Home » Faallo »

Doodda Soomaalida iyo Damaca Shisheeyaha

Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com
Facebook.com/abuuxafsa

Magaciisa waxa la yiraahdaa Mike. Waxa uu yahay macalin jaamacadeed. Waxa uu baraa taariikhda bariga iyo bartamaha Afrika. Waxa uu aad u xiiseeyaa Soomaaliya iyo Soomaalida in uu xog badan ka ogaado. Wax badan ayuu ka akhriyey burburkii iyo musiibadii Soomaaliya ku habsatay. Waxa uu aad ula socdaa astaamihii iyo asbaabihii keenay dagaalkii sokeeye. Illaa iyo haatanna waxa uu isku mashquuliyaa feker iyo ficilba in uu ka sii barto Soomaalida.

Waxa uu maamuus iyo martiqaad ka helay shir Soomaalidu ay qabsanaysay. Shirkaasoo loogu dabaal degayey mid ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira. Aad ayuu ugu farxay casumaadda uu ka helay Soomaalida heer wejigiisa laga dareemi karayey farxad weyn oo aan horey loogu arag. Weliba waxaa loo sii sheegey qaddar kooban oo uu ku hadlo in la siin doono. Waxaana laga codsadey qaddarkaas mahad-naq iyo bogaatin in uu u soo jeedsho maamul goboleedkaas. Waxaana loo sii sheegey xog farabadan oo ku saabsan maamul goboleedkaas sida meesha uu ku yaalo, inta gobol uu yahay, qabiillada degan iyo inta ay yihiin tirada dadka ku noolba.

Waxaa intaas loogu sii daray dad badani in ay diidanyihiin maamul-goboleedkaas, oo ay ku diidanyihiin qaab qabiil. Waxaana loo sii raacshey magacyada qabiiladaas iyo sababaha ay u diidanyihiin. Intuba waxaa loogu sheegey marka uu istaago si uu usoo daliishado dadkana uu ula wadaago dareenkiisa ku aadan maamul-goboleedkaas. Sababaha kale ee xogtaas loogu sheegey waxaa ka mid ahaa in uu difaaco maamulk-goboleedkaas, kana difaaco dad kale oo Soomaali ah.

Markii uu masraxa soo fuuley makarafoonkana uu qabsaday ayuu Mike la wadaagey dadweynihii Soomaaliyeed ee hor fadhiyey farxadda ku jirtey qalbigiisa. Waxa uu u sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay ka qayb galka shirka lugu casuumey caawa.

Ka dib markii uu dhameeyey hordhicii hadalkiisa ayuu hal mar aamusey. Kolkaas ayuu feker iyo fiiro dheer galey. Fekerkaas oo u ekaa mid ka fiirsasho iyo dib u gurasho ahaa. Waxa uuna jeebka galiyey waraaqihii ay ku qornaayeen qodobadii mahad-naqa, bogaatinta iyo xogtii la rabay in uu la wadaago dadkii shirka isugu yimid.

Waxa uuna yiri, “musiibadii iyo burburkii Soomaaliya waxaa aasaas u ahaa khilaaf ku salaysnaa qabiil. Waxaan go’aansadey qodobadii la ii wakiishey in aan ka hadlo in aan dhinac iska dhigo oo aan abaaro bookta Soomaaliya laga haysto, Soomaaliduna ay ka bukaan, kaasoo aan is leeyahay in uu yahay khilaafka. Qodobo aan is-leeyahay khilaafka ayeey daawo u noqon karaanna, waan soo jeedinayaa.”

Martidii soo buuxisey kuraasta ayaa hal mar maanka, maskaxda iyo muuqaba u soo taagtey Mike. Ninba dareen gooniya ayaa galey. Qaar baa waxay is yiraahdeen mindhaa waxa uu sheegayo ninkaan caddaanka ah dhagta u raaricaya oo dhuuxa. Iyaga oo markaas is dhahaya laga yaabee hadal qiimo idiin leh in uu idiin sheego. Qaar kalaa waxa ay is weydiiyeen sababta uu ninkani uga boodey cinwaankii loo xilsaarey, cinwaan kale oo aan loo xilsaarinna ugu boodey maxay tahay? Dad yar ayaa is weydiiyey sababta markii horeba loo casuumey ninkani maxay ahayd?

“Shan arrimood ayaan idinla wadaagayaa Soomaaliyeey caawo,” ayuu hadalkiisa ku bilaabey Mike. “Qofkii su’aal ka qaba shantaas arrimood waxaan jeclahay in uu su’aashiisa igala xishoon oo uu I weydiiyo. Qofkii u baahan in uu igala doodana, dooddiis diyaar ayaan u ahay.”

Mike waxa uu bilaabey in uu talooyinkiisii mid mid u soo bandhigo, isaga oo codkiisa kor u qaadaya, una arka dadka meesha fadhiya caqli iyo cilmiba in uu dheeryahay maadaama loogu yeerey iyaga.

“Soomaaliyeey,” ayuu yiri Mike. “Qofkiin haddii uu waayo waxa uu rabo, khilaaf ayuu markiiba abuuraa, dhibaato oo dhanna halkaas ayeey ka bilaabataa. Waxaad ogaataan adduunka qofna sida uu wax u doonayo uma helo. Waxaan idin kula talin lahaa sida khilaafka loo maareeyo in aad barataan. Sidaas daraadeed, ka warama haddii madaxdiina loo soo qaado dibadda si loo baro qaabka khilaafaadka loo maareeyo, dabcan waaba loo soo qaadaaye, ka dibna ay ku noqdaan Soomaaliya iyaga oo yaqaana sida khilaafaadka looga hortago, loona maareeyo. Arrinkan waxaa lugu hirgalin karaa iyada oo madaxda Soomaalida safarka loo badsho si siminaaro joogto ah oo ku saabsan xalinta khilaafaadka loo soo siiyo. Tani waxay sahlaysaa in dalkiina uu hormaro, madaxdiinuna khilaafaadka sida loo maareeyo ay bartaan.”

“Soomaaliyeey”, ayuu yiri Mike haddana. “Dalal waaweyn oo dadkooduna idinka tira badanyihiin ayaa yaqaana sida khilaafaadka loo maareeyo loona xaliyo, idinka oo la idinku tilmaamo in aad tihiin 8 milyan sidee u dhici weydey in aad khilaafkiina u xalin weydaan? Innagu haddii aan Soomaali ahaan lahayn, waxaanba noqon lahayn dadka dunida ugu taajirsan, uguna nolosha fiican. Waddankiinu barwaaqo berri iyo badba waa leeyahay. Intaad heshiiska ku tihiin ayaa ka badan inta aad isku khilaafsantihiin. Sidaas daraadeed soo xal ma aha in barwaaqadaas bad iyo berriba taal la idiin ilaasho oo lugu ilaasho ciidamo badan oo caalami ah oo la dhigo baddiina iyo berrigiinaba. Tani waxay sahlaysaa in barwaaqadaas la idiin xifdiyo, oo la idinka xifdiyo. Waxaanba is-leeyahay khilaafka waxaa idiin keeney dhulka weyn oo aad heysataan oo aydaan ka faa’iideysaneen. Haddii dhulkiinu uu yaraan lahaa waad fekeri lahaydeen, ka dibna khilaafkiina wuu yaraan lahaa sababta oo ah dad fekeraya isma khilaafaan. Qorshaha ah in baddiina iyo berriigana la yareeyana waa qorshe dalal iyo dad badaniba ay soo bandhigeen.”

“Labaatan sano ayuu khilaafka dhib mooyee, dheef idiin keeni waayey Soomaaliyeey,” ayuu yiri Mike haddana. “Maad labaatan sano oo kala dambeyn, samir, iyo khilaaf la’aan ah tijaabisaan. Tani waxay ku dhici kartaa idinka oo iska ilaawa cidda ka noqoneysa madaxweyne Soomaaliya. Cidda rabta Soomaaliya madaxweyne ha ka noqoto– Muslim, gaal, nin, naag, Soomaali iyo qof aan Soomaali aheynba. Sheekadaas sheeko laga soo gudbey ha noqoto. Bal fiirsha hadda dalka Maraykanka cidda madaxweynaha ka ah. Waxaan is leeyahay xal baa lugu heli lahaa haddii arrinkaas la sameeyo.”

“Soomaaliyeey,” ayuu yiri mar afaraad Mike. “Kursiga madaxwene-nimada hal qof oo keliya ayuu deeqaa, si khilaafkiinu u dhamaado, ka warama, haddii qof aan Soomaali aheyn uu madaweyne idiin noqdo? Tani waxay keeneysaa sheygii aad isku khilaaf-saneedeen in xal loo helo. Oo dad kale oo aan Soomaali aheyn dhex-dhexaad ay ka noqdaan khilaafkiina. Soo arrinkaas arin macquul ah idin kula ma eka?”

“Ka warama Soomaaliyeey,” ayuu yiri markii shanaad Mike. “Haddii dalka la idinla wadaago oo markaas khilaafaadka la idinla xaliyo. Waxa ay ila tahay sal iyo baar dhibaatooyinkiinu waxa ay isugu soo wada biyo shubanayaan khilaafka. Waxaana u baahantihiin xirfadaha khilaafka lugu xaliyo in aad barataan. Xirfadahaas waxaa kow ka ah in dalka la idiin maalgaliyo, ka dibna xaq lugu yeesho dalka, diinta iyo dadkaba.”

Mike intaa markii uu yiri ayuu si kalsooni iyo deganaan ay ku jirto uga soo degey masrixii. Cidna ma weydiin mana warsan sababta uu u yiri hadalladii uu yiri. Isaga oo si xarago leh u soconayana waa uu ka baxay hoolkii xafladda.

Abaabulayaashii shirka ayaa hal mar ashqaraar ka qaadey hadalkii Mike. Waxayna garwaaqsadeen xaqiiqda dooddooda iyo damaca shisheeyaha. Waxay ogaadeen kaaf iyo kala dheeri in ay kala joogaan iyaga iyo Mike. Waxayna xaqiiqsadeen nabarka shisheeeyaha in uu ka daranyahay, kana xoog iyo xeelad badanyahay nabarka sokeeyaha. Balse waa goormee? Waa xeero iyo fandhaal mar ay kala dhaceen.

Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.