– WT. MAXAMUUD AXMED CABDALLE
(ABWAAN SHIINE)
02/02/2014
Email: Mabdalle@gmail.com
- Kolka uu halyey iisho oo iilka lagu awdo
- Ehel iyo xigaaliyo asxaab waw ayaan mudane
- Ajasha iyo geerida ku timid aarkii qarankeenna
- Udub qaran Cabdirisaaq ninkii aad garanaayey
- Urugiyo xanuun bay u tahay oof-wareen galaye
- Arladeeda Soomaali weyn waw ahiyo waye
- Mugdibaa na awdoo qalbigu waa na oogsadaye
- Eebbow albaab baa ka jabay ehelkii Soomaale
- Niman eexdu saamayn qabiil lagu adeegtaaye
- Afar iyo tabnaadbuu ahaa geesi fool adage
- Tiirkiyo afaafkuu ahaa qaran asdayntiise
- Insaan eebbihii caabudoo eed kadheer abide
- Astaantii midnimaduu ahaa odaygii Soomaale
- Arbihii Cabdirisaaq Alloow yimi agtaadiiye
- Adaa oofsadoo aadamaha malag ka oolsiine
- Irridaha fardowsaad allow geli addoonkaaga
- Eebbow dunuubtiyo ka maydh dunida eeddeeda
- Waanaduu ikraankiis na faray nagu anfaac guulle
- Allow ururi Soomaali waa sidan ugaadhiiye
- Eebboow arwaaxdeeda qumi aammin naga yeelo
- Eebbow duryaadka u aflaxay iinta ka ilaali
- Alloow noo adkee oodda way uubtay taladiiye
Maxamuud Axmed Cabdalle(Awaa Shiine)
Email: Mabdalle@gmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.