Home » Warar »

Shirkii Istanbuul ee Dalka Turkiga oo Maalintiisii Sedaxaad galay welina kala Fogaansho ay ka Muuqanayso.

Wada hadaladii Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka SomaliLand ayaa weli waxa uu ka soconayaa magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga kaasoo maalintiisii Sedaxaad galay.Wasiirka amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Warbaahinta Caalamka Waraysi siiyay ayaa sheegay in illaa iyo iminka laga hadlay laba Qodob oo kan hore uu yahay sii socoshada wadad hadalada labada dhinac.

somali149Guuleed ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in Shirkaasi ay ka soo bixi doonto natiija labada dhinacba ay raali ka wada yihiin.Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay Tanasulkii shirkii hore ee Dawladda Soomaaliya ay ka samaysay dhinaca Duulista Hawada isagoona ballan qaaday wax walba oo aan wax u dhimayn Midnimada iyo Madax-banaanida in ay ka samaynayaan Tanasulaad.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna hadlay ayaa ku adkaystay in wax walba oo dhaca gooni isu taagga Soomaaliland inuu yahay mid aan ka noqosho lahayn keliyana ay diyaar u yihiin in wada hadaladu ay socdaan iyadoo la yahay laba Dal oo walaala ah.

Kala fogaanshaha aragtiyada labada dhinac iyo shirka oo Maalinta Berri ah la filayo inuu so Gabagaboobmo ayaa dadka arrimahaas u dhuun daloola waxa ay sheegayaan in shirkaasi wax natiija ahi aysan ka soo baxayn isla markaana uu yahay shir uun iska gacma Daalis ah.

Si kastaba wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa markii Sedaxaad waxa ay ka furmeen Todobaadkii hore Magaalada Istanbul ee Carriga Turkiga kaas oo daba jooga shirarkii hore isla dalkaas iyo dalka Ingiriiska uga dhacay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiikhasaaro@yahoo.co.uk

…………..
More News:

SOMA OIL:
Company Overview of Soma Oil & Gas Holdings Limited

Soma Oil & Gas Holdings Limited operates as an oil and gas exploration company in Somalia. The company was founded in 2013 and is based in London, United Kingdom. read more here
Source: http://investing.businessweek.com/research/stocks/private/snapshot.asp?privcapid=247917486

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.