Home » Warar »

Dowladda Federaalka oo markii ugu horeysey ka Hadashay Ciidamada Maraykanka ee ku Sugan Soomaaliya.

Iyadoo dhawaan Xukuumadda Washington ay shaaca ka qaadday in Tiro yar oo Ciidamadeeda ah ay ku sugan yihiin Gudaha Soomaaliya ayaa arrintaas markii u horeeyay waxaa dhankooda ka hadlay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

askari147Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi sii hayaha xilka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo waraysi siiyey Warbaahinta ayaa sheegay in Maraykanka ay Soomaaliya ka joogaan illa Shan Sarkaal oo uu sheegay in ay ka shaqaynayaan Tababaridda iyo isku xirka Ciidamada Amisom iyo kuwa Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Fiqi ayaa farta ku fiiqay in Maraykanka markii u horeeyay muddo ka badan labaatan Sano in ay tahay markii u horeeyay ee ciidamadiisu Gudaha u soo galaan Soomaaliya taasoo uu sheegay in ay qayb ka tahay dadaalka Beesha Caalamku ay ku doonayso sidii dib loogu soo celin lahaaAammaankii Soomaaliya.

Sii hayaha xilka Wasiirka ayaa Tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay dadaalka Caalamiga ah ee lagu doonayo sidii dagaal kama damabaysa ah loogu qaadi lahaa Dagaalayahanada Xarakada Shabaab ee dagaalka kala soo hor jeeda Dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Xarakada shabaab ayaa hore u sheegtay in ay ogyihiin ciidamo fara badan oo Maraykan ah magacii la doono ha loogu yeeree in ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya isla markaana ay la dagaalami doonaan islamarkaana meel kasta oo ay ku sugan yihiin ugu tagi doonaan. Waxayna Shacabka ugu digeen in ay u Dhawaadaan Gobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Shisheeye

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.