Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka tacsiyeeyey geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi C/risaaq Xaaji Xuseen: “ Guddi aas qaran qabanqaabiya ayaan u xilsaarnay”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane C/weli Shiikh Axmed Maxamed ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Isagoo ku hadlaya Magaciisa, Kan xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Ra’iisul wasaarihii hore iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxana uu ugu duceeyey in illaah janadii fardowso ka waraabiyo. Ra’iisul Wasaare C/weli ayaa qabanqaabada aaska qaran ee loo samaynayo C/risaaq Xaaji Xuseen u magcaabay guddi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.

cabdirisaaq“ Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, maanta ummadda Soomaaliya waxaa ka tegay mid ka mid ah geesiyaashiisii iyo halgamayaashiisii naftooda u hibeeyey u adeegidda qarankan, quluubteennu waxa ay la jiraan isaga iyo qoyskiisa. Waxaan uga tacsiyeynayaa geeridan naxdinta leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday C/risaaq Xaaji Xuseen” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare C/weli Shiikh Axmed.

Ra’iisul Wasaare C/weli Shiikh Axmed isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu raaciyey “ C/risaaq Xaaji Xuseen waxa uu ahaa halgamaa iyo waddani u soo dagaalamay xorriyadda, waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii SYL ee xorriyadda , waxa uu xilal kala duwan iyo shaqooyin u soo qabtay qarankan weyn ee Soomaaliya waxana ugu muhiimsanaa xilka Ra’iisul Wasaaraha. Markii uu soo baxay warka geeridiisu waxaannu ka hawlgalnay sidii aan u gudan lahayd waajibaadka qaran ee naga saran, waxana aan u xilsaaray guddi qabanqaabinaya aas qaran”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen waxa uu madaxa xukuumadda ahaa sannadihii 1964-tii ilaa 1967-dii, isagoo soo noqday xorriyad-u-dagaalame, shaqaale dowladeed iyo siyaasi ruug-caddaa ah oo ku sifoobay wadani-jacayl iyo ku dhagganaanta midnimada Soomaaliya. Maanta wuu innaka tegay laakiin dhaxalkiisa waaraya ayaa innoo haraya.

DHAMAAD

C/rashiid Muuse Siciid Xafiiska Warbaahinta Ra’iisul Wasaaraha Mogadishu, Soomaaliya Tel: +252 61631 8823 Email:media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka tacsiyeeyey geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi C/risaaq Xaaji Xuseen: “ Guddi aas qaran qabanqaabiya ayaan u xilsaarnay” "

  1. A. M. Yusuf says:

    “Naf kasta wedku waa u iman.” Innaa lilllaahi waa innaa Ileyhi raajicuun. Allahow u naxariiso Cabdirisaaq Xaaji Xuseen; innaga oo dhanna na, Eebbow naga wada sii samir iyo iimaan suubban. Ilaahayow gurigiisa Aakhiro ka yeel Jannodii Firdowso. Aamiin.