Home » Faallo »

IMAAM ABUU XANIIFA ( 3 )

6 –Abuu Xaniifa wuxuu lahaa Culumo ay isku waqti yihiin oo ay ka dhexayso Tartan iyo is riix riix ,taas oo ah caado Bani’aadamnimo oo ruuxu wuxuu xasdaa Ruux ka fiican ama uu niyadda wax uga qaadaa ,maadaama uu ka fiican yahay ama ka caansan yahay.

Taas oo ku bixisa in uu ximiyo ama xinsho aan iraahdo, Arrinkaasina waa arrin aysan ka nabad galin Ruux Allaah u gargaaray mooyee xataa Culumada.

Imaam ibnu Cabdi AL-bari wuxuu ku qoray kitaabkiisa Caanka ah ee ( jaamicul bayaanul cilmi ) fasal ku saabsan arrinka Tartan hoosaadka ka dhaxeeya Culumada waaweyn iyo waxa ka dhasha hadallada ay iska yiraahdaan.
Wuxuu soo aroorshay Haddalakii Ibnu Cabaas RC. Ee ahaa :

( Dhageysta Cilmiga Culumada se qaarkood qaarka kale hadalladooda ha u qaadina , maxaayeelay Allaah baan ku dhaartaye wey iska badbadal badan yihiin Orgiyo Xeradooda ku jira ) !!! . wuxuu kaloo soo qaatay hadalo ay isku tuurtuureyn Culumada dhexdooda sida hadalka uu Imaam maalik ka sheegay Mohamed ibnu Isxaaq taariikhyahankii weynaa oo aan loo qqadin iyo Hadalka Yaxya ibnu Maciin uu ka sheegay Imaam shaafici iyo hadalka Xamaad ka sheegay Reer Makkah iyo Sidoo kale Imaam Zuhri uu ka shegay Reer Makkah.

Wuxuu Imaam Abuu Xaniifa ka gaaray Cilmiga iyo Caqligaba meel la sheeg sheego oo uu aad warkiisa u faafay ,taas oo ku bixisay Culumaddii la waqtiga aheyd in ay meelaha uga sheekaystaan wax aan Imaamka ku habooneyn, sidoo kale waxay ku diri jireen Khaliifyadda ooy ka faafin jireen wax aan jirin, ilaa Abuu xaniifa ka sheegtay Qaadigii caanka ahaa ee Reer Kuufa C/raxmaan ibnu abii layla oo uu yiri : ( Ibnu Abii Leyla wuxuu iga sheegayaa wax aanan xayawaanka ka sheegi Karin ) !!!!.

7) Culumada waaweyn ayaa qaar ka mid ah ay Abuu Xaniifa wax ka sheegaan marka uu soo gaaro fataawadiisa oo ayaga ku khilaafaayo,markaas ayaa afkooda waxaa ka soo baxa waxyaabo ka soo horjeeda Fataawadiisaas, laakiin xaqa ayey u soo noqdaan marka ay asaga la kulmaan oo ay fahmaan meesha uu ka imaanaayo, waa marka ay arkaan Diintiisa iyo fahamkiisa ballaaran ayey taasi ku xanbaartaa in ay haddana Amaanaan.

Bal aan taas Tusaale ugu soo qaadano sheeko uu soo wariyey Qoraaga Kitaabka ( Al-khayraatul Xisaan ) oo ku saabsan in Imaam AL-Awzaaci in uu dhaliili jiray Imaam Abuu Xaniifa markii loo sheegay soo shaac bixiisa ,se uusana wali la kulmin, markaas ayuu mar ku yiri Imaam C/llaahi bin Mubaarak : ( yuu yahay mubtadacaan laga sheegay in uu Kuufa ka soo baxay ee la yiraahdo : Abaa Xaniifa???!!!

Imaam ibnu Mubaarak ma uusan jawaabin ee wuxuu kala hadlay Arrimo adadag oo Fiqhiga ku saabsan iyo sida looga jawaabaayo iyo Fataawigooda.

Markaas ayuu Imaam Awzaaci weydiiyey yaa fataawigaan iska leh ??? Markaas ayuu yiri Imaam Ibnu Mubaarak Shiikh aan kula kulmay Ciraaq .

Markaas buu Imaam Awzaaci yiri : Shiikha Fataawigaas iska lihi waa Shiikh Fiican ee badi ag fariisigiisa ( macnaa wax ka baro ) .
Markaas baa Imaam Ibnu Mubaarak yiri : Shiikhaasi waa abaa Xaniifa.
Muddo kadib ayey Awzaaci iyo Abuu Xaniifa ku kulmeen Makkah, ooy isla lafa gureen Masaa’il fara badan oo ka mid ah tii Ibnu Mubaarak u sheegay ,taas oo abuu xaniifa u caddeeyey Mowqifkiisa ,markii ay kala tageen ayaa Awzaaci Ibnu Mubaarak ku yiri : ( waan la yaabay Abuu Xaniifa cilmi badnaantiisa iyo Caqligiisa ballaaran , Allaah baanan u danbi dhaaf weydiinayaa awal Qalad baan ka fahamsanaa, ee Ninkaas la joog awal qalad baan ka fahmay ) .

Sidoo kale sida uu noo soo guurinaayo AL-Qaadi Ciyaad kitqabkiisa ( Al- madaarik ) Maalin ayey Magaallada Madiina waxaa wada kulmay Abuu xaniifa iyo Imaam Maalik , markaas ayaa kulankii waxaa ka soo baxay Imaam Maalik oo dhididaaya , markaas ayaa waxaa weydiiyey Imaam Leth ibnu Sacad ??waxaan arkayaa adigoo dhididaaya Maaligoow ???Markaas ayuu Imaam Maallik yiri : waxaa I soo dhididsiiyey Abuu Xaniifa , waa Nin Faqiih ah Leythoow .

Wuxuu yiri Ibnu Cabdi Al-Bari asagoo ka soo warinaaya Abuu Yusuf – Ardaygii Abuu Xaniifa – mar ayaa muxadithkii weynaa ee Al-Acmash ayaa i weydiiyey Mas’alo , anniga iyo asgoo kaliya ,markaas baan uga jawaabay,markaas buu I yiri: xaggee ka keentay jawaabtaas yacquuboow, : waxaan ku iri Xadiis aad adigu ii sheegtay,markaas baan xadiiskii u sheegay .
Markaas buu igu yiri : Yacquuboow Xadiiskaas waxaan xifdisanaa inta ay aabahaa iyo hooyadaa is guursan, mana fahmin micnihiisa ilaa haatan mooyee .

Wuxuu kaloo ku soo saaray sanadkiisa ilaa Cubaydulaah bin Cumar oo yiri : waxaan fadhiyey ayuu yiri majliska AL-Acmash markaas baa nin u yimid oo su’aal weydiiyey, ma u jawaabin ee wuxuu fiiriyey Abuu Xaniifa oo meesha fadhiyey oo ku yiri : Nucmaanoow bal ka jawaab : markaas buu yiri abuu xaniifa Qowlku waa sidaas iyo sidaa : xaggee ka keentay buu ku yiri ??? Xadiis aad adigu noo sheegtay , markaas buu AL-Acmash yiri :

( Annagu waxaan nahay Farmashiiste , Adinkuna Dhakhaatiir ) !!!
( Naxnu al-Sayaadilah wa antum Al-adh-dhibaa ) !!!!!.
Sidaas darted buu abuu xaniifa u yiri : ( Wuxuu la mid yahay Ruuxa Axaadiista baranaaya ee haddana aan fahmin macnahooda, sida Farmashiistaha oo kale ,wuxuu yaqaanaa Daawooyinka se ma yaqaano Cudurrada loo Isticmaalo ,ilaa uu u yimaado Dhakhtarku ,sidaas oo kale ayuu yahay Ruuxa Axaadiista barta se aan Aqoonin micnihiisa ilaa uu ka yimaado Ruux Faqiih ah oo u fasira ) !!!
Sidoo kale Safaradiisii waxbarasho aad iyo aad bay u fara badnaayeen,wuxuu Magaallada Basra galay tobaneeyo jeer,wuxuuna Magaallada Madiina galay tobaneeyo mar,wuxuuna magaallada Makkah ku nagaaday lix sano laga bilaabo 130 hijriyadda -136 Hijriyadda .Labadaas Magaallo ee Barkaysan wuxuu kula kulmay Culumadoodii ,wuxuuna Cilmigii Ibnu Cabaas RC ka qaatay Ardaydiisii,Cilmigii Cumar na RC ardaydii Cumar,sidoo kale Aalu Bayta ayuu wax ka qaatay sida Zeyd ibnu Cali Zeynul Caabidiin iyo Mohamed AL-Baaqir iyo Abii mohamed ibnu C/llaahi ibnul Xasan.
Wuxuu kaloo la sheegaa in uu xajiyey 55 xaj, intaan maqlay waxaa ka xaj badnaa Caalimkii weynaa ee Reer Makkah Imaam Cadhaa ibnu Abii Rabaax Raxmatullaahi caleyhi oo la sheegay in uu xajiyey 77 sano .
Labo tusaale ayaan ku soo khatimayaa Sida uu Abuu xaniifa Axaadiista qaarkeed u khilaafo asagoo daliil kale u haysta.
1) Abuu xaniifa ayaa wuxuu la kulmay Imaam Awzaaci markaas ayuu Awzaaci yiri : maxaad gacmaha kor ugu qaadi weysaan markaad Rukuucaysaan ama aad Rukuucda ka soo kaceysaan???Markaas buu Abuu xaniifa yiri: wax Xadiis ah oo Nabiga NNKH ka sugnaaday ma jiro ???Markaas buu Awzaaci yiri : maxaayeelay asagoo aan ka wariyey AL-Zuhri uu asaguna ka sii wariyey Saalim ,saalimna uu ka sii wariyey Aabihiis kadibna Nabiga NNKH In uu Nabigu gacmaha kor u qaadi jiray markuu salaada bilaabaayo iyo markuu Rakuucaayo iyo markuu Rukuucda ka soo kacaayo? Markaas buu yiri Abuu Xaniifa waxaan ka wariyey Xamaad, asaguna wuxuu ka wariyey Ibraahiim ,asaguna wuxuu ka sii wariyey Caqlamah & ASwad ,waxayna ka sii wariyeen C/llaahi Ibnu Mascuud oo asaguna ka wariyey Nabiga NNKH ma uusan aheyn mid gacmihiisa kor u qaada gacmihiisa ilaa salaadda bilowgeeda mooyee,mar kalena koru ma qaadi jirin.
Markaas buu Awzaaci yiri : waxaan kaaga sheekeynayaa AL-Zuhri can Saalim can ibnu Cumar ???markaas baad iila imaneysa Xammad can ibraahiim ???Abuu xaniifa ayaa yiri : Xammad wuu ka faqiihsan yahay AL-zuhri,Ibraahiimna wuu ka faqiihsan yahay Saalim,Calqamahna ibnu Cumar kama liito,inkastoo ibnu Cumar uu ahaa Saxaabi ,haddana Caqlamah wuxuu leeyahay fadli badan.
Awzaaci baa iska aamusay.

2) Marna Sufyaan ibnu Cuyeyna Muxadithkii weynaa ayaa la kulmay abuu Xaniifa oo ku yiri : Ma runbaa in aad Dadka u fitwooto in labada Ruux ee wax kala gata in aysan Khiyaar Beec laheen haddii ay warka Beeca ka gudbaan oo sheeko kale galaan,inkastoo ay wali isla joogaan meel qudha ??? Markaas ayuu Abuu Xaniifa yiri : Haa ,markaas buu Sufyaan yiri: see Camal ayadoo uu jiro Xadiiska Nabiga ka sugnaaday NNKH ee ahaa : Labada Ruux ee wax kala gataa khiyaar beec bay leeyihiin inta aysan kala tagin ???
Abuu Xaniifa ayaa la soo booday ka waran haddii ay Markab wada saran yihiin oo safar dheer ay ku jiraan,bal ka waran haddii ay ku wada jiraan xabsi, ka waran haddii ay safar dheer ku wada jiraan ???see ku kala tagaayaan
Waad u jeedaa Abuu xaniifa xadiiska ma diidin se si kale ayuu u fahmay kala tagista ??wuxuu u fahmay markii ay hadalka beecaba dhameystaan wey kala tageen haddiise laga wado in jirkooda kala tago ,waxaa dhici karta in aysan kala tagi Karin sida kuwuu soo sheegay oo kale .
Haddaba Akhristoow waxaan Qeybtaan ku soo gabagabeynayaa in Dadka ka soo horjeeda Imaam Abuu Xaniifa ay iskugu jiraan dhawr nooc :
1) Culumo uu Tartaan ka dhaxeeyo oo xasdaaya ama cilad u raadinaaya.
2) Culumo aan la kulmin oo kuturikuteen ka soo gaaray ,se markay la kulmeen u qiray Imaamnimadiisa & fiqhigiisaba.
3) Culumo aan fahmin waxa uu xadiisyadda qaarkood u diidaayo,se u garaabay markay maqlaan dhirinririntiisa .

Waa inoo qeybta ugu Danbeysa oo aan ku soo qaadan doono labo waxyaabood oo lagu eedeeyey Abuu Xaniifa ,se labaduba ay been laga faafiyey ay yihiin .
saahid1
FII AMAANI LAAH .
Shiikh Saahid Mohamed Yusuf
USA,GOBOLKA VIRGINIA.
sahidyusuf@yahoo.com
Al Mutakhsis FIl Xarakaat AL-Islaamiyah.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.