Home » Faallo »

Taariikh Nololeedka Garyaqaankii hore ee Qaranka Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar

Taariikh Nololeedka Garyaqaankii hore ee Qaranka Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo lagu Aasey Tuuladii uu ku Dhashey ee Bedel Aamiin

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar waxaa uu ku dhashey Tuuladda Beledul Amiin oo Qiyaastii Degmada Wanle weyn u jira 11 Km Dhanka Galbeed 1934-tii Waxbarashadii Qu’raanka wuxuu ku qaatey isla Deegaanka Beledul Amiin, ka dib waxaa uu soo galey isagoo Xer ah si uu u siyaadsado Waxbarashadiisii dhinaca Diiniga markii uu si wanaagsan u bartey Kutubada Cilmiyada kala duwan ayuu u wareegey Waxbarashadda Maadiga

Dugsiyadiisii Hoose , Dhexe iyo Sare waxa uu ku dhameystey Magaaladda Muqdisho , ka dib Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ALLA u Naxariistee waxaa uu Noqdey Macalin ka tirsan Wasaarada Waxbarashada , waxaa uu Macalin ka soo Noqdey Dugsi ku yaaley Degmada Xamar jabjab iyo Qoryooleey ee Gobolka Shabeeladda Hoose.

bilcas62Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ALLA u Naxariistee waxaa uu bilaabey Waxbarashadiisii Sare waxaa uu galey Dugsiyo ay M,aamulayaan Talyaaniga , ka dib waxaa uu aadey Waxbarasho Dibadeed waxaana uu Jaamacad ka galey oo dhinaca Qaynuunka Dlka Tuuniisiya , halkaasoo muddo Dheer uu ku Maqnaa ka diban waxaa uu ku soo laabety Magaaladda Muqdisho.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ALLA u Naxariistee waxaa uu shaqaale ka noqdey wasaaradda Garsoorka iyo Arimaha Diinta ,islamarkiiba waxaa loo bedeley Gobolka Hiiraan oo uu Muddo ka soo shaqeeyey ka dib waxaa loo bedeley Magaaladda gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka dibna waxaa loo bedeley Gobolka Gedo, waxaa uu Goboladds ka ahaa Garsoore Maxkamadeed.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ALLA u Naxariistee dib ayuu ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho , waxaa lagu qorey Maxkamada Badbaada oo uu ka nodey Garsoore , isagoo u shaqeynaya wasaaradda garsoorka ayaa waxaa uu noqdey Xildhibaan, sidoo kale waxaa uu noqdey Macalin Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed isagoo dhigaye Qaynuun WaL-Shareeca

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ALLA u Naxariistee ka dib waxaa uu noqdey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ,isagoo Xilkaas aha ayaa waxaa uu noqdey Garyaqaanka Guud ee Qaranka Soomaaliyeed oo uu haye tan intii ay ka dhaceysey Dowladii Kacaanka.

somali161Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ALLA u Naxariistee waxaa uu markii ay dhacdey Dowladaas uu ka qayb qaatey Dib u heshiisiintii Soomaaliya waxaa uu wax ka qaorey Dastuurkii lagu diyaariyey Carta isagoo soo noqdey Xildhinaan ka dib markii uu arkey in aysan Xaaladda Soomaaliya soo hagaageen ayuu ka tagey Wadanka isagoo Muddooyin sanado ah ku noolaa dalka Sacuudiga .

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ALLA u Naxariistee waxaa uu 14kii Bishaan ku Geeriyoodey Dalka Sacuudiga Dr Cabdiraxmaan waxaa uu ifka kaga tagey Sadex Gabdhood iyo Laba wiil iyo waxay sii dhaleen waaana Alla uga Baryeynaa in uu Janadii Fadowsa ka Waraabiyo Aaamiin ….. Aaamiin

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ALLA u Naxariistee waxaa 29 Bishii Janaayo 2014 lagu Aasaey Tuuladii uu ku dhashey ee Beledul Aamiin oo ku dhaw magaaladda Wanle weyn waxaa Markii la keeney Magaalada Muqdisho Salaadii Janaasada lagula Tukadey isla Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde waxaana salaadii Janaasada ka Qayb galey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari , Madax ka tirsan Dowladda Faederalka iyo dadweyne aad u fara badan

Waxaa Diyaariyey
Eng Siidow Xasan Mahdi
Gudoomiyaha Hayadda Wanla Weyn Human Rights

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.