Home » Warar »

Xukuumadda Soomaaliya oo baaq u dirtay Hogaamiyayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta kulanku uga socdo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu yeereysaa Hogaamiyayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta hormuudka u ah wadahadallada iyo wada tashyada ka socda magaalada Baydhabo arrimaha soo socda:

1- In la dhowro deganaanshaha iyo xasilloonida guud, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara iska horimaad bulshadeena dhexdeeda;

2- Sidii horey laysku afgartay, waa in fursad la siiyo sidii loo ballaarin lahaa, loona sii wadi lahaa wada tashiyada iyo is-fahamka si geedi socodku u noqdo mid guuleysta;

3- Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-galineysaa isla markaana fududeyneysaa inay sameysmaan Maamul Goboleedyo ku dhisma habraaca Dastuurka Federaalka iyo Shuruucda dalka.

DHAMAAD

30 January 2014

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Mogadishu, Somalia

Tel: +252 6169 69105
Email: media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.