Home » Faallo »

Soomaalidu Meel ay ku Sugan Tahayba Maxaa Silica Baday?.

Somaali baan ahay, waxaan ka sii ahay Islaam, taasina mahadeeda waxaa iska leh Ilaaheey Subxaanuhu wa-tacaalaa ee Jinsiyaddeyda Soomaali ka yeelay, kolleybase waan filayaa in ruuxna Jinsiyadda uu yahay marnaba aysan baab’eyn walow aad maqasho mararka qaarkood hebel oo haysta Jinsiyadda dal fulaan asalkiisi horesae ahaa Somali ama dal kale, waxayna murti hore u tiri  “waa loo Dhashaa Waddani’ ee la iskama dhigo waddani.

Araarta maqaalkeyga waxaan uga go leeyahay in badan maqalka silica Soomaalida ku haysta dalka dibaddiisa ama gudhiisa oo har iyo habeen ah mid qof kasta uu arkayo ama uu maqlayo,sababtaasina ay igu dhalisay inaan wax ka qoro dhibaatada Soomaalida dibad iyo gudaba.
adaamo42
Sanadkii 2011kii habeen habeenada ka mid ah ayaan dhagaysanayay Idaacadda BBCda oo waraysanaysa Muwaadin u dhashay Soomaaliya oo ku xiran Xabsi ku yaala magaalada Talaabiib waa Dalka Israa’iile kaasoo sida uu sheegayay muddo dheer ku xirnaa Xabsigaas mar wax laga weeydiiyay cidda madaxweynaha ka ah xiligaas Dalka Soomaaliyana garan waayay isagoo sheegay inuu xabsigaasi galay intii aysan dhicin Xukuumaddii Milateriga ahayd iyadoona xilligaas loo sheegay inuu dalka Madaxweyne ka yahay Shiikh Shariif nin lagu magacaabo markaas oo uu ka codsaday in dawladdaasi ay ka shaqayso sidii looga sii deyn lahaa Xabsigaas mudada dheer uu ku xirnaa…. Waa Silic ka mid ah Silicyadii aan soo sheegay.

Soomaalidu meel ay ku sugan tahayba maxaa Silica baday dabacan waa mid intaa ku koobneyn, dalka Sacuudiga Soomaalida ku sugan dhibaato aan dhamaansho lahayn ayaa haysata kuwo xiran oo la jir dilay, kuwo la dhacay iyo kuwo si dhuumaaleysi ah ku jooga dalkaas oo waagii baryaba ka cabsi qaba in la xiro ama la qabto kaddibna la masaafuriyo waa silic kale oo Soomaalida Sacuudiga ku haysta.

Dalka Koofur Afrika iyo silica Soomaalida ku haysta ka sheekeyn uma baahna heer waxayba gaareen Afrikaanta halkaa joogta ee Cawaanta ah in Soomaalida Nolosha lagu gubo hantidoodana si bareer ah loo qaato.

Koofur Afrika abaalka aan u galnay iyo waxa ay noogu abaal gudday waa Kaaf iyo kala Dheeri oo waa halkii Ninkii Soomaaliga ee Murti yaqaanka ahaa uu ka yiri “Ninyahow Sidaan kuugu Lisay iigumadan Hambayn” waa Silic kale oo Soomaalida halkaa ku haysata Ilaahayow ka samata bixi.

Koofurta Suuddaan iyo wacdarihii ka qabsaday Soomaalida ayaa weli dhegahayaga ka qooyanayaa  Kenya, Tanzania, Musambiig, Angoola iyo meel kastoo caalamka ka mid ah ayaa sidaa Soomaalidu ugu silicsan yihiin.

Bal aynu eegno Dalka Talyaaniga oo in ka badan kumanaan Kun oo Soomaali ah ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah ama inta badan ee Soomaalida Rooma ku sugan waxay ku silcayaan waddooyinka Magaaladaas iyagoon haysan Hu Hooy iyo Hunguriba, waxayna qaarkood  Baakado ku seexdaan waddooyinka magaalada in kastoo waayadan dambe ay degaamaystaan dhismaha Safaaradda soomaalida ee Roome.

Soomaalidan ayaa maalintii u qaraabsi tagta magaalada habeenkiina u soo hoyda Safaaradda dhismaheeda iyagoo intaa ka cabanaya shaqo la’aan  iyo daryeel la’aan halkaa ku haysata waa nooc kale oo ka mid ah Silica Soomaalida adduunka daafihiisa kala duwan ku haysata.

Sanadkii hore ayay ahayd markii Dalka Neder-land ama Holand Soomaali ku sugan ay ka qayla dhaaminayeen diidmadii codsigoodii magan gelya doonka ahaa lagu diiday isla markaana xeryahii ay ku jireen dibadda looga saaray xilli qabow xun uu halkaa ka dhacayay taasoo ugu dambayntiina gabbaad laga siiyay Kaniisad ku taala dalkaasi

Maraykanka oo la is leeyahay inta badana dadku ay ku hamiyaan sidii mar uun ay halkaa u tegi lahaayeen iyagoo qaba fikirka in halkaasi barwaaqo adduun ay taalo ayaa Soomaalida ku dhaqan waxay ku jiraan wel wel iyo silic badan, waaliddiinta iyo caruurtooda ayaa dhibaato kala haystaa, Xaasaska ayaa si taxadar badan u nool, qarax hadduu dhaco wey cabsdaan oo waxa ay is dhahaan armaa la idin qabsadaa, marka aad la sheekeysatana dadka Soomaalida ah ee halkaa ku dhaqan waxay kuu sheegayaan in “Dal aan Dalkaaga ahayn uu Dareen ku Joog yahay

Soomaalida dibadda iyo silica ay ku nool yihiin haddii aan ka hadlay bal aan eego Soomaalida ku dhaqan gudaha iyo silica ay ku nool yihiin, gaar ahaana marka ay timaado wax la’aanta.

Qooysas badan ayaa u dumay wax la’aan, raggii waxa ay ka cabanayaan silic badan oo shaqo la’aantu ay badday, Dhallinyaro ka cabanaysa wax barasho la’aan kuwasoo ka wel wel qaba Mustaqbalkooda, qaar ka shakisan ammaanka oo kuu sheegaya in shaki badan ay ka qabaan sidii ay dalka uga dhax shaqaysan lahaayeen xaaladda amni oo aan wanaagsan darteeda.

Arrimahaas oo dhan ayaa anigu shakhsiyan waxay igu abuureen Yaab aad u fara badan, waxaanan wax iska weeydiiyay Soomaalidu meel ay ku sugan tahayba maxaa Silica baday, maxaa xal ah oo loo qaban karaa, runtii arrimahaas oo dhan waxay igu abuureen dareen aan wanaagsanayn, maxaa yeelay marka uu dadkaagu wada cabanayo ama silicsan yahay asii aadan wax u qaban karin waad la murggootaa murug mooyee wax kale ma jiraan waxaanse oran lahaa Soomaalida dibadaha ku nool ha loo qaaraamo.

Dabacan Qaaraanka ulama jeedo in wax loo Ururiyo balse waxaan ula jeedaa bal talo ha la isugu biiriyo, angana aan bilaabaa waxaan kula talinayaa guud ahaan Soomaalida dibadaha ku silicsan marka hore haddii ay yeelayaan in dalkooda hooyo ay isaga soo laabtaan lama Huraan waa Cawska jiilaaleedee, waxaan kaloo ku caawinayaa in ay iska dhaafaan dhaqanada qaar sida laaluush bixinta, samaynta waraaqaha been abuurka ah iyo wixii sharaftooda, diintooda, dadnimadooda iyo karaamadooda wax u dhimaya, hana ku dheggenaadeen Diintooda sharafta leh iyo hiddahooda ma guuraanka ah.

Ugu dambayntiina Soomaaliyeey bal Soomaalida silicsan talo u soo qaraama waa intaasoo taladaas ay ku aflaxaane.

W/Q. Ustaad Aadan Macalim Aaddaamo

E-Mail .aadaamo2@hotmail.co.uk

Tel  00252615511863

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.