Home » News »

Dhowr Idaacadood oo sheegay in aysan ka mid ahayn Urur la sheegay in ay ku Midaysan yihiin Milkiilayaasha Warbaahinta Madaxa-Banaan ee Soomaaliyeed.

Wa-Ssaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu yiri “Anaga oo ah Idaacaddaha hoos ku saxiixan waxaan si cad u beeninaynaa in aanan ka mid nahay Ururka lagu sheegay in ay ku Midaysan yihiin Milkiilayaasha Warbaahinta Madaxa banaan ee Soomaaliyeed”

“Sidoo kale haddii aan nahay Idaacadahan waxaan ku faraxsanahay soona dhowaynaa cidkasta oo sameysata urur ay ku Midaysanyihiin, balse waxa muhiim ah in la sameeyo wadatashi buuxa” ayaa lagu sheegay War saxaafadeedkan.

Ugu dambeyntii waxaa baaqa lagu soo Gabagabeeyey “waxaan ugu baaqaynaa dhamaan Milkiilayaasha Xarumaha Warbaahinta Soomaaliyeed in ay kulan iskugu yimaadaan kana tashtaan dantood”

Idaacaddaha Warsaxafadeedka Soo saaray ayaa waxaa ka mid ah Radio Kulmiye, Radio Risaala, Kasmo, Xurmo, Gool FM, Radio Cabudwak, Mustaqbal Radio, Iftin Radio, Radio Galgaduud, STN Radio, Radio Codka Goboladda Dhexe, Radio Codka Mudug, Radio Warsan, Bulsho, iyo Radio Hiiraan-weyn

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.