Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya iyo is bedelada haatan ka jira.,Madaxweyne Geelle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay Ammaanka dalka Soomaaliya isagoona farta ku fiiqay dadaaladii ay bixiyeen Ciidamada Afrikaanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya is bedleada ay ku soo Dabbaaleen Ammaanka guud ee Dalka.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa kalsooni buuxda ka muujiyay Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan ka gadaal markii ay siiyeen Tababaro joogta ah taasoo Mustqbalka marka ay baxaan ciidamada Jabuutiyaanka sheegey in ay yihiin Ciidamada Soomaaliya kuwo hanan kara ammaanka guud ee gobolkaas.
Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi gaar ah siinayay Idaacadda VOA-da laanteedka Afka Soomaaliga ayaa sheegey in dhawaan ay rajaynayaan in Guuto ka mid ah ciidamadooda in ay u diraan Gobolada Dhexe ee Soomaaliya oo qayb ahaan uu sheegay in loo qorsheeyay ciidamo Gaarsiinta Jabuuti ee Gobolada dhaxe.
Mar wax laga weeydiiyay Madaxweynaha wada hadal Shabaab lala galo siduu u arko ayuu sheegay inaysan jirin wax wada hadal ah oo ay diyaar u yihiin Shabaab sidaa darteedna ay ka go’an tahay sidii Gobolka ay uga samayn lahaayeen Dawlad xoog badan oo Islaami ah taasina ma aha ayuu yiri mid suurta galaysa.
Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa muujiyay inuu jecel yahay in arrinta Soomaaliya nabad lagu dhameeyo laakiin Shabaab uusan taa dooneyn isagoo xalka Soomaaliyana ku sheegay in loo helo Dhallinyarada shaqooyin ay kaga maarmaan Dagaalada.
Si kastaba Hoggaamiyaha Dalka jabuuti ayaa hoosta ka xarriiqay ugu dambayn illaa Seddax Todobaad gudahooda inGuuto ciidamadooda ka tirsan ay ku gaarsiin doonaan Gobolada Dhexe si ay uga qayb qaataan dadaalka lagu doonayo in Shabaab looga saaro Goboladaas.
W/D Amiin Yuuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.