Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sh. Axmed oo sheegay in sanadkan ay Ciidanka Qalabka sida u noqon doonto sanadkii dib u dhiska iyo xoreynta

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tibaaxay sidan:

Muqdisho, January 1, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo saaka booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada tababarka ciidanka ee Jazeera ayaa sheegay in sanadkan 2014-ka uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka iyo dhamaamba ciidanka Qalabka-sida, sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha nabadiidka ah ee Al- Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay kormeerkiisan ku wehliyeen Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Faqi iyo kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa ugu horeyn booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, isaga oo sidoo kalena kormeeray qeybaha Wasaaraddu ka kooban tahay.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ku ammaanay saraakiisha ciidanka xoogga sida ay ugu soo dhabar-adeygeen difaaca Qaranka iyada oo aaney jirin xaquuq iyo daryeel dhamaystiran “Waxaan idinku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna idinma ilaawi doonto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka Xoogga, isaga oo dhanka kale u balan qaaday in Xukuumada uu soo dhisayo ay xoogga saari doonto joogteynta mushaaraadka ciidanka iyo Qalabeynta Ciidanka Soomaaliyeed.

somali133

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku booriyay ciidanka Xoogga dalka in sanadkan ay u noqon doonto sanadkii dib-u-dhiska iyo sifeynta Xagjirka, “Sanadkan waxay u noqoneysaa sanadkii dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga iyo sifeynta kooxaha Xagjirka ah ee shacabka cunaqabateeyey horumarkana u diiday” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli mar uu la hadlayay saraakiisha ciidanka Xoogga.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa booqasho ku tegay xerada tababarka ciidanka ee Jazeera, wuxuuna halkaasi kula kulmay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga, wuxuuna u balan qaaday in Xukuumadu ay muhiimad gaar ah siineyso helista xaquuqdooda iyo qalabeyntoodaba, si ay uga qeyb qaataan sugida amniga iyo xasilinta.
Garad Salad Hersi

Senior Press officer, PM office

E-mail. media@opm.gov.so

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.