Home » Warar »

War-saxaafadeed: Ra’iisul Wasaare Cabdiwali “Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa hogaamiye ku dayasho mudan”

Muqdisho, February 7,2014——Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si wadajir ah uga qeybgalay aaska Qaran ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho loogu sameeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo saaka meydkiisa laga soo dejiyay garoonka Aadan-cadde iyada oo laga keenay magaalada magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

abdiweli1

Meydka marxuumka ayaa waxaa wehliyay qaar ka mid ah ehelada, qaraabada iyo saaxiibo ka soo raacay Minneapolis, waxaana ka mid ahaa walaalkiis Cabdiqafaar Xaaji Xuseen iyo Cabdi Ismaaciil Samatar oo ay saaxiibo ahaayeen in muddo ah.

Meydka marxuumka ayaa si maamuus iyo qadarin leh waxaa uga soo dejiyay diyaaradda cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana loo garaacay astaanta Qaranka, waxaana garoonka ku sugnaa boqolaal ruux oo isugu jiray, madaxda dalka, wasiiro, xildhibaano, hogaamiyeyaasha maamulada dalka, isimo, ugaasyo, haweenka iyo qeybo kale oo bulshada rayidka ah.

Meydka Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo qaaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka halkaasoo lagula tukaday salaadii Janaasada, waxaana intaasi kadib loo qaaday degaanka Ceel-cirfiid oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho halkaas oo horay ugu aasnaa madaxweynihii ugu horeeyey ee dalka Soomaaliya marxuum Aadan Cabdulle Cismaan, iyadoo lagu dhinac aasay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Cabdirisaaq uu ahaa hogaamiye ku dayasho mudan, isla markaana ay ku shaqeyn doonaan aragtidiisii Maamul wanaaga, Soomaalinimada iyo Wadaninimada.

“Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa hogaamiye ku dayasho mudan, oo mideeyey quluubta dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin, sida geeridiisu u mideysay dadka Soomaaliyeed waxay muujineysaa in shacabku isku soo hiloobo oo ay ka tashadaan aayahooda”

Ugu dambeyntiina Ubax Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo goobta aaska ka hadashay ayaa si weyn ugu mahadcelisay hogaamiyeyaasha dalka, iyo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, sida ay ula qeybsadeen murugada geerida marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waxayna si gaar ah ugu mahadcelisay dawladda Soomaaliyeed oo ay sheegtay in si xushmad iyo maamuus leh ay u aastay.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office.
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.