Home » Warar »

Haweenka Soomaaliyeed oo Si weyn uga soo Horjeestey Qaabkii loo Magacaabey Golaha Wasiiradda

Kulan aad u Balaaran  waxaa uu Maanta uu ka dhacay Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC),waxaana Kulankaas isugu yimid qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed oo uga  hadlay qaabkii loo dhisey Xukuumada Cusub iyo sida Haweeka Soomaaliyeed Aysan Uga Helin Xukuumadaas  Qaybtii ay ku lahaayeen.

“Golahii Wasiirada ee Dowladii hore  ee Saacid  oo ka koobnayd 10 Wasiir  waxaan ka helney  Laba wasiir oo Wasaarado Muhiim ah loo dhiibey , waxaan haatan fileyney in intaas ka badan aan ka helo Golaha Wasiirada Cusub ugu yaraan 18 Wasiir  maadaama  ay yihiin 55 wasiir taasi ma dhicin” ayey Tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey oo intaas ii raacisey

“ Haween Dadaal u galey in Xubno ka noqdaan Golaha Wasiirada ayaa Dheg jeleq loo siin Codsigooda marka waxaan ka Codsaneynaa Madaxda Sare ee Dowladda in ay  ka dhabeeyaan Balan qaadkoodii  hore ee ahaa in ay Xubno badan  ay Hogaanka Dalka ku yeelan doonaan Haweenka Soomaaliyed

 

Sahro  Axmed Maxamed oo iyana ka hadashey Kulankaas ayaa sheegtey in Haweenka Soomaaliyeed aysan Xaquuqdii  ay doonayeen ka helin Dhamaan Dowladihii Soo marey Dalka waxayna  Madaxweynaha , Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha ka Codsatey in Guddiyadda Heer Qaran ee la dhisayo  ay Haweenka Soomaaliyeed  ku yeeshaan Xubno Badan maadaama lagu qadiyey Baarlamaankii la dhisey iyo Golaha wasiirada ee uu dhawaan soo Magacaabey Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed

Haweenka Soomaaliyeed ayaa iyagu Xubno aan sida u Buurneyn ku yeeshey Baarlamaankii Federaalka lagu dhisey Magaalada Muqdisho  sidoo kale waxay Xubno aad u yar ka heleen Baarlamaankii Puntland oo ka koobnaa 66 Xildhibaan kuwaa oo ka hely 2 Xubnood oo keliya , waxayna Haweenkaas maanta Kulanka isugu yimid ay  Qoraalo Cabasho ah u gudbiyeen   Beesha Caalamka iyo Dowladaha Daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay Cabashadooda kaga Dalbanyeen  sidii Haweenka Soomaaliyeed u heli lahayeen Xaquuqda dhinaca Siyaasadda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail   amiikhasaaro@yahoo.co.uk

 

Once Again Somali Women have been Left out after Ministerial Nominations

Somalia’s newly appointed Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed announced the new list of cabinet ministries at 2:00am midnight on Thursday 16th of January 2014. The cabinet consisted of 25 ministers, 25 deputy ministers and 5 state ministers which is three times the size of the previous cabinet.

The new list consists of two female ministers and two female deputy ministers marking less than 10% of the total cabinets. This woeful shortfall was echoed by SRSG Nicholas Kay via tweeter saying “Percentage of women is lower in new proposed #Somaliagovt (under 10%). Yet more than 50% of all Somalis are women. #UN backs women role.”

 

Our previous cabinet had two prominent female ministers, Mrs Fawzia Yusuf  H.Adan former foreign Minister and deputy Prime Minster and Mrs Mariam Qasim former Minster of Human Development and Public Services, both of whom were prominent politicians and  played major roles in the country’s development but are  no longer in the new cabinet despite their desire to remain in their role. This once again illustrates the lack of women participation and representation in Somali politics which is hindered in part by tribal affiliation and political affiliation. This illustrates the lack of our government’s desire for women’s rights; Awareness towards this lack would clearly give women a much greater political presence.

 

Following the announcement of the new cabinet ministers, there was an uproar regarding the number of women ministers, one of them Minster of Women and Human Rights and another one Minster of Works and Reconstruction as well as two other deputy ministries. This clearly highlights the difference in levels (complexity) in roles from the previous cabinet to the current cabinet. The written constitution requirement includes a 30% quota for women’s political participation which means by right women should hold at least 18 of the 55 positions.

Somali women call for the implementation of the agreed road map which was brought about last year and to date has yet to be implemented. This follows the lack of implementation of significant international conventions such as Convention of Child Rights and the Violence against Women policies.

We call on all international community to convince our government to give women their rightful position in all government positions per our constitution .The implementation and adherence to the constitution will enable the country to move forward and progress in an impartial manner that enables all sectors of the society to be rightly presented.

Source: Somali Women Development Center (SWDC)

Contact at swdc_org@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.