Home » Warar »

Baarlamaanka Soomaaliya oo daahfuray Dhageysiga Guuxa Dadweynaha

Warsaxaafadeed ka soo baxay baarlamaanka DFS ayaa u qornaa sidan:

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Dhageysiga Guuxa Dadweynaha ee Golaha Shacabka ayadoo kulankanna uu Gudoonka Baarlamaanka ku marti qaaday Boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir ayadoo sidoo kalena kulanka ay ku sugnaayeen gudoomiyeyaasha gudiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka daahfurka Dhageysiga Guuxa Dadweynaha ee Golaha Shacabka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir oo uu hogaaminayey Ku Simaha Gudoomiyaha Gobolka ahna Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Mudane Warsame Maxamed Xasan (Joodax),Afhayeenka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Yuusuf Cusmaan,Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khdubad ka jeediyey furitaanka kulanka ayaa sheegay in kulankan loogu magac daray Dhageysiga Guuxa Dadweynaha ay ansixiyeen Xildhibaannada Baarlamaanka ujeedada ka dambeysana ay tahay in Golaha Shacabka uu dhageysto islamarkaana uu ogaado guuxa dadweynaha,dhaliilaha ay Baarlamaanka u hayaan iyo sida ay jeclaan lahaayeen in Golaha Shacabku u shaqeeyo waxaana uu ka qeybgalayaasha ku wargeliyey iney xor u yihiin aragtidooda maadaama ay fadhiyaan Golahooda Shacabka oo qof walba uu ka hadlo waxa uu tabanayo.

“maanta idinka ayaa la idiin dhageysanayaa qof walba maadaama uu fadhiyo kursi Xildhibaan waxa uu heystaa Xasaanad u ogolaaneysa inuu ka hadlo wax walba oo uu tabanayo,wax dhaliillo,talana noosoo jeediyo, waxaan doonayaa inaan halkaan uga mahad celiyo Shacbiga Soomaaliyeed oo aad idinku ugu horeysaan sidii qiimaha laheyd ee ay codsigeenna ugu hogaansameen ee la xiriiray ineey nagu kalsoonaadaan runtii kalsooni ayey noo muujiyeen anaguna Alle wuu nala garab galay gudashada waajibaadkeenna”ayuu ku yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka khudbaddiisa furitaanka.

 

somali118

Markaasi kadib waxaa kulanka ka hadlay shacabkii kala duwanaa ee kasoo qeybgalay ayaga oo si guud uga mahad celiyey Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada sida ay dadweynaha ra’yigooda fursad u siinayaan waxaana ay dadweynihii kulanka ka hadlay soo jeediyeen dhaliillaha soo socda ayagoo sidoo kalena soo jeediyey tallooyin:-

In Xildhibaannadu ay joogteeyaan islamarkaana ay badiyaan la socodka xaaladaha dadweynaha ayadoo la kordhinayo booqashooyinka gobollada iyo degmooyinka Dalka.

In Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanku aanay si buuxda u fulin la socodka baahida bulshada iyo la tashiyadadooda ayagoo si gaar ahna dhaliil ugu jeediyey gudiyada Arrimaha Bulshada, dib u eegista Dastuurka iyo Garsoorka waxaana ay soo jeediyeen iney howlahooda laba jibaaraan.

In Xildhibaannada iyo Gudoonka Baarlamaanka ay si deg deg ah ugu kuurgalaan gobollada ay ka jiraan dagaal beeleedyada sida Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe iyo hiiraan.

Su’aallaha ugu waaweyn ee ay dadweynuhu usoo jeediyeen gudoonka Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ahaa?

Xiriirka u bilowday Baarlamaanka iyo shacabka masii socon doonaa?

Maxey inta badan xubnaha Wasiirrada ah ee Baarlamaanku ansixiyo dibadda uga yimaadaan?

Baarlamaanka soo soocda ee bedeli doona Golaha Shacabka hada jira ma odayaasha dhaqanka ayaa soo xulaya ?

Yoolka Baarlamaanka uu hiigsanayo 2016 muxuu yahay?

Sidee Baarlamaanka iyo shacabka uga wada shaqeyn karaan la dagaalanka Qabyaalada?

Si loo gaaro 2016 qaab noocee ah ayuu Baarlamaanka ula xisaabtamayaa Xukuumadda?

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka jawaabay su’aallaha ay dadweynaha soo jeediyeen ayaa tilmaamay in yoolka Baarlamaanka uu yahay in dalkan ay ka dhacdo 2016ka Doorasho waxaana uu rajo ka muujiyey Baarlamaanka bedeli doona Golaha Shacabka ee hada jira inuu noqdo mid ay dadweynaha soo doortaan,arrimaha ku saabsan dagaal beeleedyada ayuu Gudoomiyuhu tilmaamay in gudiyo loo saaray ilaa xalayna ay Madaxda sare ee Dalku ka arinsanayeen xalkooda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhinaca kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay la dagaalanka Qabyaaladda si dalkan ay dowladnimadiisa usii xoogeysatana ay lagama maarmaan tahay in si Soomaalinimo ah ayadoo qabyaalad aan wax lagu raadin loo wada guntado dowladnimada dalka waxaana uu ballan qaaday in la joogteyn doono kulamada noocan ah ee uu Baarlamaanku ku dhageysanayo Guuxa Dadweynaha.

25ka bishii November ee sanadkan ayaa Xildhibaannada Baarlamaanku cod caqlabiyad leh ku ansixiyeen in Baarlamaanka bishii hal jeer uu qabto kulan uu ku dhageysanayo guuxa dadweynaha ayadoo kulanka daahfurka Dhageysiga Guuxa dadweynaha ee maantana uu kusoo gebageboobay jawi wanaagsan waxaana xubno u hadlay maamulka gobolka Banaadir iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka ay aad u ammaaneen qabashada kulamada uu Baarlamaanku kula soconayo rabitaanka shacabka.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.