Home » Warar »

In ka badan Boqol Xildhibaan oo ku Goodiyay inaysan Ansixin Doonin Wasiirada Cusub.

Iyadoo la filayo in fadhiga barlamaanka in la horkeeno Qorshaha Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa arrintaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ahXildhibaanada Barlamaanka federaalka Soomaaliya.Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka mid ahayd Tiro Xildhibaana ah oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay sababihii xildhibanadaas ay kulanka isugu yimaadeen iyo waxyaabihii ay kulankoodaas uga hadleen.

Xildhibaanadda ayaa dhaliilo fara badan u soo jeedisay Wasiirada cusub ee dhawaanta uu soo magacabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya taasoo ay sheegtay in taya ahaan Wasiiradu aysan ahayn kuwo haatan buuxin kara xilka loo igmaday.Marwo Sareedo ayaa farta ku fiiqday in ay ka soo hor jeedaan Wasiiradaas isla markaana aysan Ansixin doonin marka la hor keeno Baarlamaanka.

Dhinaca kale ayay Xildhibaanaddu ku eedeysey Ra’iisul wasaaraha inuu ka baxay codsi ay hore ugu gudbiyeen oo ahaa in Haweenka tiro muuqata oo ugu yaraan illaa Toban xubnood ah laga siiyo Golaha Wasiiradaa taa bedelkeedana Haweenka la siiyo labo Jago oo aan u muuqan sidaa darteedna ay taasi qayb ka tahay sababaha aysan kalsoonida u siinayn Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Cabdiweli Shiikh Axmed.

Ugu dambayntii ayay Marwo Sareedo sheegtay in kulankaas ay ka qayb galeen illaa Boqol iyo Afartan iyo Shan Xildhibaan kuwaasoo dhamaantooda isku aragti ka ah Wasiirada uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cabiweli.Si kastaba wasiirada cusub ayaa waxa ay wajahayaan Mucaarado xoog leh oo uga imaanaysa dhinaca barlamaanka taasoo shaki gelin karta sida uu barlamaanka oo kalsooni siin looga fadhiyo uu u baas garayn lahaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.