Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu Xusayey Sannad Guurada 41 aad ee Aas-Aaska Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyina Gobolka Banaadir oo ku began 8-da Janaayo ,waxaana ka qayb galey Masuuliyin ka tirsan Dowladda Federaalka, Xildhibaano, Urarada Bulshada Rayidka, Qaybaha ka duwan ee Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir iyo Marti Sharaf kale.
Ugu horeyntii halkaa waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir oo ku dheeraadey qaabkii ay ku Abuurmeen Qaybaha ka duwan ee Iskaashatooyinka isagoo sheegey in Mudadii dagaalada Sokeeye ay jireen Iskaashatooyinka waxay ahaayeen kuwa saameeyeen ku yeeshey Dagaalada , waxaa kale uu sheegey in maanta wixi ka Dambeeya Iskaashatooyinka ay yihiin kuwa doonaya in ay ka qayb qaataan Horumarka Dalka ayna muujiyaan awooda wax soo saar
Xubnihii sidoo kale halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Cabduqaadir Ibraahim Gacal Abkow oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Bulshada Rayidka waxaana uu sheegey in Dhinacooda ay gacan siin doonaa Iskaashatooyinka si kor loogu qaado Aqoontooda sidoo kale waxaa uu u rajeeyey Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir in ay ku dadaalaan sidii ay ugu Gudbi lahaayeen heer Qaran
Waxaa sidoo kae Munaasbadaas ka Hadley Gudoomiyey ku Xigeenka Dallada SOSCENSA Liibaan Bile Xiireey oo sheegey in Dalladda ay soo dhaweyneyso in marka kale ay soo Muuqdaan Ururadii iskaashatooyinka , waxaana uu balan qaadey in Dallada ay la shaqeyn doonto Ururka Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir.
Ugu Damabeyntii waxaa Munaasabadaas ka Hadley Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan wuxuuna ugu horeeyntii u Mahadceliyey sidii Iskaashatooyinka Gobolka Banaadiri uga gacansiiyeen Nadaafadda Gobolka Banaadir sidoo kala waxaa uu uga Mahadceliyey Doorkii muuqday ee ay ka siiyeen sidii dadkii Abaaraha dib u dejin loogu sameyn lahaa oo uu sheegey in la’aantood aysan Suurtagali lahayn in dadkaas dib u dejin lagu sameyeeyo
Mudane Tarsan waxaa uu intaa raaciyey “ Aduunyada iskaashatooyin ma qabaan laakiin waxay qabaan wax la yiraahdaa Trade Union oo la mid Iskaashatooyin iyaga ayaa ah Ururo awood badan oo wax kasta lagala tashado marka waxaan dooneynaa in Iskaashatooyinkeenna ay la mid noqdaan kuwa Adduunka”
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.