Home » Faallo »

Warqad furan oo ku socota Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed – By Aden A. Colujoog

Dhambaal xambaarsan talo soo jeedin oo si toos ah ugu sacota Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, mudane Cabdiweli Sh. Axmed

culujoog

Mudane Ra’isal wasaare,
Marka koowaad iga guddoon salaan diiran oo kal iyo laab ah, salaan kaddib, waxaan Ilaah kaaga baryayaa in uu kuu fududeeyo xilka culus ee aad dusha u ridatay, marka labaadna, waxaan kuu sheegayaa in magacaabistaadii Ra’isal wasaare-nimo ay igu reebtay dareen isku dhaf ah (mixed feeling), taasoo aan oran karo waxay saameyn ku reebtay qaab qoraalkeyga, qaab u fekerkeyga, iyo xataa wadaniyadeyda (my patriotism) ee ku wajahan waxii aan ka dhihi lahaa Ra’isal wasaare ay soo magacowday dowlad u muuqata in ay tahay fawdo aanan ku dhaqmeyn sharciga dalka u yaala oo markii ay rabto Ra’isal wasaaraha howlgab ka dhigeysa, markii ay rabtana sabab la’aan shaqada ka ceyrineysa!

Mudane Ra’isal wasaare,
Si la mid ah dareenka ay in badan oo Soomaali ah qabaan, marka la eego CV-gaaga, shaki kuma jiro in aad tahay shaqsi leh aqoon iyo khibrad uu waqtigaan adag Soomaaliya ku hogaamin karo oo mudan in magacaabistiisa lagu farxo lana soo dhaweeyo, balse, maadaama ay caado noqotay in madaxweynaha markaas xilka haya iyo sharci-dejiyaasha dalka (Xildhibaano) ayaga oo sharciga dalka u yaala ku tumanaya, danahooda gaarka ahna eeganaya ay mar kasta si sharaf daro ah shaqada uga ceyriyaan Ra’isal wasaare kasta oo ay Soomaaliya yeelato, ayaa markii arrinka dhankaas laga eegana waxay magacaabistaada igu dhalisay tallan (dilemma) oo ah in aan wax kale iskaba daaye mustaqbalkaaga u baqo iyo in ay kugu dhacdo fool-xumadii horay ugu dhacday Ra’isal wasaare-yaashii kaa horeeyay ee sida sharci darada ah ayaga oo xilkooda gudanaya shaqada looga ceyriyay.

Mudane Ra’isal wasaare,
Kaddib markii aan waqti dheer ka dhur sugayay bal waxa uu noqon doono mustaqbalka dadkeyga iyo dalkeyga hooyo, aniga oo isla markaana mar walba rajo fiican ka qabay dowlad kasta oo timaada in ay wax weyn ka qaban doonto soo celinta amnigii faraha ka baxay, dhisidda sharci lagu kala danbeeyo iyo horumarinta mashaariic wax tar u leh umadda Soomaaliyeed, ayaa nasiib daro, ku dhawaad rubuc Qarni (half a century) bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib maanta ay Soomaaliya ku sugan tahay marxalad quus iyo aragax ku reebeysa muwaadin kasta oo Soomaali ah oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa, waana aragatidaas iyo masawirkaas foosha xun ee Soomaaliya ka muuqda waxa igu beeray in aan goor hore si fudud wax uga soo qori waayo magacaabista xilka Ra’isal wasaaraha ee lagoo magacaabay.

Run ahaantii, dhibka maanta Soomaaliya haysta ma ahan mid ugub ah, balse waxaa jira wadamo badan oo sideena oo kale soo maray duruufo ad-adag qarniyo kala duwan, kuwaasoo wajiyo kala gedisan lahaa.

Sida sooyaal taariikheedka ku cad, dhamaan wadamadii duruufahaas ad-adag soo maray waxaa kasoo saaray hogaamiye isku darsaday daacadnimo, geesinimo, ad-adeyg iyo wadaniyad ay ku dheehan tahay aragti hufan (vision), taasoo aakhirkii wadamadaas dhaxalsiiyay in ay maanta dhanka horumarka dhaqaalaha, aqoonta, teknolojiyada, daryeelka arrimaha bulshada, ciidamada iyo hogaamin wanaagga adduunka uga jira safka hore, dadyowgoodana ay ku naaloonayaan noolal fiican iyo amni la’isku haleyn karo.

Waxa aan kugula talinaayo iyo sida aan u arko xalka Soomaaliya

Mudane Ra’isal wasaare,
Si ay Soomaaliya uga baxdo caqabadda adag ee ay ku jirto, loo helo midnimo umadda Soomaaliyeed, adna uu magacaaga ugu qormo baal dahab ah, waxaan kugula talinayaa in aadan lumin fursadda qaaliga ah ee aad haysato, isla markaana aad ku dhaqaaqdo hergelinta qodobada soo socda oo aan u arko in ay yihiin kuwo ay ku dhici waayeen mas’uuliyiintii adiga kaa horeeyay, qodabadaasna waxay kala yihiin:

I)- Dib u heshiin iyo dib u dejin

Dadka Soomaaliyeed meel uu joogaba waxaa dhex maray dagaal ahli ah (civil war), waxaana qabaa in talaabada meesha ka maqan oo aanan ilaa iyo hadda la’is weydiin ay tahay “maxaa keenay in ay Soomaalida dagaalanto? Haddiise la dagaalamay, maloo baahan yahay in dadka la’isugu yeero oo dib u heshiisiin loo sameeyo, kaddib markii la heshiiyo oo la’isu celiyo waxii hanti ahaa ee la kala dhacay ama la kala qabsaday, waa in dib u dajin loo sameeyo qaxootiga faraha badan ee adduunka ku kala firarsan. Talaabadaas waa muhiim sida aan isleeyay, mana garanayo ilaa iyo hadda waxa dowlad kasta oo timaadaba ay uga meer-meereyso fulinteeda!

II)- Xoreynta Soomaaliya

Marka dhan walba laga eego, waxaa muuqata in uusan dalka Soomaaliya waqtigaan la joogo xor aheyn ee waxaan qabaa in aad ka howl gasho sidii loo xoreyn lahaa. Meelaha u baahan in dalka laga xoreeyo waxaa ka mid ah:

A- Guddoomiye-yaasha gobolada iyo degmooyinka ku teedsan xuduudda uu dalku la leeyahay labada dowladood ee deriska ah waa horay xarko goosteen oo meelo kale ayaa looga taliyaa oo ay ka amar qaataan ee waa in farsamadaad doontaba u adeegsee aad kusoo xirtaa wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya.

B- Bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib, dadka Soomaaliyeed waxaa ka lumay qabkii iyo wadaniyaddii ay waa lahaayeen ee waa in la sameeyo Hay’ad wacyi galineed oo bulshada wadaniyadeeda, qalbigeeda, maskaxdeeda, caqiidadeeda, sharafateeda, qabkeeda, karaamadeeda iyo  sharafateeda dib u soo nooleysa.

C- Waa in wada hadal lala furo mucaaradka hubeysan, lana helo farsamo lagu soo afjarayo dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya Soomaalida dhexdeeda.

III)- Sii wadid wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland

Si dalka looga saaro jahawareerka siyaasadeed ee uu ku jiro, midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaaliyana ay usoo noqoto, waxaa loo baahan yahay in lasii wado wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, waana in wada hadalkaas iyo dib u heshiisiintaas loo maro abuuris shuruuc tiirar adag ku taagan oo ay dib ugu midoobi karaan labadii Jamhuuriyadood ee midoobay July 1, 1960, si aan habooneyna u kala tagay wixii ka danbeeyay sanaddii 1990-kii.

IV)- In la dhameystiro sharciga qabyada ah 

Maadaama sharciga hadda dalka Soomaaliya u yaala uu yahay mid qabyo ah, waxaa lagama maarmaan ah in dhaqsiyo loo guda galo dhameystirkiisa, haddii kale, afarta sano ee xukuumadda hadda jirta loo qabtay in ay shaqeyso waxay ku dhamaan doontaa sharcigaas oo qabyo ah, haddii ay taas dhacdana waxaan ka wal-walayaa sidii la’isu waafajin lahaa qabsoomidda doorashooyinka dhici doona sanadka 2016 iyo dastuurka qabyada ah oo horay loo sheegay in la dhameys tiri doono inta lagu guda jiro afarta sano ee ay xukuumadani jireyso.

V)- Cadeyn ama qeexid shaqooyinka ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha 

In kasta oo sida aan qabo uu sharciga Soomaaliya kala qeexayo shaqooyinka ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, haddana maadaama ay marar badan soo noq-noqotay cudur bixi waayay oo ah in mar kasta la arko madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha oo qoorta iskula jira, si mushkiladaas hari weysay ee dadka Soomaaliyeed qalbi jabka ku riday, magaca iyo sumcadda Soomaaliyeedna dilay meesha looga saaro, waxaa haboon in sharciga dib loogu noqdo, si fiicana sharciga dib loogu qeexo shaqooyinka ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya.

VI)- In sharci laga soo saaro xildhibaankii jebiya sharciga dalka u yaala ama ku kaca fal anshax xumo ah

Marar badan waxaa dhagaha umadda Soomaaliyeed maqlaan, waxaa socda dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, ama waxaa jirta kala xod-xodasho hoose iyo xildhibaanada oo lacago laaluush ah la siinayo si ay qofkii lacag badan siiya u taageeraan!

Mudane Ra’isal wasaare,
Qaab u dhaqankaan xildhibaanada ee ku saleysan “maxaa kaa galay dowlad iyo cadaalad, maad laaluushkaaga iska guratid” qatarteeda ayay leedahay. Soomaalidu waxay tiraahdaa “Ruqo uu ninkii lahaa gadaal uga fadhiyo ma kacdo!”. Waa la yaabe, dal sharci dajiye-yaashiisii sidaas u dhaqmayaan maxaa laga filan karaa?

Mudane Ra’isal wasaare,
Anigu waxaan qabaa in dib loogu noqdo sharciga dalka u yaala, laguna daro in xildhibaankii lagu arko ama lagu tuhmo laaluush qaadasho iyo ku kicis fal danbiyeed liddi ku ah qaranimada Soomaaliya talaabo cad oo aan naxariis laheyn laga qaado, haddii kale, koley anigu ma garanayo halka ay gaareyso qaranimada wadan ay xildhibaanadiisii sidaas u dhaqmayaan ayada oo aanay jirin sharci qabanayo oo ay ka baqayaan!

VII)- Bur-burinta nidaamka Federaalka iyo kan ku dhisan saami qeybsiga awood dowladeedka qabiilka ee 4.5

Sida aan qabo, labadaan nimaad ee Federaalka (Federalism) iyo kan ay Soomaalida u adeegsato awood qeyabsiga dowladda ee ku dhisan qabiilka ee 4.5 (tribal power sharing), midkoodna Soomaaliya faa’iido uma lahan ee waxaa loo baahan yahay in la bur-buriyo.

Mudane Ra’isal wasaare,
Waan hubaa in aad si fiican uga warqabto oo aad ogtahay in nidaamka Federaalka dowladaha ku dhaqma caalamka ay tiradooda aad u yartahay, ayada oo sababta ay u doorteen kuwa ku dhaqmana ay tahay ayada oo wadamadooda ay ku dhaqan yihiin qowmiyado ku kala gedisan dhinacyada luuqadda, dhaqanka iyo diinta, balse, nasiib wanaag, dadka Soomaaliyeed waa dad tiro ahaan aad u yar oo haddana ku dhaqan dhul qani ah oo ay baaxaddiisu weyn tahay, isla markaana aanay jirin wax farqi ah oo ku kala dhex jira haba yaraatee oo aan qabiilka baas ee lagu saladay ka aheyn.

Sidaas awgeed, waxaan qabaa in dalka loo helo farsamo wanaagsan oo la’isugu keeni karo ama lagu dhaqi karo oo aanan ka aheyn Federaaal iyo 4.5, haddii kale oo laga dhago adeygo in nidaamyadaan qariban meesha laga saarana, waxaa dhici doonta in aanan marnaba xal waara loo helin sidii dalka iyo dadka kala go’go’ay la’isugu soo celin lahaa, ayada oo dhanka kalena lagaba yaabo in ay dib usoo cusboonaadaan dagaaladii sokeeye ee laga soo gudbay.

Ugu danbeyntii, mudane Ra’isal wasaare;  Soomaalidu waxay tiraahdaa “waari meyside war hakaa haro” ee inta ay goori goor tahay oo aad fursadaan Ra’isal wasaare-nimada haysato la imow hab qorsheed hufan oo waxtar u noqon kara umadda Soomaaliyeed, adigana mustaqbalka lagugu xasuusan karo, haddiise aad maanta oo ay umadda Soomaaliyeed dhib weyn qabto una baahan tahay nin geesi ah oo ka gudbiya caqabadaha ad-adag ee ku hor gudban u hiilin weyso, la soco in laga yaabo in laguula dhaqmo si la mid ah sidii loola dhaqmay Ra’isal wasaare-yaashii kaa horeeyay oo ayaga oo aanan wax danbi ah galin howshoodana wata shaqada si xushmad daro ah looga ceyriyay!

Dhambaalkaan waxaa Ra’isal wasaaraha u diray:
Aden A. Colujoog
freelance independent writer
adencolujoog@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warqad furan oo ku socota Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed – By Aden A. Colujoog "

  1. Cabdullaahi says:

    Colujoogow waa ku salaamay, runtii laba qoraal oo aad qortay
    oon akhriyey aad ayey xamaasad iigu kiciyeen ,waxaa kaa muu-
    qatay waddaninmo, xubbul waddan minal iimaan baa la yiri , maamul aqoonna waa kaa muuqataa, ujeedkeygu ma ahan faan
    aan rabo in aan ku faaniyo laakiin waxaad mooddaa in wax laabtayda ka buuxey aad soo qufayso,dastuurku waxaa ka buuxa qalad , federaalna wax soomaali qaadan karto ma aha
    waana burburinta soomaali, xuduud dal oo aan maamulno ma
    jirto sidaas darteed lama oran karo dowlad dhab ah ayaa jirta,
    haddana madax muuqda iyo middi saawira midna lagama quusto ayaa la yiri , haddii hal sano kale la waayo ifafaalo yididiilo leh oo soo muuqda, waa caddaan in aan ku jirno gumeysi noocuu doono ha noqdee, aniga kula hadlayaa hadda
    waxaan ahay 70 jir , waa lagama maarmaan ayaan isleeyahay
    dhallinyaro iyo waayeel rag iyo dumar in loo istaago halgan cusub oo gobanimo doon .