Home » Faallo »

Amisom Ma ka weyn Tahay Sharciga Wadooyinka?

somali160Waxay ahayd Baranimadii Maalintii Taaadada 28-kii janaayo 2014,  9:30 daqiiqo, Xili Cadceedu Kulushahay, waxaan markaas ka soo laabtay Xafiisyadii Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ku yaala Barxaddii Sugunto Liido, halkaas oo laga bixiyo Warqada Aqooniga ee Cadaynayasa inaad Soomaali tahay taas oo aan Muqisho iyo Dalka oo dhan laga bixin tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladii Dhexe ee Soomaaaliya oo ku beegnayd  Maalintii u danbaysay ee Sanadkii 1990. Xafiisydaasi waxay ka Mashquul badan yihiin Dhammaan hadii laysku geeyo Xafiisyada Dowladda Federalka Soomaaliya, waxaana dadka sida Cadaaaladda loodu adeego ku laba Jibaarma kuwa sida dadban loodu shaqeeyo, yacni waa meel musuqu ka tan badiyey.

Si kastaba, inkastoo  aan geed gaaban iyo mid dheerba u koray ujeedadii aan hakaas u tegey waan ku guulaystay, lakiin wxan ka soo laabtay anigoo Jahwareersan, mashquul ah oo hadana hadalku i dhibayo, maadaama aan u Jarmaaday Xafiisyo aan hore u ogaa iney ka dhib badan yihiin  Xafiiskii Cali Hayaan  ee Imtixaanaadkii Wasaaradii Waxbrashada Soomaliya.

Baabuurkii Rakaabka ee aan ka soo raacay Xamar wayne  markuu maryey Hoteelka Ambaasadoor ee Wadada  Maka Al Mukarama  ayaa waxaan Qooransday qaar ka mid ah Asxaabtayda  oo fadhiya  Maqaayadda Dooxa ee Tre-Piano, Markaan soo gaary si aan ugu yaraan ula Shaaho maadaama aan goor hore oo saaka ah ka kalahay Aqalkaygii anigoon Af-bilaaban ayaa waxaan u imid dad wada Mashquulsan oo Faraha wada taag-taagaya oo qof walbaahi u muuqdo inuu ila hadlayo, waan salaamay, haba sheegin yaaba ii jeeda, waxaan waayey ruux iga Ridiya Salaanta, waxaa gebigood haysta Culays kayga ku toban jibaarma, waxayna taasi igu kaliftay inan dib u liqo Candhuuftaydii, oo waxaan durba dareemay in Daalkii, Culayskii iyo Haraadkii i hayey uu mid ka wayni haysto.

Saaxiibadii aan u imid mid walbahi waxa uu  iila hadlayaa sidii inaan goobjoog ka ahaa dhacdo meesha  ka dhacay, Anigna Alahay ka Alaah! :” Walaahi waa yaab!” waxaa sidaa  yiri mid ka mid ah dadii goobta joogey, waxa uu intaas ku daray ” xaggeen ku noolaanaynaa ” Mid kale ayaa yiri ” waxa uu ahaa Nin aafadda aad looga yaqaan” waxa uu sii daba dhigay hadalkiisa ” wallaahi Anigaa aqaan waxa uu welib ahaa taxi-le naxariis badan” mid kale  oo Cirro badan ayaa isna yiri “waxay ahaayeen Yugaandhays ka warama waxaa la xalaaleeyey Itoobiyaan” waxaana uu raciyey “ waxaan la yaabanahay maxay samayn doonaan” nin kale oo da’ dhexad ha ayaa isna la soo boodey “ wax walba waxaa ka daran waxay Ciidamadu ku socdeen Seed (wado) qaldan” mid kale oo aan u haystay inuu dadka meesha jooga  la yaaban yahay ayaa mar qura yiri “ taas waxaa ka sii yaab badan dadkii arinta ka dhiidhiyey waxaa kala eryey  Ciidamo soomaaliyeed” waxa uuna intaa ku daray “ hadda maxay nooga sokeeyaan kuwii na diley ee Amisom”

Soomaaliddu waxay tiraahdaa gadaal ka gaar waa Goob dumis, waan la qabsan waayey sheekada, waxaana bilaabay inaan marba dhinac eego, waxay dadku weli iila dhaqmayaan sidii inaan xaadir ka ahaa wixii meesha ka dhacay, markaas ka dib,waxaan dareemay inay dhacdo Xanuun iyo Murugo badani meesha ka dhcday taasoo igu khasabtay inaan si hoose u baaro, waxaana meel gees ah aan ula baxay Saaxiibaday midkaan is lahaa waa u degan yahay, wuxuuna ii sheegay in Ciidamo ka tirsan Amisom oo kolonyo ahi ay wadada ku jiireen nin Taxi-le ah oo Jidka goynayey, kadibna ay ka carareen iyagoo weliba ku socday wado qaldan oo aanu sharciga wadooyinku  ogolayn  taasoo xauun badan ku abuurtay dadkii Aagga ka dhowaa oo iyana bilaabay iney wadada xiraan iyagoo Qaarkood  isticmaalya Dhagxaan Qaar kalena waxayba dhex fariisteen Wadadii si ay uga dhiidhiyaan dhacdadaas ay ka danbeeyeen Ciidamada Amisom.

Markii Wadadii Xirantay ayaa halkaas waxaa soo gaaray sida uu ii sheegy Saaxiibkaygii Sheekada ii waday  Ciidamo  ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo ay hor boodayaan Taliaya Taraafikada iyo kan Saldiga Hodon waxyna bilaabeen Ciidamadoodii iney dadka kala kaxeeyaan taas oo keentay in gacanta ay isula tagaan qaar ka mid ah Dadwaynihii Caraysnaa iyo Ciidamadii Booliiska taasoo Aakhirkii keentay in ay Ciidamadii kaxaystaan laba nin oo aad uga carooday falkii meesha ka dhacay gacantana ula tegey Ciidamadii Booliiska ee Dadka kala eryayey.

Saacado kadib markii shilku dhacay waxaa Warbahinta ka hadlay Taliye Saldhig oo ka tirsan kuwa Gobolka Banaadir, waxa uu sheegay in gacanta lagu hayo Askarigii wadaha ka ahaa Baabuurkii shilka ku diley Ninka Soomaaliyeed ayna Sharciga la tiigsan doonaan, Gelinkii danbena waxaa War Saxaafadeed soo saaray Wasiirka Arimaha Gudaha, waxaana War Saxaafadeedkaas lagu sheegay Shalayto ka dib, iney ku howlan yihiin baaritaan ku aadan sidii wax u dhaceen iyadoo  Ciidamada Amisom warkaas looga codsaday iney la shaqeeyan Ciidamada Booliiska Soomaliya.

Mushkilada ugu darani waxa weeye sidii Ciidamada Amisom ay ugu hogaansami lahaayeen sharciyada Wadooyinka iyo cidda looga fadhiyo, sababtoo ah  Ciidamadii falkaas gaystay waxay ku socdeen wado ama Seed  qaldan,iyadoo ay hore u jirtay in tiro ka toban jeer uu ka Ashtakooday maritaanka Ciidamada Amisom  Wadooyinka Muqdisho Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ah Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka taasoo ilaa iyo hada aan la xalin, waxayna Cidamada Amisom Wadooyinka u isticmaalaan sidii ay doonaan, waxaan ula jeedaa ma tixgeliyaan Ciidamada Taraafikada Soomaliyeed oo u soo jarmaada iney kala hagaan Gaadiidka mara Wadooyinka Magaalada, waxaana taas dheer in aanay tixgelin oo kale Samaafaryaasha hada laga hirgeliyey qaar ka mid ah Jidadka Muqdisho. Waxaana Fulinta arintaasi looga fadhiyaa Dowlada federaalka Soomaaliya oo ka sokow Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika Sharciyada siiyey joogitaanka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya.

 

Gunaanadkii, waxaa socda waan-waan lagu doonayo in lgula xaajoodo Ciidamada Amisom si ugu yaraan Diyo looga helo, waxaa is waydiin mudan Ciidamada Amisom ma bixiyaan diyo?  Jawaabta waxaan u daayey Akhristayaasha Sharfta leh, laakiin anigu waxaan ogahay iney Amisom  Geel diyo ka dhiibeen.

W/Q. Cabdinaasir Xirsi Iidle.

E-mail: naasirx1@hotmail.com

Tell: 00252-615503978.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Amisom Ma ka weyn Tahay Sharciga Wadooyinka? "

  1. najma maxamed says:

    asc walalhayga qaliga ah aniga waxan qaba amison inysan waxa diyo bixin aqonin waxan dhihi laha hadiba muwdinka somliyeed qofki dilay kacnta lagu hayo diinta islmka waxay qabto haal marsiyo asigan haal diilo waa fikrdeyda mise galad waa laga baqay somliya alle aya u maqan melksto iga dhiib ku haysto xita wadnka