Home » Warar »

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo Baaq Furan u diray Madaxweynaha Soomaaliya

  • Muuqaalka ka soo baxaya shirka Turkiya ayaa ka dhigaya sidii labba dowladood oo siman oo wada hadalya, halka ay gooni goosatadaan saldhig uga dhigayaan kala goynta dalka in 60-kii labba Jamhuuriyadood oo kala madaxbanaan ay Soomaalidu ahayeen dabadeena sameysteen Jamhuuriyadda Soomaaliya….

Baaq furan oo ku socda madaxda Qaranka Soomaaliyeed

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud.
Ku: Raa’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya
Mudane: Cabdiwali Sheekh Ahmed
OG: Guddoomiyaha Golaha Shacabka federaalka Soomaaliyeed
Mudane: Maxamed Cusmaan Jawaari

Ujeedo: Illaalinta midnimada Qaranka iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed

somalia_map2Mudane Madaxweyne sidaad la socotaba waxaan dhowr jeer oo kala duwan kaala hadlaynay in wax laga bedelo hab maamuuska iyo qaabka loola hadlayo gooni goosatada Gobolada Waqooyi Galbeed Soomaaliya oo ay xaruntoodu tahay Hargaysa, kuwaas oo sheeganaya inay yihiin Jamhuuriyad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Muuqaalka ka soo baxaya shirka Turkiya ayaa ka dhigaya sidii labba dowladood oo siman oo wada hadalya, halka ay gooni goosatadaan saldhig uga dhigayaan kala goynta dalka in 60-kii labba Jamhuuriyadood oo kala madaxbanaan ay Soomaalidu ahayeen dabadeena sameysteen Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo aan sal iyo raad midna lahayn, taariikhda dhowna ay si cad marag uga tahay.

Haddaba sida la wada ogsoonyahay ummadda Soomaaliyeedna ay si aad ah uga dheregsan tahay inaysan jirin labbo Jamhuuriyadood oo dastuur, calan, madaxweyne iyo dal kala duwan leh 1960-kii, waxaa kaliyoo jiray labba gobol oo Soomaaliyeed oo 5 tii Soomaaliyeed ka mid ah oo uu gumaystayaashu isaga baxeen halgan dheer kadib, kadibna yagleelay Jamhuuriyada Soomaliya sanadkii 1960-kii.

Shacbiga Soomaaliyeed waxay aqlibayad weyn ugu codeeyeen dastuurkii 1961-kii kaasoo si cad u qeexaya wadajirka iyo inaan la kala qeybin Karin Jamhuuriyada Soomaaliyeed (Act of Union), laguna xad gudi Karin xaduudaakeeda. Jamhuuriyaadaas oo dhacda inta u dhaxaysa Lawyo-Cadde iyo Raaskambooni, oo aysanna jirin, ama jiri karina Jamhuuriyad labbaad oo kale, sida ku cad dhamaan dastuuradii uu dalka soo yeeshay oo uu ugu dambeeyo mudane Madaxweyne dastuurka hadda madaxweynimadda laguugu doortay, waajibkaaga koowaadna ayuu yahay illaalintiisa.

Sidaa daraadeed waxaan soo jeedinyaa qodobadaan hoos ku qoran:

1. Waa in la joojiyaa wada-hadalada lala yeelanayo gooni goosatada ku haminayso kala qeybinta Jamhuuriyadda Soomaaliya.

2. Waa in la abaabulaa lana dhiirigeliyaa wadaniyiinta reer waqooyi oo u taagan hadh iyo habeenba midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, si ay uga hortagaan kooxdaan Midnimo diidka ah.

3. Mudane Madaxweyne sida ka muuqata bayaankii ka soo baxay shirkii lagu qabtay Turkiga laguna eedeeyey dowladii hore ee Soomaaliya iyo ciidamada qalabka siday oo u taaganaa gudashada waajibaadkooda qaran. Bayaanka ka soo baxay Turkiya waxaa si aad ah uga muuqata in cudurdaar loogu sameeyo kuwa cadowga u adeegayo si dalka loo kala gooyo, waxaase is weydiin mudan; ma waxaa dhibane la cambaareeyo noqday Dowladdii gudanaysay waajibeedkeeda qaran ee illaalinta midnimadda Ummadda Soomaaliyeed, iyo difaacida xaduudaha jamhuuriyada Soomaliyeed, mise kuwii u adeegayay cadowgii gaamuray loona adeegsaday dhibaateynta dadka, diinta, iyo qarannimadeena oo ku shaqeynayo mabda’ii gaboobay ee qeybi oo xukun ee uu Mingiste Aabo ugu ahaa.

4. Mudane madaxweyne gooni goosataan waxay xadgud baahsan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed oo wadaniyiinta ah ee ku nool Sool, iyo degmadda Buuhoodle 20 kii sano ee la soo dhaafay, dambiga kaliya oo ay galeena uu yahay inay calanka soomaaliyeed ay diideen inay dhulka dhigaan, sitaana had iyo jeer boorar muujinaya astaanta Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo Sawirkaaga iyo inay gaashaanka u daruureen inay ka qeyb galaan kala goonta Jamhuuriyada Soomaaliya, kuwaasoo loo baahan yahay in la taakuleeyo laguna garab istaago mowfifkooda wadaniga ah.

5. Waxaan baaq u dirayaa shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan shacbiga reer waqooyi ee la marin habaabiyey, kuwaas oo horseed ka ahaa illaalinta iyo wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed inay ka hortagaan kuwa ku cayaarayo taariikhdooda dahabiga ahayd oo aay aabayaashood dhiig iyo dhaqaalaba u hureen, kuwaas oo u adeegaya awoodo shisheeye oo cadow ku ah magaca iyo midnimadda Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale dhamaan shacabka Soomaaliyeed waa inay u istaagaan soo celinta qabkii, heybadii, sharaftii, iyo wadaniyadii waligeeda ka horjeedi jirtay Isticmaarka iyo inta u adeegta. Soomaaliyeey waxaad ogtihiin in qarnigii 18-aad ee qeybsiga Qaaradda Africa in Soomaaliya Shan loo qeybiyey, taasoo nagu qaadatay hal qarni inaan 5-tii Soomaaliya isu soo celino, kuna guulaysanay oo kaliya 1960-kii inaan labba ka mid ka kicinay gumaystayaashii iyo dabadhilifyadoodii. Haddaba waa inaan ka foojignaanaa khataraha uu gumaystayaashu ku doonayaa inay dib u kala qeybiyo labbadii gobbol oo 1960-kii midoobay.

Haddaba waxaan madaxda ay warqadaan furan sida tooska ah ugu socoto ka codsanynaa in masuul kastaaba ka qaato waajidka dastuuriga ah ee kaga aadan illaalinta midnimadda Umadda Soomaaliyed iyo in laga fogaado wax kasta oo shaki ama mugdi galin kara mowqifka wada jirka Ummadda Soomaaliyeed, islamar ahaantaasna la joojiyo wadahadalada lala wado gooni goosatada, illaa iyo inta ay si cad uga soo noqdaan qiyaanada qaran ee uu gumaystahu soo malaagay.

Soomaaliya ha noolaato hana is jirto waligeed.

Mahadsanadiin.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.