Home » Warar »

Degmadda Wanle weyn oo lagu Qabtey Munaasabad lagu Caleemo Saarayey Ugaas Cusub

Munaasabad si heer sare ah loo soo Agaasimey islamarkaana lagu Caleemo saarayey Ugaaska Beesha Erdho ee Shanta Caleemood ayna soo qaban-qaabiyeen Aqoonyahanada, Culimaudiinka Waxgaradka,Odayaasha Dhaqanka ee beesha Erdho iyo Dadweyne aad u fara badan ayaa ka dhacdey Degmada Wanle Weyn ee Gobolka Shabeeladda Hoose

Ugaas Maxamed Cusmaan Axmed oo ka soo jeeda Beesha Erdho ayaa loo calaamo saarey Ugaaska Beeshaas, waxaana halkaas ka Hadley qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka oo Ilaah uga Baryey Ugaaska in uu la garab galo Xilkaas Culus ee loo Caleemo saarey sidoo kale waxaa ka Hadley qaar ka mid Aqooyahanda Beesha Erdho oo iyana Ugaas ugu baaqdey in u ka Shaqeeyo sidii Ummada Soomaaliyeed la isugu keeni lahaa
somali157

Waxaa kaloo halkaas ka Hadley qaar ka mid ah Nabadoonada Beesha oo soo dhaweeyay Caleema saarka Ugaaska cusub waxayna Alle ugu baryeen in uu ilaah ku Garabsiiyo Xilkaa loo caleema saaray , waxaa kale oo ka Hadley Taliyaha Saldhiga Degmada Wanla weyn Gaashaanle C/raxman C/laahi waxaa uu sheegay in uu soo dhawenaya Caleema saarka Ugaaska islamarkaana uu la shaqeyn doono

Ugu Dambeyntii waxaa Munaabadaas Caleemo Saarka ka Hadley Ugaaska Cusub ee Beesha Erdho Ugaas Maxamed Cusmaaney Axmed oo u Mahadceliyey intii ka soo shaqeysey Caleema Saarkiisa isagoo Balan qaadey in uu ka shaqeyn Maslaxda Beesha midda Ummadda Soomaaliyeed , waxaana uu u soo jeediyey Beesha in ay ku Gacan siiyaan Xilkaas Culus oo uu sheegey in la’aantood uusan Shaqeyn karin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.