Home » Warar »

Hoos u Dhacii ugu weynaa ku yimid Xiligaan wax soo saarkii Dhinaca Kalluunka.

Suuqyada Kalluunka lagu Iibiyo ee Magaaladan Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa Sara kac ku yimid Qiimihii la kala siisan jiray kalluunka.Ibraahim Cabdullaahi Aweys oo ka mid ah Ragga ka shaqeeya soo jillaabashada Kalluunka ayaa sheegay in sababaha keenay hoos u dhaca wax soo saarkii dhinaca kalluunka in ay tahay Dabaylaha xooggan ee xiligan ka dhacaya Dhul Xeebeedka.

somali155“Doonyaha aan wadano ee Matoorka ah waa kuwo xaddigoodu aad u yar yahay isla markaana aan awoodin in ay ku fogaadaan Biyaha Dabaylaha jira dartood sidaa darteed ayaanu garanay in inta dabaylahu ka degayaan inaan shaqadii si ku meel gaar ah aan u joojino” ayuu yiri Ibraahim oo ka mid ah Dhallinyarada ka shaqaysa soo Jillaabidda Kalluunka.

Kalluunka yar ee iminka la keeno Suuqa Kalluunka ee Degmada Xamr weyne ayuu sheegay in laga keeno degaano aad uga baxsan Magaalada Muqdisho sida Degaanka Warshiikh iyo Xeebaha ka xaggeeya halkaasoo Kalluun aad u tira yar laga keeno.

Waxaa uu sheegey in Kallunkaas yar ee xeebaha fog fog laga keeno ayaa qiimihiisu aad u sarreeyaa kaasoo si isku mid ah u saameeyay Kawaanleydii iyo Dadkii Isticmaali jiray kalluunka.

Cabdulqaadi Cali oo ka mid ah Ganacsatada Kalluunka ee Kawaanka Xamar weyne ayaa sheegay in markii hore Kiilowgii Kalluun ah la kala siisan jiray Lixdan Kun oo shilinka Soomaaliga ah oo u dhiganta 3 Doolar haatanse uu gaaray halkii kiilo Boqol iyo Labaatan illaa Boqol iyo Soddon Kun oo Shilinka Soomaaliga ah oo u dhiganta 7 Doolar

Si kastaba hoos u dhacan ku yimid dhinicii wax soo saarka Kalluunka ayaa saameyn ku reebay dadkii awal isticmaali jiray kuwaas oo kuu sheegaya in xiligan aysan awoodin in Kiilo ay ka iibsadaan halkii Kiilo ay ka qaadan jireena ay haatan qaataan Nus Kiilo iyo wax ka yar

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.