Home » Warar »

Xarunta SWDC oo lagu Qabtey Manaasabad ku Aadan Maalinta Gudniinka Fircooniga.

Avv Tahlii “Gudniinka Fircooniga waxaa looga Hortagi karaa iyadoo Dastuurka Dalka lagu daro Sharci Ciqaabaya kuwa Sameeya Gudniinka Fircooniga”
somali170

Waxaa Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC ) lagu qabtey Munaabasad lagu Xusayey Maalinta ka hortaga Gudniinka Fircooniga oo ku beegan 6-da February , waxaana Munaasabadaas ka soo qab galey Qaybaha ka duwan ee Bulshada sida Culimaudiin , Sharciyaqaano, Dhaqaatir, Haween , Dhalinyaro iyo Haween horey u soo marey Gudniinkaas oo ka sheekeynayey Dhibaatadii uu leeyahay Gudniinka Fircooniga .

Ugu horeyn waxaa halkaa Hadley Shiikh Muuse Cagaweyne oo ka mid ah Culimadii Soomaaliyeed waxa uu sheegey in uusan meel ka soo gelin Diinta Islaamka Gudniinka Fircooniga waxaa uu sii raaciyey “Waa dhibaato Xooogan oo loo geystey Gabdhaha Soomaaliyeed oo halkaa kuw aayey mid ka mid Tiirarka Nolosha Baniaadamka kuwii sameeyna waxa geleen Xadgudb aad weyn , marka waxaa Bulshada looga baahan yahay in ay Baaabiiyaan Cadaadadaas Xun

“Waxaa maqley Gabar Hooyadeed Dacwo ku soo oogtey ka dib markii ay Dhibaato Xoogan kala kulantey Gudniinkii Hooyadeed ku sameysey , marka arrintaas waxay keeneysa a in halkaas ka abuuranto Naceyb soo kala dhex gala Qoyska marka waxaan ku talinayaa in labada Dhinac is cafiyaan “ ayuu yiri Shiikh Muuse Cagaweyne oo sheegey in Warbaahinta ay qayb weyn ka qaadan karo sidoo loo dabar Goyn lahaa Cadadaas Foosha Xun.

Sahro Axmed Maxamed oo Dhinaca Sharciga ka talisa Hayadda SWDC oo ka hadashey Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Gudniinka Fircooniga ayaa waxay sheegtey in halku dhigga Sanadkaan uu yahay “IN LA WAAYO GUDNIINKA FIRCOONIGA” waxay sheegtey in arrintaa looga hartagi karo iyadoo Qaybaha kala duwan ee Bulshada u sara kacaan sidii loo Ciribtiri lahaa Caadadaas Foosha Xun iyadoo si gaar ah ugu baaqdey Dhalinyarda wiilasha ah in Xooga saaraan sidii meesha uga saari lahaayeen in ay Guursadaan Gabdhaba loo gudey Gudniinka Fircooniga ah “

Xubnihii kale ee halkaa ka hadlay waxa ka md ahaa Maryan Dakhal oo ka mid ah Saraakisha Hayadda SWDCayaa waxay u soo jeedisey Qaybaha Warbaahinta dalka in ay ka qayb qaataan sidii Bulshada ugu wacyi gelin lahaayeen sidii loo dabar goyn lahaa Gudniinka Fircooniga oo ay sheegtey in uusan meel ka soo gelin Diinta Islaamka sidoo kale waxay sheegtey in Hayadooda ay Diwaan gelIsey Dhacdooyin aad u fool Xun oo ku saabsan Gudninka Fircooniga , kuwaa oo ay sheegtey in ay Dhawaan soo bandhigi doonto.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Avv Tahliil Cabdi Axmed oo ka mid Sharciyaqaanada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegey in arrinta Gudniinka Fircooniga Ciribtirkiisa looga hortagi karaa iyadoo Dastuurka Dalka lagudaro Sharci Ciqaabaya Cida ku dhaqanta Caadadaas Foosha xun oo Diinta Islaamka reebtey sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey Warbaahinta in ay ka qayb qaataan sidoo Bulshada looga wacyi gelin lahaa Dhaqankas soo jireenka ah iyadoo inta aysan bilaaban Munaasabadaas lagu Xusayey Maalinta Gudniinka Fircooniga ay Hayadda SWDC ay Barnaamij Wacyi gelin ah oo ku saabsan Gudniinka Fircooniga ka sameysey Xerooyin Barakacayaal ah oo ku yaala Magaalada Muqdsho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.