Home » Warar »

Milkiilayaasha Warshad Sameysa Qalabka Dhismaha oo Sheegey in Burburin loo Geystey Hantidii Warshadda , Baaqna u Direy Dowladda Federaalka

Shir Jaraa’id oo uu Magaalada Muqdisho ku qabtay Maamulaha Shirkadda Qalabka Dhismaha ee Rajo ayuu ku faah faahiyay dacwad dhex martay Maamulka iyo dad hore si qalad ah uga kireeyay Xarunta Warshadda Qalabka dhismaha ee Rajo.

Cabdicasiis Maxamed Xasan (Dhagaweyne) oo ah Milkiilaha Warshad soo saarta qalabka dhismaha oo ku taala Degmada waaberi ayaa sheegay in hadda ka hor heshiis ay la galeen rag ka kireeyay dhismo ku yaala degmadaas iyadoo ay heshiis kala qorteen isla markaan ay horumariyeen kiradii lagu heshiiyay.

somali123Cabdicasiis oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in markaas kaddib la isku qabsaday Dhulkaas, markii Maxkamadda Gobolka la geeyeyna dhulkii loo xugmiyay Raggii danbe ee soo sheegtay lahaanshaha dhulkaas

Milkiilaha Warshadda ayaa sheegey intaas kaddib in ay dooneen inay heshiis cusub la galaan qoladii dambe hase yeeshee ay arrintaa diideen kuna adkaysteen in Warshadda laga raro halkaa waliba muddo gaaban looga raro.

Arrintaas ayuu sheegay Milkiiluhu in ay Maxkamadda Gobolka u gudbiyeen si muddo loo siiyo maadaama qalabka warshadda ku rakiban uu yahay mid culus isla markaana aan lagu deg degi karin fur furiddiisa iyo rariddiisa taasoo Maxkamaddu ay ku gacan seeyrtay.

Cabsicasiis Maxamed Xasan ayaa sheegay in arrintaasi ay keentay in Maxkamddii ciidan amarto isla markaana Qalabkoodii qaar ka mid ah markii la fur furi waayay in la bur buriyay halkaasna uu ka soo gaaray khasaare ballaaran arrintaas oo xad gudub ku ah Hantidooda.

Milkiilaha shirkaddaas ayaa sheegey in iminka lagala wareegay Qalabkii iyo Alaabtii kale oo halkaa u taalay iyagiina loo diiday in ay halkaa ku laabtaan arrimahaas oo dhammaantooda uu ku eedeeyay in ay ka dambaysey Maxkamadda Gobolka Banaadir oo diidday inay tixgeliso codsigoodii ahaa in la siiyo muddo ay qalabkaas ku furaan maadaama Engineerkii rakibay uu dibadda jiro.

Ugu dambayntii ayuu Milkiiluhu baaq u diray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Barlamaanka iyo wax garadka isagoona ka codsaday in ay soo fara galiyaan go’aanka aan naxariista lahayn ee Maxkamaddu ka gaartey Dacwadooda iyo burburka loo gaystay Hantidooda , ka dib waxay Saxaafadda u qabiyeen War-Saxaafadeed wuxuuna u qornaa Sidatan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

WAR-SAXAAFADEED 24/12/2013

Annagoo ah Milkiilayaasha Shirkadda Rajo Construction and Transportation co. ltd ayaa sanadkan horraantiisii waxaa shirkada loo kireyay dhul ku yaalla Xaafadda Waaberi agagaarka Dugsiga 21 oktoobar, waxayna xilligaas ay Shirkadda Rajo keentay Warshad samaysa Bulikeetiga Casriga ah iyo dhagaxa loo yaqaan Inter-logga ee lagu sameeyo waddooyinka, waxaana rakibideeda laga maray culays aad u fara badan, waxaana la keenay Engineero u dhashay dalka China kuwaaso muddo 2 bilood ah u joogay inay rakibanaan shaqaalahana tababaraan.

Intii aan la rakibin Warshada ayaa waxaa milkiilayaasha Shirkadda Rajo Construction and Transportation ay heshiis la galeen ciddii markaas lahayd booska lagu rakibay warshadda, waxayna labada dhinac ku heshiiyeen in dhulka ay shirkadda Maalgeliso mudo hal sano ah loo shubo wixii qarashaad ah oo kireynta dhulkaas ah.

Intaas kaddib waxaa dhacday in dhulkii Warashaddu ku rakibnayd oo ay shirkaddu ku shaqaynaysay in qof kale uu sheegto dacwadna ka furo , wixii ay dacwaddu socotaba ugu dambayntii oo ku aaddanayd bishii aynu soo dhaafnayd dhammaadkeedii waxay maxkamaddii ugu dambaysay soo go’aamisay in dhulkaasi loo xukmiyo qoladii aan ka kireysanay mooyee qoladii kale, markii uu xukunkaasi dhacay ayaa waxaan go’aansanay in aan qolada cusub ee dhulka loo xukmiyay aan heshiis cusub la galno oo aan dhulkaas uga kireysano, nasiib wanaag waxay noo sheegeen inaysan guriga naga kireynaynin oo aan uga guurno, waxaan ka codsanay inay na siiyaan muddo 6 bilood ah maadaama ay warshaddu tahay warshad weyn oo u baahan in Engineeridii horey u rakibay dib loogu soo celiyo si dhulka kale oo warshaddu degayso ay ugu rakibaan, muddadii aan ka codsanay qoladii loo xukmiyay way naga diideen oo muddo toddobaad ah waa inaad nooga guurtaan ayay nagu yiraahdeen.

Maadaama waan waan iyo si walba ay nooga diideen ama inay naga kireeyaan amaba ay waqti na siiyaan waxaan isku daynay bal in aan u marno habka cadaalada iyo maxkamada, waxaan qabsanay Qareen waxaana markiiba warqad u qornay Maxkmadda Gobolka Banaadir si ay noo siiso waqti ku filan oo aan ku guuri karno, nasiibdarro waxaa dhacday in iyadoo aysan maxkamaddu na dhageysan ay diidmo na soo siiso iyadoo leh waa inaad si degdeg ah uga guurtaan.

Intaas kaddib kama aanan daalin in qoladii guriga loo xukmiyay aan xeerjabab iyo heshiis lagu dhammeeyo oo waxaan u dirnay ergo 3 dhinac ka kooban, waxaana shirkadda go;aan ku gaartay in sida suurtgalka ah ee macquulsan inay kaga guurto dhulkaas, markii aan isu diyaarinay shaqooyinkii iyo waxsoo saarkii ay warshaddu haysanay aan joojinay, maadaama China inay Engineero ka yimaadaan aysan sahal ah muddan qaadanayso waxaan go;aansanay in aan keeno Engineero Kenyaan ah si ay mar kale u rakibaan warshadda, iyadoo hawshu halkaas inoo marayso ayaa waxaa dhacday in Shalay ciidan fara badan oo wata wiishash ay yimaadaan xarunta Warshada dabadeedna ay Matooradii warshada, qalab kale oo warshadu lahayd iyo sidoo kale qayb ka mid ah warshada oo furideedu sahlanayd ay halkaas ka qaataan maadaam Warshadu ay weyn tahay iyadoo isku rakibana aysan suurtogal ahayn in la qaado, qalabkaasna meel ay la aadeen ma garanayno oo cid nagu war gelisay ma jirto, waxaa kaloo la yaab lahayd in si gardarro ah uu u xiran yahay Waardiyihii warshada waardiyaynay.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir baaq uu horay u jeediyay sanad iyo bar ka hor oo uu ku yiri; qurbajoogta waxaana ka codsanaynaa in dalkooda ay maalgashi ku sameeyaanm, weliba gaar ahaan wuxuu baaqu si gaar ah ugu jeediyay in dalka la keeno warshadaha si uu dalka dib ugu dhismo. Isagoo weliba ballanqaad u sameeyay inuu siinayo dhul ay dowladdu leedahay oo warshadahaas lagu rakibo”, annagoo ka duulayna baaqa gudoomiyaha Gobobolka Banaadir, Mudane Tarsan ayaan keenay Warshadaas si aan uga qayb gaadano dib u dhiska dalka.

Haddaba nasiib darro waxaa dhacday in amarka warshada lagu burburiyay uu ka yimaado Isla guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Tarsan.

Waxaan halkaan ku soo bandhigaynaa Documentigii guriga noola kireeyay, Dacwaddii aan Maxkamada Gobolka Banaadir uga codsanay in muddo aan warshada ku furfurano oo aan ku guurno na siiso iyo warqaddii ay maxmakadda noogu diiday inay waqti na siiso, sidaas darteed waxaan dowladda, Baarlamaanka, shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba u sheegaynaa in nala ogaadaan dhibaatada na haysata, gaar ahaan waxaan baaq u jeedinaynaa ganacsatada qurbo joogta ah ee jecel inay dalkooda maalgashi ku sameeyaan aysan ku kedsoomin oo wixii nagu dhacay ay iyagana ku dhicin si aad ah uga foojignaadaan.

Waxaan si gaar ah baaq ugu diraynaa Xukuumadda iyo Baarlamaankaba inay arrintan baaritaan ku sameeyaan guddina u saaraan xaqiiqada dhabta ah ee jirta markii ay ogaadaana ay go’aanka ku habboon uga gaaraan.

Waxaan Rajaynaynaa in Baaqeena la tixgelin doono.

Guddoomiyaha Shirkada Rajo Construction and Transportation Co. Ltd

Abdiaziz Mohamed Hassan

Maamulaha Shirkadda

Abdikarim Maxamuud Ibraahim.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.