Home » Maqaallo »

Gugiga xalinta khilaafaka ma gutay hawshiisi

Sidaa la wada socano gudiga xalinta khilaafadaka markiisi hore waxaa uu ah mid muran uu ka taagan yahay cida xaqa u leh in aay soo magacaabi karto isagooo murankaa ku jira aya maxada waynnahu C/raxman Maxamed soo magacabay iyaad murankii ka taagnaa naan loo joojin waxay keentay in uu murankii halkisi ka sii cosdo ilaa uu mushariinta ay muu jiyaan tanaasul leh geesinimo daacadnimo iyo ilaalita aayaha guud ee puntland.

Iyaad taa ay jirto ayaa gudiigii xalinta khilaafadku uu iska indha tiray howshi loo igmaday ee ahayd in ay xaliyaa khilaafka kasta oo iman kara waxayna isku koobeen howl aan khilafba ka iman karan oo aarji soo gudbinta baarlamaka ee beeluhu soo gudbinayaan in ay qabtaa iyagoo og in in uu jiro xilaaf baaxad leh oo ka dhex taagan hogaankii ugu sareeyay ee dalkkeenu lahaa khaaf kaasi wax uu u dhexeeyay ismadeeni soo jireenka ahaa umada reer putland u ahaaa marcija iyo lafdhabarka, hawlahan oo kale in iyaga logu noqdo laga raadiyo talooyinkoodi wax ku oolka iyo saliimka ahaa.

Waad ogtihiin in ismada puntland hawsha ay u yahaan umada reer puntland ilaay bur burkii dalka ka dhacay waxay ahaayeen ilahay ka sakow kuwa ku dadaala siday ugu shaqayn lahaayee umadoooda iyagaa u soo maray marxalado khatarteda leh kuna wada shaqaynaya isixtaram qadari isku dul qaadasho mudnaan iyo maamuus isa siin taas oo ay ku soo wadeen umada.

Maxaa is badalay hada

Sidaa la wada socano waxaa maamulku casumaad u fididyay isimadii markaa joogay magaala madaxda puntland waxay shir ay yeesheen ku sameeyen gudi isimaha iyoog og in ay ismimo muxtari ah ay ka maqan yihiin waliba jidka ay ku soo jireen. Markay yimaad ma ayan helin maamuuskii ay ku lahaayeen maamulkoodi hada jiray iyo isimadii ay deeganka martidad uga ahaayeen halkaan markaa fiirisid soo dhawayn la aanta ismada miiska leh, laga filayay in ay ka leheen labada dhinac ee kala ah hogaanka dalka iyo ismadaba, horeyna madaxwaynhu C/raxmaan maxamed u u sheegay in isimmad uu khilaaaf ka dhexeeyo isgoo eeda dusha usaaray musharax C/wali Maxamed, iyoo taasi ay jirto ayayana sidaas ku yimadeen magaala madaxda puntland ee Garoowe.

Maxaa dhacay markay yimaadeen garoowe

Markii laga soo tago soo dhawayn la´aantood ay la kulmeen iyo iyagoo aan samayn dadaal ay ku dalbanayaan in ay la kulman ismada ay magaalada ugu yimaad ee shirarka ka horeeyey qabsaday waxay ku tusinaysaa in khilaakii uu laba kacleeyey halkaasna ay ka soo baxday labo garuub oo isimo ah in maaliba qolo shir qabatay kana soo saareen bayaano wax lagu codsanayo iyo kuwa waxa la codsaday horey in looga socdo ku talinaya labadaas qoraal oo ku socatay gudiga xalinta khilaafaadka ayaa waxaa ka mid ah sadex qodob ay oo saareen isimadii gadaal ka yimid oo u qornaa sidaan:

Doorashada madaxtinimada puntland waxey qabsoomeysaa wakhtigeedii oo ah 8da Janaayo.2014.
Xubnaha Xildhibaanada lama shaacin karo, lamana gudbin karo ilaa simmada marjaca ahi ay ka xalliyaan khilaafadka ka jira noqoshada xubinnimada Golaha Shacabka Puntland.
Sidoo kale Isimmadu waxey diyaar u yihiin xallinta wax kasta oo adkaada iney ka qaataan doorkooda.
Markay intaa soo saareen aya ismadii kale waxay soo sare go aan kale taas oo wax wayn uusan u dhayxay marka laga reebo hal qodob kaas ah Xubnaha Xildhibaanada lama shaacin karo, lamana gudbin karo ilaa simmada marjaca ahi ay ka xalliyaan khilaafadka ka jira noqoshada xubinnimada Golaha Shacabka Puntland iyo waa la shaacin karaa iyadoo u qoraan qodobka isimida kale soo saareen sidaan;

Waxay isimadu godoomiyeen in gudiga ansixinta iyo khilaafaka golaha wakiiladda puntland ,hawshood u gutaan si madaxbanaan oo caddalad iyo hufnaani ay ku jirto ayna shaacin karaan xilgii loogu talagalay xubnahan golaha wakiilada.

Labadas qoraal waxay u tagtay ama ay ku soctay waa gudiga xalinta khilaafadka runtii markan labada qoraal an akray waxaaa islahaa dadkii ay helkeeda ahayd oo loo magacabay bay gacatoda ku jirtaa halkaas ayay ka bilaabayaa waxii loo igmaday ee ahayd in ay xaliyaan khilaafadka waxaa wax aan qadan waayayy igu noqotay magaca ay xanbaarsan yihiin iyo hawsha loo igamada oo wali khilaafka iga ayuuba ka abuurmay halka qodob ee isimadu isku ahayaan

Maxaa looga fadhiyay gudiga khilaafka

1.In ay marka hore u feejignaadan meesha khilaaf ka iman karo

2.in isimada ay la wada kulmaan isuga wada keenann halmeel kuna qanciyaan in ay meel wax u wada wadaan kana tala qadanayaan dhamantood

3 in markay arkeen qoraalada ay isku khilaafsan yihiin ay raadiyaa xalka ugu quruxda badan ee ismada ay ku wad qancin karaan oo la isga shaaafin karo halka qodob ee kuba xiran waqi yar oo laga gudbayo ma ahayn in aad isku siidaysaan khilaafk isimada

4.waxa ahayd xiliga aad shaacinaysee xildhibaadan wax yar ka hor in aad soo wada martaa isimada oo dhan idinkoo kalsooni iyo niyad sami galinaya si ay u helaan doorkoodi codsi iyo hogaamiyeed taas oo sahli lahad farqiga khilaafeed ama meesha ka saari lahad.

5.Waana muhiin in Isimada aad ka saartaan khilaafka idinkoo kaashanayay maamulka iyo musharaxiinta si loo doorto hogaamiye ay ku wada farxan yihiin isimada, waxay ismida ku faraxsan yihiin mushtamaca puntland waa ku faraxsan yihiin

.

Wayna og yihiin mid uu baa la dooranayaa musharaxiinta haduu taageersanaa ama haduu mucaradsanaa qof uu ba ku soo baxay, laakin waa in aad ka dhex abuurtaan kalsoonidii, is qadarintii niyad samidii iyo is aminkii wada shaqaynee ee ka dhaxayn jirtay taas ayaa lagu gaari karaa wanaag iyo horumarka

Wabi lahi tawfi

Muxiyadiin daahir jaamac
muhiadeen@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.