Home » Warar »

Kulan la Tashi ah oo ay soo Qaban Qaabisey INTERNEWS-Somalia kuna saabsanaa sidoo loo Yagleeli lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka oo lagu qabtey Muqdisho.

Waxaa Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan la tashi ah oo ku saabsan sidoo loo yegleeli lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Heer Qaran , waxaana  Kulankaas ka soo qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Garsoorka ,Xildhibaano , Hayadaha Xaquuqda Aadanaha , Bulshada Rayidka,  Culimaudiin , Haween  , Aqoonyahano iyo Marti Sharaf kale , waxaana Kulankaan soo qaban qaabiyey Hayadda INTERNEWS-Somalia

Inti uusan Bilaaban Dooda qaabka loo dhisayo Gudiga Xaquuqul Insaanka  ayaa waxaa ka qayb galayaasha loo qaybiyey Xeerka iyo Dastuurka Ciida ka mid noqoneysa Guddigaas waxaana Shir Gudoominayey Xubnaha kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil,Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo ah Gudoomiyaha Dalladda SOSCENSA ,Xaliimo Yareeyoo ka socotey Bulshada Rayidka,Shiikh Cali Dheere oo ka socdey Wasaaradda Garsoorka , Yaasiin Cal Xayle oo isna ka socdey Wasaarada Garsoorka qaybta Xaquuqul Insaanka  , Avv Ciise iyo Xubno ka socdey Ururadda Naafadda Soomaaliyeed , waxayna Shir-Gudoonka ay ka jawaabayeen Su’aalaha ka qayb galayaasha weydiiyeen  .

Dadkii ka qayb galey Dooda sidii loo sameyn lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka ee heer Qaran  ayaa waxa inta badan ay diirada Saarayeen qaabka loo xulayo  Xubnaha Guddiga  iyadoo sidoo kale ay aad uga doodeen in wax laga badelo Tirda Gudiiga oo ahaa Sagaal Xubnood, waxayna soo jeediyeen in laga dhigo 21 ama 27 Xubnood hase yeeshee Shir Gudoonka ayaa ka qayb galayaasha  u sheegey in aan waxaba laga badeli Karin Tirada Xubnaha ee Guddiga Xaquuqul Insaanka ee heer Qaran iyagoo sheegey in Tirada lagu qeexey Dastuurka Dalka .

somali131

Xubihii ka qayb galey Dooda ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Hayadda Culimada Soomaaliyeed Bashiir Axmed Salaad oo sheegey in Diinta islaamka ay si aad ah uga hadAshey Xaquuqda Insaanka loona baahan yahay in Xaquuq kasta oo la sameynayo lagu dabaqo Diinta Islaamka taasoo uu sheegey in wax badan ay Ilaalineyso sidoo kale waxaa ka Hadley Canab Xasan Cilmi oo ka socotey Haweenka Qaranka ayaa soo jeedisey  in Xeararka Guddigga lagu daro in dadka Soomaaliyeed ay is Cafiyaan maadaama ay iska galeen Xadgudubyo Badan .

Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Xubno ka socdey Ururada Naafada Soomaaliyeed waxayna sheegeen  in loo baahan yahay in Guddiga lagu daro Xubnaha Naafada Soomaaliyeed maadaama ay ka maqan tahay Xaquuqo badan sidoo kale waxay Codsadeen in Datuurka Dalka lagu daro Qodobo ay ku Caddahay Xaquuqda dadka Lixaadkoodu Dhiman yahay taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen ka qayb galayaasha dooda  sidoo kale waxaa  Hadley Xubno ka socdey Ururada Xaquuqul Insaanka oo sheegey in ay soo Dhaweynayaan Sameynta Guddiga Xaquuqul Insaanka ee heer Qaran hase eyeshee waxay Codsaden in la Kordhiyo Tirada Xubnaha Guddiga .

Ugu Dambeyntii waxaa halkaa ka Hadley Xubno ka tirsan Shir-Gudoonka oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan  Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Cabdulaahi Maxamed Shirwac iyo Avv Ciise oo sheegey in la qaadan doono Wixii Talooyin ah ee ka qayb galayaasha ay soo jeediyeen sidoo kale waxay sheegeen in Guud ahaan Gobolda Soomaaliya la gaarsiin doono si  iyana ay Talooyin ku saabsan  qaab Dhismeedka Guddiga si looga Tala geliyo   waxay halkaa ka cadeeyeen Shir-Gudoonka in Guddiga uu noqon doono mid Madaxbanaan

W/D Amiin Yuusuf khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.