Home » Warar »

Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC) oo Shir Jaraaid ku qabteen Haween ka Qayb galey Doorashadii Puntland

Waxaa Xarunta Somali Women Developments Center ( SWDC) maanta Shir Jaraaid ku qabtey qaar ka mid ah Haween lagu martiqaadey ka qayb galka Doorashadii 8 Janaayo ka dhacdey Magaala Madaxda Puntlanad ee Garoowe oo uu ku soo baxay Raiisuul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kuwaas oo maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho oo markii hore ka Ambabaxeen.

Haweenka oo horey Martiqaad uga hely Ururka Haweenka ee Talo wadaag oo ka dhisan Maamulka Pundland ayaa waxaa hogaaminayey Xaliimo Ismaacil( Xaliimo yareey) waxayna Booqdeen Magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe oo ay kaga Qayb galeen Doorashadii Xildhibaanada Maamulka Pundland ku doorteen Hogaan Cusub oo bedela kii hore ee uu Hogaaminayey Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole

somali145

Ugu Horeyn waxaa Saxaafadda la Hadley Muna Xasan Cumar oo ahayd Gabadhii Afhayeenka u ahayd Haweenkii ka Ambabaxay Magaalada Muqqdisho ee ka qayb galey Doorashadii Puntland , waxay sheegtey in ugu horey ay ka degeen Magaalada Gaalkacyo halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen Haweenka Ururka Tala Wadaag oo faafaahin ka siiyey Doorka Haweenka Pundland ku leeyihiin Arimaha Bulshada iyo Siyaasada ka dib waxay sheegtey Muna in ay u Ambabaxeen Magaalada Garoowe oo ay ka socotey Qaban qaabada Doorashadii Puntland halkaa oo ay kula kulmeen Waxgarad , Siyaasiyiin iyo Haweenka oo ay isa soo qaadeen sidii loo Hormarin lahaa Haweenka Soomaaliyeed islamarkaana Qayb looga siin lahaa Arrimaha Siyaasadda.

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Sahro Axmed Maxamed oo ka mid ahayd Tiro Haween oo laga Casuumey Magaalada Muqdisho si ay Goob joog uga noqdaan Doorashadii Pundland ayaa ugu horeyn ka Mahadcelisey soo dhaweyntii loogu sameeyey Magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe , waxayna inta ku dartey in Madaxdii ay la kulmeen isla meel dhigeen in la raadiyo Xaquuqda Haweenka meel kasta oo ay joogaan

Ugu dambeynti waxaa Shirkaas Jaraaid ka Hadley Haweeneydii Hogaamineysey Wafdigii ka qayb galey Doorashadii Pundland Marwo Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) waxay sheegtey in ay la Kulmeen Haweenka Ururka Talo Wadaag , Gudoomiyaha Baar lamaanka Pundland , Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midopobey ee Soomaaliya Nicholas Key iyo Madaxweynaha Cusub ee Pundland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay dhaamaantood isla soo qaadeen Xaaladda ay ku sugan yihiin Haweenka , Caruurta iyo Dhalinyaradaoo ka mid ah Bulshada ku Dulman Siyaasadda Soomaaliya waxayna ka Codsadeen sidii Bulshadaas u heli lahaayeen Xaquuqdooda

Sidoo kala Xaliimo Yareey waxay ka Dalbatey Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka oo ay ugu horeeyaan Baarlamaanka Soomaaliya in ay ka Fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf , waxayna si gaar ah ula hadashey Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay ka Codsatay in ay joojiyaan Mooshinada soo lab laabtey oo ay ku Badelaan wax Horumarinaya dadka iyo Dalka Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.