Home » Warar »

Shirweynihii Golaha Guud ee Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho.

Waxaa Hotelka Ramada ee Magaalada Muqdisho maanta oo Taariikhdu tahay 31 January lagu qabtey Shirweynihii Golaha Guud ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed (Somali Medical Association (SMA) , waxaana ka qayb galey Qaybaha kala duwan ee Dhaqaatiirta Soomaaliyeed , Ururada Bulshada iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka

Ugu Horeyn waxaa halkaa ka Hadley Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr Maxamed Maxamuud Bideey oo si weyn ugu Dheeraadey waxyaabhii u qabsoomey marka la fiiriyo dhinaca Dibadda, isagoo sheegey in Xiriiro ay la yeesheen Ururo Caalami ah iyo kuwa ka dhisan Gudaha Dalka , sidoo kale waxaa uu sheegey in ururku uu u baahan yahay Taageero dhinac weliba si uu u gaaro Hadafkiisa.

somali164
Madaxa Maaliyada ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr Xabiibulaahia ayaa si weyn u faahfaahiyey Lacagihii Ururka soo galey iyo kuwii ka baxay , isagoo sheegey in Ururka Lacagahaas uu u isticmaaley Waxqabadka ururka isagoo ku soo Gunaanadey in Ururka haatan lagu leeyahay lacag gaareysa ilaa Todoba kun oo Doolar waxaana uu u soo jeediyey xubnaha ka tirsan Ururka Dadaal u galaan sidii uu u bixin lahaa Lacagaasi si uu u Guto Howlahisa.

Dr Cali Baashi Rooraaye oo ka mid ahaa Dhaqaatiirtii Aas-Aaska u dhigtey Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegey in haddii isbiirsadaan ama Iskaashadaan Dhaqaatiirtii hore iyo kuwa Dhalinyarada ah In Ururka uu ka Mira dhalin karo ujeedooyinkii loo dhisey taasoo uu sheegey in la heli doono Dhaqaatiir Dhinac walba ka dhisan oo u Adeegta Bulshadooda.

Dr Maxamed Xuseen Muumin ayaa isagana ka Hadley Qorshaha ururka (Work Plan ) isagoo halkaas ku soo bandhigey Qorashaha uu damacsan yahay Uruka Mustqabalka isagoo sheegey in Ururka ay horyaalaan Howlo aad u badan loona baahan yhay sidoo Qorshahaasdi uu u qabsaoomi lahaa si loo helo waxqabad Dhab ah.

Dr Cabdicasiis Xaaji Gacal oo ka mid ah Dhaqaatiirtii hore oo isna halkaa ka Hadley ayaa waxaa uu soo dhaweeyey Howlaha Baaxada leh ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed uu u hayo Dhaqaatiirta Soomaaliyeed , wuxuuna uu soo jeediyey ururka in uu aruuriyo Dhamaan Dhaqaatiirta Soomaaliyeed meel kasta oo ay u joogaan.

Dr Maxamed Cabdi Faarax oo ah Madaxa Caafimaadka ee Wasaarada Caafimaadka oo Munaasbadaas ka Hadley ayaa sheegey in Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed looga Fadhiya in ay horumariyaan Caafimaadka Bulshada oo haatan uu xusey in uu yahay mid aad u liita, taasina waxaa uu sheegey in ay ku imaan karto Iskaashi Dhinac walba leh oo ay wada yeeshaan Wasaarada Caafimaadka iyo Ururka Dhaqaatiirtaa Soomaaliyeed

Maxamed Cabdulaahi oo ah Wakiilka Muqdisho ee Hayadda WHO ayaa isgana halkaa ka soo jeediyey habka ay u shaqeyso Hayadda WHO , isagoo sheegey in Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed uu yahay Ururada laga heli karo Waxyaabaha Baaritaanada ee ku saabsan Dhinaca Caafimaadka Bulshada , wuxuuna halkaa ka balan qaadey in Hayadda wixii haatan ka dambeeya ay la shaqeyn doonaan Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Dr Zuhayr Cabdiqaadir oo ka socdey Ururka Bisha Cas ee Dalka Qadar oo ka Hadley Shirweynahaasi ayaa waxaa uu Daboolka ka qaadey in ururka Bisha Cas ee Qadar ay la shaqeyn doonaan Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed maadama ay hayaan Howlo Dhinaca Caafimaadka ee Bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna u soo jeediyey in ay markasta muujiyaan isku Duubnaan.

Ugu Dambeyn waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr Cismaan Aadan Cadde waxaana uu yiri “ Waxaa ururka horyaala Howlo aad u fara badan oo ah sidii aan ugu adeegi lahayn Shacabka Soomaaliyeed maadaama Dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa aan awoodin in Caafimaadkooda u helaan Dhaqaale” waxaa uu sii raaiciyey

“Ururka waxaa uu Daawooyin gaarsiiyey Dad dan yar oo ku nool mid ka mid ah Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir , waxaana Musataqbalka u Qorsheysan in Deeegaano kale oo dalka mid ah aan ka qaban doono Howlo Caafimaad oo loogu adeegayo Bulshada Soomaaliyeed”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.