Home » Warar »

Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha Cusub ka jeediyay Golaha Baarlamaanka

Munaasabadda Ansixinta iyo dhaarinta Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbad waxaa ka jeediyey ra’iisul wasaaraha cusub… 

Warsaxaafadeed: 

Khudbadda His Excellency Abdiweli Sheikh Ahmed,
Raiisulwasaaraha Jamhuriyadda Federalka Somalia
Munaasabadda Ansixinta iyo dhaarinta R/wasaaraha

abdiweli13Muqdisho 17/12/2013

Bismillahi R’axmani R’axiim.

Mudane Guddoomiye,

Guddoomiye ku xigeenno,

Xildhibaannada sharafta leh,

Masuuliyiinta iyo marti sharafta kale

Assalaamu Calaykum Warraxmatullahi Wabarakaatuhu

Alankiiaa aha, alankii arlaada aha, jameecadiya ha ku jeeda, saacadun walaagi ka bilowda elbaabkey siin furanya sommali dhanna in furan ya. Salaan badanaa siin salamahaya waana mahadsan tiin.

Waxaa maanta sharaf weyn ii ah inaan hortiinna imaado si aan u helo codkiinna kalsoonida aad ku ansixinaysaan magaaabista uu Madaxweynaha Jamhuuriyaadda Federaalka Somalia ii magaacabay xilka Ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federalka Somalia.

Golahani oo ah golaha sharci dejinta oo metala shacabka Somaliyeed kuna dhaqmaya awoodda uu siiyey dastuurka.

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Haddii aan helo kalsoonidiina maanta, waxaan ballanqaadayaa inaan noqdo raiisulwasaare soo dhisa xukuumad ka ballaaran tii ka horreeysey, xukuumaddaas oo leh tayo aqooneed, hufnaan, karti waxqabad iyo matalaad shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan.

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Aragtida xukuumadda aan soo dhisi doono, haddii aan helo kalsoonidiina, waxaa saldhig u ah abuurid soomaaliya cusub oo nabad ah, kula nool nabad iyo xushmad deriska iyo dunida kalaba. Soomaaliyada cusub waxay ku dhisan doontaa diimoqraadiyad ku salaysan hanaanka federaalka. Aragtidaas waxaa saldhig u ah lixda tiir ee siyaasdda uu hoggaminayo dalka Madaxweynaha JFS

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Dhibaatooyinka iyo caqabadaha dalkeena haysta ama hortaagan maanta waad la wada socotaan haddii ay tahay xag nabadgelyo, siyaasad, ijtimaaci, baniiaadnimo iyo ku fidinta awoodda dowladeed degmooyinka iyo gobollada.

Ujeedada guud ahaan ee dowladda waa dhisid qaran ku dhisan sharci, kala dambayn iyo mabaadii’da dowlad wanaagga si waafaqsan dastuurka ku meel gaarka ah iyo xeerarka dalka, kobcinta dhaqalaha iyo kor u qaadista dakhliga dowlada iyo ilaalintiisa, dib u heshiisin dhab ah, tayeynta Ciidamada nooc kaste oo ay yihiin, baabi’inta caddaalad darada iyo dib-ula soo noqoshada qaranimada Soomaaliyeed.

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Ujeeddoyinka aan soo sheegay waxay ku salaysan yihiin ayadoo la lafaguray, lana tixgeliyey xaaladda hadda dalku marayo iyo hiigsashada barnaamijka ina gaarsiin kara 2016. Mudnaanaha lagu gaarayo ujeedooyinkaas oo aan ku tifaftiri doono barnaamijka xukuumadda aan golahaan soo hordhigi doono haddii kalsoonidiina is siisaan maanta, haddii eebbe idmo, waa sida soo socota:

1. Sugidda Amniga iyo xasilinta Dalka. 

Xukuumadda aan soo dhisayo waxa ay mudnaanta kobaad siin doonta xooggana saari doontaa sugidda amniga iyo xasilinta dalka taas oo aan la’aanteed aanay suura galayn wax horumar ah, dhaqaale kobcin iyo adeeg bulsho. Siyaasadda amniga ee xukuumadda aan soo dhisayo waxay ku slaysan thay la dagaalanka argagixisada, xagjirnama, burcad badeedka, khilaafaadka hubaysan ee beelaha, burcadnimada iyo falalka kale ee qaranimadeena wax yeelaya (crimes against the state) Si ujeedooyinkaas looga gun gaadho waxay xukuumaddaydu ku dhaqaaqi doontaa haddii eebbe idmo:

· Dib-udhiska ciidamo muuqaal qaran leh, ha noqdaan kuwa nabadgelyada boliiska, asluubta iyo xoogga dalka sommaliyeed kuwasoo oo hanan kara kalsoonida shacabka Soomaaliyeed kuwasoo tayeysan, tababran hoggan suubanna leh.

· Waxay xukuumaddu u hawl gali doontaa agaanshaha tirada iyo tayada ciidamada aan xusay ee hadda jira. Xukuumaddu waxay joogtaynaysaa waxa allale wixii xuquuq ah ee ay mudan yihiin ciidamada.

· Xukuumaddu waxay dib u habaynbaysaa hayadaha amniga heerarka kala duwan. Hayadahaas waxaa saldhig u noqon doona shaqo qaybsi cad, wada shaqayn dhab ah, laxisaabtan iyo u adeegidda bulshada

· Xukuumadaydu waxay ku dhaqaaqaysaa hub ka dhigista iyo dhaqan celinta malleshiyaadka ayadoon la aqbali doonin ciidamo hubaysan oo ka baxsan ciidamda qalabka sida ee dowladda.

· Sidoo kale xukuumaddu waxay qorshe u dejin doontaa in ay gacanta ku dhigto aagagga ay ku sugan yihiin xoogagaga nabad diidka nooc kastoo ay yihiin anagoo kaashanayna saaxiibdayada AMISOM iyo beesha caalamka.

· Xukuumaddu waxay la shaqaynta doontaa dhamman qaybaha bulshada, si ay gacan wax ku ool ah uga gaystaan sugidda amniga iyo xasalinta dalka taasoo dantoodu and tan dalkuba ku jirto.

· Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay soo dhawayso cid allale ciddii ka soo noqonaysa xagjirnima oggolna jiritaanka qaranimada soomaliyeed iyo ku dhaqanka diinteena suuban ee saxda ah.

· Xukuumaddu waxay wacyi gelin doontaa dhallinyarada fekerkooda la khalday waxayna u fidin doontaa gacan horumarineed sida tababar xirfadeed, fursado shaqo iyo wixii kale ee ku dhiirigelinaya in ay ku soo biiraan bulshadoodii.

· Xaga amniga Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay xoojinaynaa Iskaashiga iyo wada shaqaynta dalalka deriska iyo beesha callamka.

Dhaqaalaha:

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Haddii aad isiisaan codkinna maanta xukuumadda aan soo dhisi doono waxay noqon doontaa mid ku shaqaysa siyaasad furfuran oo dalka u horseedi karta koboc dhaqaale taasoo door weyn ka qaadanaysaa dib-udhiska iyo xasilinta dalka. Si aragtidaasu u hirgadsho xukuumaddu waxay ku dhaqaaqi doontaa tallaabooyinkan.

· Diyaarinta shuruucda iyo siyaasadaha lagu maamulayo dhaqaalaha iyo maaliyadda oo tifaftiran oo ay ka mid yihiin xeerarka iyo siyaasaha canshuur ururinta, maareynta daklinga dowladda iyo maalgelinta.

· Xukuumadaydu waxay u hawl geli doontaa dhisidda iyo tayeynta hayadaha lafdhabarka u ah dhaqaalaha iyo maaliyadda sida bankiga dhexe, hantidhowrka guud, xisaabiyaha guud iyo hayadaha kale ee lagamamarrmaanka ah.

· Xukuumaddu waxay dhiirigelinaysaa waxsoosaarka iyo suuqgeynta beeraha xoolaha iyo kallunumysiga si kor loogu tayada nolosha dadweynaha.

· Xukuumaddaydu waxay abuuri doontaa mashaariic keeni karta shaqo abuur ayadoo looga faaiideynayo shacbiga gaar ahaan dhalinyarada, haweenka iyo barakacayaasha dalka gudihiisa.

· Xukuumaddu waxay dhiirigelinaysaa baarista iyo soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee dalka ayadoo laga baaraandegayo qaabka ugu haboon ee lagu gaari karo ujeedadaas waafaqsana shuruucda.

· Xukuumaddaydu waxay fulin doontaa barnaamijka “New Deal compact programme” iyadoo la sugayo tayada barnaamijka si shab ahana loola xisaabtamayo hayadaheena u xilsaaran iyo deeqbixiyayashaba.

Siyaasadda Arrimaha Dibedda

Ujeeddada xukuumadayda ee ku aadan arrimaha dibedda waxaa sal u ah soo celinta siyaadada iyo sharafta dalkeena. Si loo gaaro gaaro taa:

· Xukuumadaydu waxay ku shaqayn doontaa siyaasad furfuran oo ku dhisan is ixtiraam, is xaqdhawrid iyo faragelin la’aan.

· waxay wada shaqayn buuxda la yeelan doontaa dhammaan dunida gaar ahaan dalaka aynu saaxiibka nahay iyo ururada aynu xubinta ka nahay.

· Xukuumaddaydu waxay dhowri doontaa dhamman heshiisyadii hore loo galay hadii ay waafaq san yihiin dastuurka iyo shuruucda dalka.

· Xukuumaddu waxay tayeyn doontaa adeegyada diblomaasiyadeed ee qaranka.

Siyasadda Arrimaha Gudaha

Hawlaqabadka xukuumadayda ee arrimaha gudaha waxaa bartilmaameed u ah dib-u-heshhissin dhab ah, xiriir wada shaqayn ee u dhexeeya gobollada iyo dawladda oo ku dhisan hannanka federaalka iyo higsashada doorashooyin xor ah.

· Xukuumaddu waxay ka shaqayn doonta sii xoojinta iyo horumarinta haykalka dawliga ah iyo kan dastuuringa waxayna si dhaqsa ah ugu hawlgalaysa soo jeedinta dhismaha guddiyada dastuurku idmay ee aan weli la dhisin.

· Xukuumadaydu waxay soo jeedinaysaa dib u eegista dastuurka qabyada ah waxayna diyaarin doontaa aftida loo qaadi doono dastuur dhamaystiran dhammadka 2015

· Xukuumaddu waxay soo jeedin doontaa shuruucda lagu maamulayo qabashada doorasho xor ah oo madax bannan sannadka 2016.

· Xakuumaddu waxay horseedi doontaa gaarsiinta dalka hanaanka federaalka ayadoo lagu dhaqmayo dastuurka iyo shuruucda dagsan

· Xukuumaddu waxay u hawlgeli doontaa helitaanka hannan xiriir iyo wadashaqayn ka dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulada gobolada ayadoo loo marayoo wadada wada tashiga.

Arrimaha Bulshada:-

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Haddii aad codkiinna maanta I siisaan; waxa aan soo dhisi donaa xukuumad kor u qaadda adeegga bulshada dalka.

Siyaasadda xukuumadaydu waxay noqon doontaa in la gaarsiiyo shacbiga Soomaaliyeed adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, isboortiga shaqo abuurista iwm. Si taa loo gaaro xukuumaddu waxay ku tallabsanaysaa

· Gacan ku soo celinta, dib u-dhiska iyo tayaynta xarumaha adeegyada bulshada sida isbitaalada, waxbarashada iyo isboortiga

· Dib-u-habaynta shuruucda saameysa dhammaan laamaha adeegga bulshada.

· Dib u-dhiska iyo dib-u-habaynta hayadaha adeega bulshada ha noqdaan kuwa dowladda iyo kuwa gaarka ahba

· Xoojinta iskaashiga adeegga bulshada ee aynu la leenahay dunida iyo toosinta maamulkooda.

Kobcinta kaalinta qaybaha bulshada. Xukuumaddu waxay ka hawlgeli doontaa

· Xoojinta kaalinta ururada bulshada rayidka ah, haweenka, dhallinyarada iyo naafada ay ka qaadanayaa arrimaha siyaasdda, mujtamaca iyo dib-udhiska dalka iyagoo u madax bannaan hawlahooda.

· Xukuumaddaydu waxay fiiro gaar ah u yeelanaysaa waxna ka qabanaysaa dhowrista xuquuqda kooxaha jilicsan ee bulshadeena sida haweenks, caruurta, da’ weynta naafada iwm

· Xukuumadda waxay hawlgelinaysaa guddiga madaxa bannan ee xuuququ insaanka

· Xukuumaddaydu waxay kor u qaadaysaa kaalinta oday dhaqameedyada, culuma-u-diinka iyo indheer garadka. Sidoo kale xukuumaddaydu waxay dhiirigelin doontaa warbaahinta xorta ah oo ku dhisan dhaqan saxaafadeed suuban (code of conduct)

· Xukuumaddaydu waxay balan qaadaysaa inay difaacdo xuquuda shaqaalaha iyadoo dib u habayn doonta oo dhaqan doonta shuruuc ku saabsan arrintaas

· Xukuumada waxay xoojin doonta daryeelka iyo dib udejinta barakacayaasha gudaha, isla markaana waxay xil adag iska saari doonta maareenta habsami u soo noqoshada iyo dib u dejinta qaxootiga somaliyeed ee dalka dibeddisa

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Addeegga Garsoorka: Dowladda aan dhisi doono haddii aad i siisaan codka kalsoonida waxay ku dadaali doontaa inay xaqiijiso in muwaadhinku helo adeeg garsoor oo ku dhisan caddaalad cid walba u siman tahay qofna qof kale ka sarayn qanuunka hortiisa. Si taa loo gaaro,

· Waxay xukuumaddaydu dib u habayn doontaa si dhaqsi ah kaabayaasha garsoorka sida maxkamadaha, xeer ilaalinta, booliiska dembiyada baara, xabsiyada iyo xubnaha garsoorka.

· Xukuumaddu waxay xuli doontaa garsoorayaal caddaalad ku shaqeeya oo lagula xisaabtamo hufnaatooda ayadooxukuumaddaydu aqoonsan kala qaybsanaanta awoodaha qaranka (separation of powers) sida ku qeexan dastuurka.

Deegaanka iyo Biiadda.

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Waxaad la socotaan xaalada murugada leh ee ay sugan tahay bii’adeena taasoo ay tahay in deg deg wax looga qabto. Xukuumaddada, haddii aad kalsoonida i siisaan waxay soo jeedin doontaa shuruucda ka hortagga xaalufinta deegaanka iyo bii’adda.

Deegaameynta Hayadaha Dowladda

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Xukuumaddaydu haddaad I siisaan kalsoonida waxay qorshe u dejinaysaa in hayad waliba ku noqoto xarunteedi hore. Arrintaas oo fududeynaysa gaarsiinta adeegyada degmooyinka kala duwan ee dalka islamarkaana wax weyn ka beddeli karta arrimaha la xiriira nabadgelyada.

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

Waxaan intaas kusoo koobayaa aragtidayda siyaasadeed ee xukuumadda aan si dhisi doono ay ku shaqayn doonto haddii ay hesho kalsoonidiina.

Waxaan mudanayaal idiin ballanqaadayaa haddi ilaah idmo in xukuumaddaydu noqoto mid fulisa dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee uu ansixiyo golahaan.

Waxay xukuumaddaydu noqon doontaa mid u dhega nugul kormeerka iyo la xisaabtanka (oversight and accountability) ee golahani xaqa dastuuriga ah u leeyahay.

Waxay si dhaw ula shaqayn doontaa xukuumadeydu guddiyada kala duwan ee baarlamaanka si loo dedejiyo mashruucyada sharciyeed iyo heshiisyada xukuumaddu hor keeni doonto golihiinaan sharafta leh.

Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh

waxaan si xushmad leh idiinka codsanaynaa in aad I siisaan iiguna deeqdaan kalsoonidiina buuxda si aan u soo dhiso xukuumadda iyo barnaamijkeeda aan idiin horkeeni doono sida ugu dhaqsiiyaha badan.

Waad mahadsantihiin, WABILLAHI TOWFIIQ

20 ka December 2013

Mudane: Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed
Riisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya

Ansixintii Baarlamaanka ee Ra’iisul wasaaraha Cusub.. AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.