Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaa Soomaaliya oo la kulmay safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya

iyo Madaxweynaha DFS oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Fransiiska kana mahadceliyey xiriirka dhanka amniga iyo maalgashiga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, January 15, 2014——Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyay la qaatay Safiirka dalka Britain u fadhiya dalka Soomaaliya Weil Nigan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay safiirka Britain taageerada xoogan ee dawladdiisu ay la garab taagan tahay dalka Soomaaliya.

Danjire Wigan ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya magacaabistiisii, waxaana uu la wadaagay fariin ka timid Ra’iiusl Wasaaraha Britain David Cameron taasoo aheyd in Britain ay ka go’antahay taageeradda dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirku waxa ay ka wada hadleen taageerada dawladda Britain ee dhinacyada Amniga iyo mashaariicda horumarineed, iyo sidoo kale howlaha waaweyn ee hor yaala xukuumada cusub, waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah sanadka 2016-ka.

“Xiriirka u dhaxeeya dawladdaha Soomaaliya iyo Britain waa mid taariikhi ah oo sal adag, waxaan dawladda Britain uga mahadcelinayaa taageeradeeda xoogan iyo shirarkii caalamiga ahaa ee ay u qabatay Soomaalida, uguna soo jeedisay indhaha beesha caalamka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa tayeynta hay’addaha amniga, tayeynta hay’addaha dawladda sida wasaaraddaha iyo weliba gaarsiinta mashaariicda horumarineed ee dhamaamba gobolada dalka Soomaaliya.

–Garad Salad Hersi Senior Press officer, PM office Mogadishu, Somalia

Madaxweynaha oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Fransiiska kana mahadceliyey xiriirka dhanka amniga iyo maalgashiga.

Muqdisho, 15 January 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Fransiiska H.E. Remi Marechaux. Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam ayaa goob joog aheyd.

Safiirka Fransiiska ayaa markii uu u gudbinayey waraaqihiisa aqoonsiga sheegey inuu Madaxweynaha Fransiiska Francois Hollande u soo magacaabay xilkan isla markaana uu u sido fariin uu ka wado madaxweynaha Fransiiska. Safiirka ayaa u sheegey madaxweynaha in dowladda Fransiiska ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo sidii Soomaaliya loo xasilin lahaa.

Madaxweynaha ayaa yiri “Booqashadaada maanta waxey calaamad u tahay horumarka ballaaran ee Soomaaliya ku tallaabsatay. Waana ka mahadcelineynaa sida Fransiiska ay diyaarka ugu yihiin inay Soomaaliya ka taageeraan dhanka amniga, xasilinta iyo maalgashiga.

somali146

“Fransiiska waa dal xadaarad leh oo maanta doonaya inuu maalgashi ku sameeyo Soomaaliya si loo horumariyo ganacsida iyo kheyraadka dalka. Waxaan kaloo ka mahadcelineynaa dadaalka Fransiiska uu ku doonayo inuu kor u qaado nidaamka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaana rajeynayaa in wadahadaladaas ay noqdaan kuwo miro dhala.”

Safiirka Fransiiska ayaa sheegay inay Madaxweynaha ku casuumi doonaan dalka Fransiiska si xiriirka labada dal loo sii xoojiyo. Kulanka ka dib ayaa Safiirka Fransiiska iyo Wasiiradda Arrimaha Dibedda ay shir jaraa’id ku wada qabteen Xarunta Madaxtooyada Muqdisho.

ENDS

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to 
the President of Somalia
Office of the President of the Federal
Republic of Somalia
E 1: yarisow@presidency.gov.so
E 2:engabdirahman@gmail.com
Twitter: @thevillasomalia; @engyarisow
Facebook: Eng. Yarisow

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.