burundi Danjire Abshir Hassan Abshir FarahTaliyaha Ciidanka AMISOM Lt. Gen. Silas Ntigurirwa iyo Saraakiil kale

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.