Home » Faallo »

Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed oo loo soo jeediyey in uu soo Magacaabo Wasiiro aan ka soo Tooseyn Madaxtooyadda.

Siyaasiga Xuseen Carraale Caddaan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Barlamaankii ku meel gaarka Soomaaliya ayaa muujiyay Taageerada uu u hayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dhawaanta uu soo magacabay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.Siyaasiga ayaa sheegey in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya in looga fadhiyo inuu soo xulo wasiiro tayo leh isla markaana wax ka bedeli kara xaaladda waddanku maanta ku sugan yahay.

abdiweli13Carraale oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Wasiirada uu soo xulayo in ay haadaan kuwo awood u leh in ay ku shaqeeyaan Xafiisyada Dawladda ee aan ku ekaanin xarunta Madaxtooyada iyo hareeraheeda. Xildhibaankan hore ayaa Ra’iisul Wasaaraha xusuusiyay lagama maarmaanimada in shacabka Soomaaliyeed xiligan laga gudbiyo Dhibaatooyinka kala duwan ee dib ula haray Shacabka.

Dhinaca kale Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen Ururada Bulshada qaybahooda kala duwan ee Bulshada ayaa ka dhacday xarunta Maamulka ee Degmada wadajir .Munaasibaddaas oo sidoo kale ay ka soo qayb galeen siyaasiin ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Guddoomiyaha MaamulkaDdawladda ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow Axmed Daaci.

Guddoomiyaha degmada ayaa ugu horeynba sheegey in Munaasibaddan Shacabka Wadajir ay isugu yimaadeen in ay tahay mid ay ku soo dhaweynayaan isla markaana ay taageeradooda ugu muujinayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Axmed Daaci ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya inuu la yimaado wax qabad dhab ah isla markaana Golihiisa Wasiirada uu ku amro in aysan isku koobin Degganaanshahooda xarunta Madaxtooyada ee ay dhax galaan bulshada isla markaana ay ku shaqeeyaan xafiisyadooda ku kala yaala degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed daaci ayaa ballan qaaday in dhankooda ay la shaqaynayaan Ra’iisul Wasaaraha isagoona si gaar ah ugu Mahadceliyay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.Munaasibaddaas ayaa waxaa lagu soo ban dhigay Suugaan waddani ah oo ka tarjumaysa midnimada iyo dawladnimada wanaageeda iyadoo sidoo kale ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka halkaa lagu daawaday.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.