Home » Warar »

Maxaa Sabab u ah Hoos u Dhaca ku yimid Falalkii Burcad Baddeednimo ee Xeebaha Soomaaliya Sannadkii tagey 2013.

Intaan u Guda gelin hoos u dhaca ku yimid Falalka Kooxaha Burcabdeed ku soo Qafaalanayeen Maraakiibta Shisheeye ,bal aan xoogaa aan ka Taab Taabano Dhibaatooyinka ay abuureen Kooxaha Burcad Badeeda waxaaan Xaqiiqo ah in Saameyn ku yeesheen Nolosha Ummadda Soomaaliyeed iyo Dhaqankooda, waxaana Burcad Badeeddu ay is hor taageen Maraakiibta Ganacsi ee imaanayay Soomaaliya taasoo sababtay Sicir Barar xoog leh ay soo wajahdo ummadda Soomaaliyeed ka gadaal markii Shirkadaha Maraakiibta leh ay sare u qaadeen Lacagihii lagu Kireyn jiray Maraakiibta u soo Baqoosha Soomaaliya iyadoo Ganacsatadiina ay qiimo kordhin ku sameeyeen Dadweynihii Soomaaliyeed ee ay isu biirsadeen Colaadaha, Musiibooyinka Abaaraha iyo wixii soo raaca.

Sidoo kale Dhibaatooyinkii ay keeneen kooxaha Burcad Badeedda waxa ay saameyn ku yeesheen Maraakiibtii Hay’adaha Samafalka kaddib markii degaano badan ee Soomaaliyeed oo Maraakiibtaasi geyn lahaa Mucaawino ay ka cabsadeen kooxaha Burcad Badeedda waxayna taasi keentay in dad fara badan oo Macluul la il darnaa ay sidaasi Naftooda khatar ku gasho, waxay kaloo kooxaha Burcad Badeedda Sicir Bararkii ugu darnaa ku rideen Dadka dega Degaanada ay Maraakiibtaasi gaarsiyaan ka dib markii lacagaha fara badan ee ka qaataan Maraakiibta ay saameyn weyn ku yeesheen waxyaabaha Quutul Daruuriga u ah Nolosha Ban’aadamka

Sidoo kale Kooxaha Burcad Badeeda waxay saameyn ku yeesheen dhinaca arrimaha Dhaqanka iyo Anshaxa Ummadda Soomaaliyeed iyagoo ku beeray degaanada qaarkood Dhaqano Anshax xuma ah oo khilaafsan Diinteena iyo Hiddaheena Qaaliga ah, kooxdan ayaa Haweenkii Soomaaliyeed iyo Dhallaankiiba ku beeray ama Baday in ay Dumaan Qoysas fara badan oo hore u dhisnaa kuwaas oo saamayn ku yeeshay xaaladaha ay la yimaadeen Burcadda oo ay ka mid tahay Isticmaalka Daraagis-ka oo Degaanadaas qaarkood hore looga aqoon, sidoo kale waxay sababeen Cuduro halis ah oo si toos ah iyo si Dadban ay u faafiyeen kuwaasoo ka dhashay falalkii xumaa ee ay ku beereen Degaanada ay ku sugan yihiin.

Haddii aan u soo daa degno Dulucda Maqaalkeenna waxaas oo Dhibaata ah oo Kooxaha Burcad Badeedda ka gaysteen Geyigeen iyo Dunida inteeda kale ayaa Sanadkii tegay 2013kii waxaa hoos u dhac ku yimid falalkii Gurracnaa ee Kooxo Burcad Badeeda ah ku soo Afduuban jireen Maraakiibta maraya Xeebaha Soomaaliya, sidoo kale Warbixin ay soo saartay Hay’adda Badmareenada Caalamka ayaa lagu sheegay in Sanadba Sanadka ka dambeeya ay si aad ah hoos uga sii dhacayeen Howlaha Afduubka Maraakiibta Xeebaha Soomaaliya ee Kooxaha Burcad Badeeda ah

Ururka Caalamiga ah ee Bad Mareennada ee loo yaqaano IMP ayaa sheegay in Sanadkii tegay ee 2013 uu hoos u dhac ku yimid Falalkii Burcadnimo ee ka dhici jiray Xeebaha Dalka Soomaaliya iyo Biyaha Caalamiga ah,Warbixintaan ay soo saartay Hay’adda Badmareennada Caalamka ayaa lagu xusay in falalka Bucadnimo ee ka dhaca Xeebaha Soomaaliya uu hoos u dhacay 40% marka loo eego sanadkii 2011, Sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in laba Doonyood oo kaliya lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya Sanadkii tegay, iyadoo isla maalintiiba la sii daayay, waxayna IMP intaasi ku dartay in arrintani ay astaan u tahay inay hoos u dhaceen falalka Burcad Badeedda ee ka dhici jiray Xeebaha Soomaaliya taasoo Warbixinta lagu sheegey in hoos u dhacaas ugu wacan tahay Howsha ay Xeebaha Soomaaliya ka hayaan Maraakiibta Shisheeye ee Dagaalka kula jira Kooxaha Burcad badeedka

Ururka Caalamiga ah ee Bad Mareennada ee loo yaqaano IMP oo inta badan soo uruuriya ma la socda Falaka Kooxaha Burcada Badeeda ayaa sheegtey in ay sii yaraaneyso Cabsidii Kooxaha Burcad Badeedka laga qabey Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Maraakiibtii Ganacsiga ee mari jirey Marinka Soomaaliya, waxay kaloo Ururka Caalamiga ah ee Bad Mareennada ee loo yaqaano IMP ay aad uga Wel Walsan tahay xaalada ay ku sugan yihiin Maraakiibta Shaqaalaha weli Gacanta ugu jira Kooxaha Burcad Badeedka iyo Shaqaale gaaraya 50 Xubnood kuwaa oo Kooxaha Burcad Badeedka ku hayaan Cabsi gelin iyo Jirdil joogto ah Dadkaasoo Kooxaha Burcad Badeedka oo ay ka doonayaan Lacag Madaxfurasho

Waxyaabaha kale ee hoos u dhaca u keenay Burcad Badeedda ayaa lagu sheegay kadib markii wacyi gelin ballaaran lagu sameeyay isla markaana Dhallinyaro fara badan oo kooxdaasi ka tirsanayd ay isaga soo baxeen kadib markii ay heleen wacyigelin iyo talooyin ku aaddan Dhibaatada Burcad Badeednimada sidoo kale waxaa hoos u dhigey wacygelin ay sameyeen Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed kuwaa oo qiimo ku leh Bulshada Dhexdeeda islamarkaana loo Dhega Nugul yahay Waanadooda

Kooxha Burcad Badeedka ayaa gacanta ugu jira Wariye u dhashey Dalka Mareykanka oo lagu Magacaabo Michael Scott oo Muddo Sannad ka badan Gacanta ugu jira Kooxaha Burcad Badeedka kuwa oo ku doonaya Ninkaas Madaxiisa Lacag Madax Furasho ah oo gaareysa Malaayiin Doolar mar uu dhawaan uu soo direy Fariin ayuu ku Calaacaley ““Waan cabsanayaa waxaan Dareemayaa Welwel badan ,waxaan mar kasta Qatar ugu jiraa inay i Dilaan Kooxaha Afduubka igu heysta,waxaan Codsanayaa in la iga sii daayo Kooxahaani “ayuu yiri Michael Scott oo HoraantiiSanadkii tagey Kooxo Buracad Badeed ah ka Afduubteen Koonfurata Gaalkacyo wuxuuna Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka ka Codsadey in laga sii daayo Kooxah Burcad Badeedka

Waxaa kale waxaa qayb ka qaatey Hoos u dhaca ku yimid Falalka Burcad Badeedka ay tahay Qalabka Warbaahinta Qaybahooda kala duwan oo door weyn ka ciyaaray sidii loo Dhamayn lahaa Mashaakilka Burcad Badeedda waxaanan rajayneynaa Sanadkan 2014-ka mid ka sii hoos mara heerka hoos u dhaca ah ee laga dareemay Sanadkii aynu soo dhaafnay..

Waxaa Qorey Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.