Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Sheekh Axmed oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Dayniile

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:

Muqdisho, December 27, 2013—–Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Askartii iyo dadkii rayidka ahaa ee maanta ku geeriyooday qarax ay kooxo dhagar qabayaal ahi ka geysteen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

cabdiweli29“Waa wax aad u foolxun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed isaga oo u rajeeyey dhamaan dadkii geeriyooday ee isugu jiray Askarta iyo rayidkaba in eebe Janaddiisa geeyo, inta dhaawacu gaareyna deg deg u bogsiiyo.

“Kooxaha argagixisada ah ma sii jiri karaan waqti dheer, maadaama afkaarta ay aaminsan yihiin ay tahay mid liddi ku ah Diinta Islaamka, dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed iyo damiirka bani’aadannimo” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli

Afhayeenka Xukuumadda

ridwaanhaji@gmail.com

Mob.+25261-6969105

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.