Home » Maqaallo »

Radio Mogadisho: Ma Condka Dadkwaynahaa, Misa Waa Afka Dowlada U Adeega?

barre5Inta aan u guda gelin muhimada qoraalka, waxaa xusid mudam in la xuso dhamaan Suxufiyiintii Shabakada Radio Mogadisho iyo inta hoos imaata “Radio Mogadisho iyo SNTV”, ee ku dhawacmay, kuwa eheladoodii la dilay iyo kuwa naftoodii qaaliga ahayd ku waayey shaqada ay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed u balan qaadeen in ay u qabtaan. Iyaka oo aan marna dheg u dhigin cabsi gelinta cadowga. Sidoo kale, waxaa xusid mudan kuwa ilaa hada ka shaqada sii wada, inkasta oo ay shaqadoodi tahay, iyaga oo ku cisaaya halyeyadii naftooda ku waayey shaqada qaranka ay u hayeen. Aniguna waxay dhamaan ii yihiin “halyeeyo” ay taariikhdu xusi doonto, lakiin hadii ay madaxda Radio Mogadisho ay fursad u helaan qoraalkayga, fahmaana in ay muhiim tahay in la xuso Saxufiyiinta Soomaaliyeed ee naftooda u waayey shaqada qaranka, waa guul u soo hoyatay Suxufiyiinta Soomaaliyeed meelkaasta oo ay joogaan.

Marka aan u noqdo muhimada qoraalkayga, oo ah jawaab u helida cinwaanka aan ku bilowbay qoraalka. Inkasta oo uu Shabakada Radio Mogadisho iyo inta hoos imaata uu ka duwan waqtigii ay jirtay xukuumadii milateriga ahayd ee dalka ka talin jirtay intii uu san dhicin Dagaalkii Sokeeye. Hadana, waxaa dhawaanaahaan soo ifbaxaaysay in aragatida Radio Mogadisho laga qabo uu la mid yahay aragtadii ay dadwaynaha ka qabeen Radio Mogadisho waqtigii ay jirtay dowladii Militariga ahayd, sidiisiina ay xukuumada hada jirta gacanta ku hayso, isla markaana ay xuskuumadu u adeegsto Radioyaha sidii ay doonto. Waxay ila tahay in qoraalkaan uu yahay midkii ugu horeeyey ee ka hadla xornimada Suxufiyiinta Dowlada u shaqeeya, waxaana daliil u ah in Shabakada Radio Mogadisho iyo inta hoos imaata “Radio Mogadisho iyo SNTV” uu yahay mid xukuumada hada jirta faraha ku hayso, labada arinmood ee hoos ku qoran.

Mida koowaad, Shabakada Radio Mogadisho iyo inta hoos imaata oo ah halka Soomaalida meelkasta oo ay joogaan kala socdaan xaalka dalka, dowlada iyo xukuumada hada jirta. Waxaase wax la yaabo noqotay, markii uu Shabakada Radio Mogadish iyo inta hoos imaata ay si cad ka uga gaabsadeen in ay wax ka qoraan isqabqabsigii ka dhaxeeyey Ra’isal Wasaarihii uu Parliamentka Soomaaliyeed riday bisha December, 2013 iyo Madaxwaynaha dalka intaan ka ahayn waqtigii Ra’isal Wasaaraha la horgeeyay Parliamentka. Waqtigaas oo dadka Soomaaliyeed ay ka qaadanayeen arimaha la xariray is afgranwaaga Shabakadaha Wararka ee sida gaarka uleeyihiin shaqsiyaad Soomaliyeed. Kuwaas oo hada helaya kalsoonida dadwayaha, arinkaas oo xoojisay fikrada ah in Idaacadaha iyo Shabakadaha wararka ee sida gaarka loo yahay ay laga maarmaan yihiin.

Mida labaad, waxaad arkaysaa qoraalo ka hadlaaya xadgudubka lagu sameeyo Suxifiiyiinta Soomaaliyeed ee ka howgala Puntland, Somaliland iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mida oo Shabakada Radio Mogadisho dabacdo warakooda, iyada oo isla markaa ay Shabakada Radio Mogadisho ka gaabsato xadgudubka lagu eedeeyo Xukuumada hada jirta in ay u gaysato Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala meelaha Dowlada Federaalka hoostaga. Waxaana xusid mudan in wariyihii waraystay gabadhii la kufsaday la xiray. Fadeexadaas oo ay wax ka qoreen Suxufiyiin Soomaaliyeed iyo kuwa ajnabi ahba, iyada oo Shabakada Radio Mogadisho iyo inta hoos imaata ay ka gaabsatay in ay ka hadasho ama ay wax ka qorto arintaas.

Run ahaantii, howsha Shabakada Radio Mogadisho iyo inta hoos imaata “Radio Mogadisho iyo SNTV” weli fari kama qodna, kama soo kabsan weli waxyeeladii gaaray ama dib u dhacii ku dhacay intii uu socday dagaalkii sokeeye, se waxaan lagama maarmaan ah in Radio Mogadisho uusan u shaqayn sidii uu u shaqayn jiray waqtigii dowladii Militariga ka ahayd dalka talinaysay, waana in ay ahaataa Idaacadu ka madax banaan dowlada iyo xukumadaha isdaba jooga ah ee dalkeena soo maridoona mustaqbalka, madaama uu Shabakada Radio Mogadisho iyo inta hoos imaata ay yihiin Idaacad loogu talo galay arimaha Dadwaynaha, sida afka qalaad lagu yiraahdo “Public Radio and TV”. Hadii kale, waxaa ay Shabakada Radio ay dhumindoontaa kalsoonidii ay dadwaynaha Soomaaliyeed u hayeen, taas oo keeni karta in dadwaynaha ay wararka oo dhan ka raadsadaan hay’adaha wararka ee sida gaarka loo leeyahay oo hada faro kulul ku haya Shabakada Radio Mogadisho iyo inta hoos imaata “Radio Mogadisho iyo SNTV”.

Waxaa soo aruuriyey, iskuna soo duba riday qoraalkaa: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, saldhigiisu yahay Magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.