Madaxweynaha Dawladda federaalka Soomaaliya oo gaaray Waddanka Turkiga ayaa la sheegay inuu halkaa u tagay Sababo Caafimaad iyo arrimo la xiriira sidii uu u soo eegi lahaa Qoyska Madaxweynaha iyo Caruurtiisa oo ku sugan dalka Turkiga ..
Afhayeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo arrintaa ka hadlay ayaa xaqiijiyay safarka Madaxweynuhu uu ku tegay Dalka Turkiga iyo sababaha uu u tegayba.Eng. Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa ku tilmaamay Xanuunka Madaxweynaha mid aan sidaa u darneen sidaa darteedna ay tahay oo keliya waa siduu hadalka u dhigaye mid Taxadar ah oo Madaxweynaha lagu baarayo.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Madaxweynuhu muddo Sanad iyo dheeraad ah uu si xiriir ah u shaqaynayay isla markaana u baahan yahay in lagu sameeyo baaritaan caadi ah isagoona meesha ka saaray inuu Madaxweynuhu Xanuun daran uu hayo.
Arrintan ayaa waxa ay imaanaysaa xilli Muddooyinkii dambe la isla dhax marayay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu hayo Xanuun aad u daran kaasoo aan la soo shaac bixin.Ugu dambayntii ayuu Eng. Yariisoow Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in Madaxweynuhu uusan ku jirin xaalad aad u daran isagoona Warbaahinta uga digay tabinta wararka aan xaqiiqda ahayn ee ay ka qoraan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.