Home » Warar »

Musharaxiinta Madaxweynaha Puntland oo shuruud looga dhigay in ay isku-diiwaan geliyaan $10,000

Guddiga Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ee qaabilsan doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka ayaa Axad Janaayo 5, 2014 waxay soo saareen go’aan ay ku kordhinayaan lacagta ay isku diiwaan gelinayaan musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamul goboleedka Puntland.

dollarGo’aankaas soo baxay Maanta (janaayo 5, 2014) iyo shuruudaha lagu xiray musharaxiinta waxaa shardi laga dhigay in ay soo buuxiyaan berri oo ah Isniin Janaayo 6, 2014. Shuruudahaas oo ah in:

1. Musharaxa Madaxweynaha uu bixiyo lacag dhan $10,000 (toban-kun oo doolar) si loo diiwaan geliyo.

2. Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka in uu bixiyo $5,000 (shan kun oo doolar) si loo diiwaan geliyo.

Lacagtaas sannadkan 2014 ayaa ah laban -intii ay ahayd doorashadii 2009 ee Puntland oo lagu diiwaan geliyey Madaxweynaha ($5,000), iyo madaxweyne ku xigeenka ($2,500).

Sidoo kale waxaa shuruudaha ka mid ah in musharaxiintu ay soo buuxiyaan sida uu dhigayo Qodobka 78-aad ee Dastuurka maamul goboleedka Puntland, oo ah:

1. Muwaadin kasta oo Puntland ah waa u furan tahay in uu u tartamo Madaxweyne ama Madaxweyne Ku-Xigeen haddii uu buuxiyo shuruudaha xilka oo ah:-

(b) Inuu yahay muwaadin Puntland ah, Muslim ah, ku dhaqma diinta Islaamka, miyirkiisu dhan yahay, da’diisuna aanay ka yarayn afartan (40) sano, qabin xaas ajnabi ah inta uu xilka hayana guursan karin.

(t) Inuu leeyahay tacliin sare, waayo aragnimo hogaamineed, aqoon la xiriirta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed. dalkana ku sugnaa labadii sano ee ugu dambaysay.

(j) Inaan xuquuqdiisa muwaadininimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shantii sano ee ugu dambeysay.

(x) In uusan hore u gelin khiyaamo qaran ama ku xad gudbin xuquuqda bani’aadamka.

2. Musharraxiinta jagada Madaxweynaha ama Madaxweyne ku-xigeenku waxay ka imaan karaan Golaha Wakiillada iyo dadweynahaba.

3. Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiillada loo doorto Madaxweyne ama Madaxweyne ku-xigeen wuxuu bannaynayaa xubinnimadii Golaha Wakiillada, waxaana beddelaya qofkii xubin- sugaha u ahaa.

Janaayo 6, 2014 ayaa Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Saadiq Abshir Garaad waxa uu ku dhawaaqay in ay shuruudahaas soo buuxiyeen 11 musharax oo madaxweynaha iyo 9 musharax oo ah ku xigeenka madaxweynaha, magacyadoduna kala yihiin:

Liiska Musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ah 11 musharax

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole
  2. Cali Cabdiqaadir Yuusuf
  3. Cabdilaahi Siciid Samater
  4. Cabdiwali Maxamuud Guray
  5. Shire Xaaji Faarax
  6. Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
  7. Maxamed Cabdinuur Xirsi
  8. Cali Cabdi Awaare
  9. Cali Xaaji Warsame
  10. Cabdidaahir Maxamed Yuusuf
  11. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

Liiska Musharixiinta Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland oo ah 9 musharax

  1. Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade
  2. Cabdirisaaq Maxamed Cumatr
  3. Axmed Cilmi Cismaan Garaash
  4. Xusen Xaashi Xasan
  5. Cabdisamad Cali Shire
  6. Maxamuud Caydiid Dirir
  7. Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar
  8. Daahir Xaaji Khaliif Maxamed
  9. Maxamed Xirsi Ducaale

Waxaana tanaasuley oo ka haray doorashadaas waa musharaxiin kale oo tiradoodu tahay ugu yaraan 9.

Janaayo 7, 2014 ayaa musharaxiinta xilka u tartamaya waxay hor tageen baarlamaanka Puntland oo ay ka hor jeediyeen khudbado. Baarlamaankaas oo ka kooban 66 xildhibaan ayaa Janaayo 8, 2014 waxay u codaynayaan musharxiintaas madaxweynaha iyo ku xigeen kiisa.

December 30, 2013 ayey ahayd markii lagu dhawaaqay xildhibaanada cusub ee Puntland oo ka kooban 66, oo hawl gelaya 2014-2018 (Eeg magacyadooda). Waxaana xildhibaanadaas la dhaariyey Janaayo 1, 2014.

Xildhibaanadaas cusub ayaa Janaayo 4, 2014 ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland waxay u doorteen Saciid Xasan Shire iyo ku xigeenadiisa oo ah C/xamiid Sheekh C/salaan Ciise iyo Xuseen Yaasiin Xaaji.

Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ku beegan Arbaca January 8, 2014.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Musharaxiinta Madaxweynaha Puntland oo shuruud looga dhigay in ay isku-diiwaan geliyaan $10,000 "

  1. C/karim says:

    Waa arrin fiican laakiin aan wanaag loola jeedin.Su’aashase is weydiinta mudani waxay tahay ina faroole hantida uu ku faanayo oo ku handadayo dadka la tartamaya halkee buu ka keenay. Sow hantidii ummadda ee uu boobay ma ahan. Ma xaq ayey u siinaysaa in uu xabsi ku muto halkii ay ahayd in uu dadka ku muquuniyo. arrinkaasi wuxuu ceeb iyo meel ka dhac ku yahay dadka gobolladaas ku dhaqan oo dhaqan xumadaas lagula kacayo. mana arko in laga aqbalo illaa la xisaabtamo.
    Anigu waxaan aad uga xumahay in ummaddaasi aysan indho qabyaaladeed waxaan ahayn aysan waxba ku eegin oo halkii tuugga ay iska qaban lahaayeen ay u kala dhuumanayaan dadkii wax garadka loo haystay.

    Waa halkii uu abwaan soomaaliyeed harey u yiri markii uu ka yaabay dhaqan xumada duubabka iyo caadaqaatanimadooda.
    “waa duni xaqii la arkayaa la arjumaayaaye, waa duni akhyaartii lahayd iibku doon tahaye”……