Home » Warar »

Macalinkaygii Siyaasada Hon. Abdirisaaq Xaaji Xuseen illaahay ha u naxariisto

أنالله وانا اليه راجعون
Ilaahay wuxuu ceshto isagaa Iska leh, wuxuu bixiyana isagaa Iska leh, wax kastana agtiisa waxay ku leeyihiin waqti go’an, sabra oo ajar xisaabsada.

Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Abdirisaaq Xaaji Xuseen, waxaan illaahay uga baryayaa inuu u danbi dhaafo una naxariisto, Waxaan uga tacsiyeynayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaana ehelkii iyo qaraabadii uu katagay Mudane Abdirisaaq Xaaji Xuseen dhamaantood meelay joogaanba, Khaasatan xaaskiisa Khadiija Bulxan Warsame, caruurtiisa iyo dhamaan qoyska reer catoosh, iyo waliba gaar Adeer Cabdiqafaar Xaaji Xuseen, illaahayna waxaan u waydiinayaa inuu u fududeeyo arintaas culus ee ku dhacday.

Macalinkaygii Siyaasada

cabdAdeer Abdirisaaq wuxuu ahaa macalinkaygii siyaasada, waxaan mudo dheer maqli jiray magaciisa waxaana aad iisoo jiidan jiray doodahiisa iyo taxliilkiisa siyaasada Soomaalida ku saabsan, dhammaadkii 1999 ayaa illaahay qadaray inaan soo dago Magaaladii uu daganaa, (Minneapolis) Mudo yar kadiba waan is baranay waxaana danayn jiray inaan ka faa’idaysto khibradiisa siyaasadeed ee ku dhisan indheer garadnimada iyo geesinimo aan arinta markaas uu saxa/xaqa u arkayo uusan cidna kala gaban, markastana uu jeclaa inuu si hufan u qeexo fikirkiisa.

Waxaan ka wada qayb galay shirar badan oo caam ah iyo shirar hoose oo markii mudo la joogoba aan wici jiray oo aan casho ama qado isu raaci jiray si aan ugala sheekaysto uga faa’iidaysto taariikhda badan ee uu hayo iyo arimaha siyaasada ee markaas ka taagan Soomaaliya.

Shirarkaas caamka ah waxaa ugu caansanaa shirkii uu soo qaban qaabiyey (Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed) https://somalitalk.com/usd/ oo ahaa urur wadani ah oo lagu aas aasay dalka Maraykanka kana horyimid qabsashadii ciidammada itoobaya ay ku qabsadeen qaybo kamid ah dalka Soomaaliya dhamaadkii 2007. Ururkaas oo xiligaas aan ka ahaa gudoomiye waxaan goobta caanka ah ee Minneapolis Convention kawada jeedinay Mudane Abdirisaaq khudbooyin ku aadan galida ciidamada dowlada Itoobiya ay Soomaaliya ku qabsadeen gaar ahaan caasimada Soomaaliya Muqdisho, wuxuuna halkaas ka jeediyey Mudane Abdirisaaq khudbadiisii taariikhiga ahayd.

Halkaan kuma soo koobi karo dhaxalka aan ka reebay Hon. Mudane Abdirisaaq Xaaji Xuseen, waxaan rabaa intaanan idin la wadaagin shakhsi ahaan inta aan ka bartay qof noocee ah ayuu ahaa Mudane Abdirisaaq inaan idin la wadaago, su’aal aan waydiiyey jawaab uu iga siiyey.

Waxay ahayd xili galab waxaana i weheliyey eng. Maxamed Cali oo inta badan aan wada joogi jiray marka aan la kulmayno Mudane Abdirisaaq, waxay ahayd galab casarkii, isbariidin iyo iswaraysi kadib, waxaan waydiiyey “Mudane, Adeer Abdirisaaq waxaan ku waydiinayaa maxay ahayd arintii kuugu adkayd kuuguna muhiimsanayd intaad xilka Raysalwasaaranimada haysay ”

Su’aal kale ayuu igu soo celiyey “ Ma maqashay Busta Rossa” (Bukhshadii guduudnayd) waxaan ku jawaabay maya, aad ayuu u qoslay, markale ayuu igu soo celiyey ma maqal bukhshadii guduudnayd, waxaan iri maya maxay ahayd Busta Rossa?

Wuxuu yiri “Markaan Raysalwasaha noqday ayaa waxaan iri qiimayn ha lagu soo sameeyo shaqaalaha dowlada oo dhan qaabka shaqadooda, waxaa lagu soo sameeyey qiimayn wayn, jawaab celintii waxay noqotay, boqolkiiba todobaatan 70% in shaqaalaha aysan shaqayn, kadibna waxaan qaatay go’aan in 70% shaqada laga rukhseeyo, sodonka 30% soo harayna la dalacsiiyo, dhamaan tood waxaa loo diray Busta Rossa (bukhshadii guduudnayd) markaas ayuu hadana intuu qosol ku celiyey yiri kadibna waxaa la waayey cid soo shaqa tagta, markii la waydiiyey kuwii aan la rukhsayn ee la dalacsiiyey, maxaa idin ku dhacay ee lasoo shaqo tagi waydeen, waxay ku jawaabeen post rose ayaa noo timid, kadibna waxaa la yiri bal horta furta maxaa ku jira. In taa wuxuu kusii daray “wuxuu ahaa go’aan khatar ah oo naftayda iyo wadankaba halis galin kara, shaqadii oo laga rukhseeyey shaqaalihii wadanka oo nooc walba leh madax, maamul iyo shaqaale caadi ah intaba ma’ahayn go’aan sahlan”

Kumuu ahaa Mudane/Hon. Abdirisaaq Xaaji Xuseen intii ku siman aqoontayda gaaban oo gaaraysa shan iyo tobon sano lasoco qoraalka kan xiga, hadii Alle idmo, anigoo og inay jiraan dad iga badiya lana soo shaqeeyey ama saaxiib dhow lahaa mudadaas qarniga ku dhow ee uu noolaa, hadana waxaan aamin sahanay inaan ka mid ahaa saaxiibadiisa uu tixgaliyo.

Xasan Dhooye
North America
Dhooye@hotmail.com

Taariikh Nololeedkii Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo kooban AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Macalinkaygii Siyaasada Hon. Abdirisaaq Xaaji Xuseen illaahay ha u naxariisto "

  1. marka hore Alle ha u naxariisto marxuumka . marka xiga inkastoo aan fursad u heli inaan la kulmo r/w hore c/risaaq xaaji xuseen (AUN) waxaan akhriyey oo dhgeestey maqaalo iyo wareesiyo aad u xiisa badnaa oo uu ka tagey marxuumka . odoga wuxuu ahaa wadani daacad u ah diintiisa ,dalkiisa iyo dadkiisaba intaan garanayo wali ma arag siyaasi somaliyeed asagoo kale . mareegtadiina (somalitalk ) ayey meesha aan kala socon jirney maqaalada siyaasadeed uu qori jirey laga so bilaabo 2000 ilaa iyo hada oo uu geeriyoodey .