Home » Warar »

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka Digtay in loo Hoggaansamo Bayaankii ay ku jooojiyeen Inter-Net-ka Fiber Optic-ka

War saxaafadeed ka soo baxay WasaaraddaArrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu cambbaareeyayBbayaankii dhawaan ka soo yeeray Xarakada Shabaab ee ku aadanaa in la joojiyo Isticmaalka Inter Net-ka ee Fabric Optic iyo Mobailka dhinaca Internetka.Sii Hayaha xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen oo war saxaafadeedkaas ku Saxiixna ayaa cambaareeyay Bayaankaas isagoona si cad u sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay la shaqaynayso Shirkadaha Isgaarsiinta.

somali143Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo Xoriyatul Qawlka isla markaana aan la fara gelin Xoriyadda hadalka ee qofka isagoona intaa raaciyay in dadku ay wax badan ka bartaan Internetka isla markaana ku kala hadal qaataan.Cabdkariim Sii Hayaha Wasiirka ayaa uga digay Shirkadaha Isgaarsiinta in loo Hoggaansamo Bayaanka ka soo baxay Xarakada Shabaab oo uu sheegay in ay ku doonayso in ay ku caburiso taasina ay tahay mid aan la aqbali karin.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xarakada Shabaab ay ka taliso degaano kooban sidaa darteedna aysan awood u lahayn in Shirkadaha iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku soo rogto amar ah inaan la isticmaalin Enter-netka. Iyadoo Shabaab laga qabsaday Magaalooyin dhowr ah taasoo hadda ay ku soo ururtay hanjabaad oo keliya waa sida war saxaafadeedka lagu qoraye.

Si kastaba dhawaan ayay ahayd markii Dawladda Soomaaliya ay si kulul uga jawaabtay bayaanka ka soo baxay Xarakada Shabaab oo sheegayay in muddo Shan iyo Toban Casha ah lagu joojiyo Isticmaalka Enter-netka ee Nooca Fabric Optic iyo Inter Netka loo siticmaalo Mobiladda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Warsaxaafadeedkii DFS hoos ka akhri.

WAR SAXAAFADEED

Wasiirka Arrimaha Gugaha oo cambaareeyey falkii Al-Shabaab ay ku joojinayeen internetka isla markaana uga digay shirkadaha isgaarsiinta inay la shaqeeyaan argagaxisada.

Mogadishu, 10 January 2014 – Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa cambaareeyey maleeshiyaadka Al-Shabaab dhawaaqidii ay ku sheegeen inay xanibayaan adeegyada internetka oo shacabku isticmaalo.

Wasiirka ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxey sida ugu adag u cambaareyneysaa falkan oo tusineysa sida kooxaha argagaxisada ah ay argagax ugu ridayaan shacabka oo ay ka hor istaagayaan isticmaalka internetka. Dastuurkeena ayaa qoraya xoriyadda hadalka ay lama taabtaan tahay, oo shacabku ay xaq u leeyihiin ay macluumaadka iyo wararka ku helaan iyadoon la cabsi gelineynin.”

“Al-Shabaab waxaa laga qabsaday magaalooyinka intooda badan waxeyna ku soo urureen inay hanjabaado iyo argagax geliyaan shacabka oo ay hadda rabaan inay ka mamnuucaan internetka. Al-Shabaab haddey doonayaan inay falal dambiyo caalami ah ay ka fuliyaan dalka, dowladdu waxey leedahay mala aqbali karo in kooxaha argagaxisada ay fursad ka helaan ay dalka gudihiisa ku fuliyaan danbiyo caalami ah. Sidaas daraadeed, sida ugu adag ayaan uga soo horjeednaa falkan guracan, wararka noocan ahna waxey nagu sii dhiirigelineysaa inaan xoojinno dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah.”
Shacabku waxey u isticmaalaan internet ka inay wax ka bartaan, isla markaana ay kula xiriiraan eheladooda caalamka kala jooga iyo inay aqbaarta caalamka ka helaan. Ma aqbali karno in shacabkayaga laga joojiyo internetka oo muhiim u ah.

Wasiirka ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxey la shaqeyndoontaa dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta si loo hubiyo inay adeegyada internetka iyo howlaha isgaarsiinta ay gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed. Shirkadaha Isgaarsiinta waxaan uga digeynaa inay la shaqeeyaan kooxaha argagaxisada ah oo ay awaamiirtooda dhageystaan. ”

Warbaahinta Soomaaliyeed waxaa mas’uuliyadi ka saarantahay inaysan borobogaandada argagaxisada fuliyaan. Warbaahintu waa inay u istaagtaa danaha shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan adeegyada warbaahineed iyo internetka oo ah xuquuq ay shacabku leeyihiin. Warbaahintu waa inaysan kaalmeynin argagaxisada, waxaan ka fileynaa warbaahintu inay noqdaan codkii shacabka oo aysan noqon codka argagaxisada.

Sidaas daraadeed, waxaan ku boorineynaa shirkadaha Isgaarsiinta, inaysan aqbalin awaamiirta iyo hanjabaadaha kooxaha argagaxisada, oo aysan ka joojin shacabka adeegyada internetka oo muhiim u ah shacabka. Shirkadii lagu helo inay taageereyso kooxaha argagaxisada ah waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Shacabkayaga cadowga kaliya ay leeyihiin waa kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab, Sidaas daraadeed, waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay inaan shacabka ka badbaadino hanjabaadaha ka imanay kooxaha argagaxisada.
Istraatejiyada Al-Shabaab ayaa ah in shacabka la aamusiyo isla markaana ay baad ka qaataan shirkadaha Isgaarsiinta si ay u helaan dhaqaalaha ay aadka ugu baahanyihiin. Dowladdu way xoojineysaa dagaalka lagula jira kooxahan, waqtigoodana wax yar baa ka haray inta laga sifeynayo dalka oo dhan. –

-DHAMAAD-

Abukar D. Osman
Permanent Secretary
Ministry of Interior and National Security

E: aosman@mins.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.