Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo sheegey in ay ka war Hayaan Bixitaanka Ciidamada Kenya ee Gobolada Jubbooyinka

iyo Qaraxyo iyo Madaafiic Xalay laga Maqlay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

iyo Bixitaanka Ciidamada Kenya ee Gobolada Jubbooyinka

Cabdiweli Shiikh Maxamed Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wa bixiyay Siyasadda xukuumaddiisu ay ku hawl galayso.Ra’isul wasaaraha oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda VOAd laanteeda afka Soomaaliga ayaa waraysigiisa dhinacyo kala duwan kaga hadlay isgoo ugu horeynba ka hadlay shirka Maamul u samaynta Gobolada Koofurta Soomaaliya ee Baydhaba ka socda .

abdiweli1Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa sheegay in Dastuurku uu qabo samaynta Maamul Goboleedyo sidaa darteedna ay soo dhaweynayan wada hadalada ka soconaya Magaalada Baydhabo isagoona farta ku fiiqay in shirkaasi ay joojiyeen Ciidamda Amisom iyadoo dhinaca ammaanka laga eegayo.Shirka ayuu sheegay Ra’iisul wasaaraha inaan la wada joojin laakiin ay jiraan sababo keenay in shirka marar uu hakad galay isagoona xaqiijiyay inuu shirkaasi iminka soconayo lana tix galinayo rabitaanka dadka.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa soo hadal qaaday dhinaca Amniga iyo waxa ay ugu tala gashay Xukuumaddiisa isagoona farta ku fiiqay in sanadkan ay soo af jarayaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada shabaab isagoona intaa raaciyay in meelaha ay kala wareegaan ay u diyaariyeen ciidamo xaqiijiya sugana ammaanka goobahaas.

Ugu dambayntii ayuu ka hadlay Ra’iisul wasaaraha Ciidamada Amisom ee ka baxaya Magaalada Kismaayo isagoona ku gaabsaday in hawshaasi ay tahay mid Milatery diyaarna uusan u ahayn inuu ku dheeraado keliyana sheegay in ay la socdaan hawlaha Ciidamada kenya ee qaybta ka ah hawl galka amisom ka bixitaankooda Magaalada kismaayo.Si kastaba hadalkan Ra’iisul wasaaraha ayaa imaanaya xilli dhaq dhaqaaq ciidan uu ka soconayo Gobolka Jubada Hoose kaasoo la sheegay in ciidamada keenyaanku halkaa isaga baxayaan.

Qaraxyo iyo Madaafiic Xalay laga Maqlay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa Geeryooday ka gadaal markii Habeenkii xalay ahaa fiidnimadii Madaafiic ay ku soo dhaceen qaybo ka mid ah Xaafadaha ku dhow dhow iyo wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo aan la garanayn meel ay ka soo dhaceen iyo cid soo tuurtay midnaba ayaa waxa ay ku dhaceen xaafadaha ku teedsan wadadaas xilli dadku ay halkaa marayeen isla markaana gaadiidku uu si caadi ah u soconayay.Madaafiicdan oo cabsi weyn abuuray ayaa waxaa ay sababeen in uu yaraado Socodkii Gaadiidka iyo dadka isla markaana goobihii Ganacsiga qaar ay xirmaan isla markaana ay joogsadaan dha dhaqaaqii faraha badnaa ee dadka.

Qaraxyadan ayaa waxa ay imaanayaa xilli Todobaad ka hor sidan oo kale ay Madaafiic ugu soo dhacday Xaafadda Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir kuwaas oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca CiidamadaAammaanka ee Soomaaliya ee ku aadan Madaafiicdaa xalay ku dhacday qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho in kastoo la arkayay ciidamo wadadaas mar marayay Qaraxa kaddib isla markaana kormeerayay meelihii ay Madaafiicdu ku soo dhacday.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.