Home » Faallo »

Sh. Daahir Macallin Cismaan oo ku geeriyoodey Diinsoor

Inaa Lillaahi Wa inaa Ileyhi Raajcuun.

Bahda SomaliTalk.com waxay ka tacsidaynayaan geeridii ku timid Sh. Daahir Macallin Cismaan oo da’diisu ahayd 89 jir, kuna geeriyoodey Degmadda Diinsoor, khamiistii Febraayo 6, 2014.

Waxaan si gaar ah tacsida ugu direynaa Maxamed Macallin Cismaan (All-man) oo ay walaalo ahaayeen marxuumka.

Allah janadiisa fardowsa haka waraabiyo marxuum Sh. Daahir Macallin Cismaan.

Maxamed All-man waxa uu facebook ku qoray sidan:

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun!! Naf kasta wey dhadhamineysaa geerida waana xaq Alle Xagiisa ka sugnaatey. Alle Ha U Naxariistee oo Jannadii fardowso Alle haka waraabiyee, Waxaa ifka ka tagey Walaallkey Sh. Daahir Macallin Cismaan. wuxuu ku geeriyoodey Degmadda Diinsoor. ilaahoow addigaa ilaah ahe qabrigiisa u waa sici oo jannadaada fardowso kaa waraabi aamiin aamiin aamiin.

sawirkan waa is arrageenii ugu dambeeyey, annigoo gaari saaran ayaan soomarey, kadibna waa isa soo macsalaameyney!! waliba si fiican uma sii sheekeysan!!

Marxuum Sh. Daahir Macallin

Marxuum Sh. Daahir Macallin

Tacsida waxaa loogu hagaajin karaa Email:- fatxumaalik1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.