Home » Warar »

Warsaxaafadeed: R.W. Cusub ee la Magacaabay Dr. Cabdiweli Ayaa Cambaareeyey Dilkii Dhakhaaiirta Kana Tacsiyeeyey Geeridii Xildhibaan (Sokorliin)

Muqdisho, 19, Dec, 2013..Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay Dr, Cabdiweli Sh. Axmed Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii axmqanimada ahaa ee lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Suuriyaan, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal duleedka magaalada Muqdisho.

Dr, Cabdiweli ayaa ku tilmaamay dilkaas mid arxan daro ah oo ka baxsan bani’adantimada, laguna khal khal galinaya amniga.

“Waa fal laga argagaxo oo meelna raad kaga lahayn Islaanimada iyo Bani’aadantinimada, waana wax laga xumaado in weerar noocaas ah lagu qaado dhaqaatiir habeen iyo maalin u taagan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacab ay colaado daashadeen. Waxaa dareemayaa xanuunka uu leeyahay dilka noocaan ah oo lala beegsanayo dadka bulshada dhexdeeda magaca ku leh, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaskii iyo qarabaadii ay ka baxeen dhaqaatiirtaas, waxaan sidoo kale la qaybsanaynaa murugada qoysaskooda, iyo asxaabtii ay is jeclaayeen, Eebana waxaan uga baryayaa inuu samir iyo imaan ka siiyo, iyagana Janadii Fardowsa ka waraabiyo” ayuu yiri Dr. Cabdiweli Sh. Axmed
abdiweli13
Dhanka kale Dr. Cabdiweli ayaa tacsi taa lamid ah u diraya qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay xildhibaan Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuun ilaahay uga baryayaa inuu Janadii ka waraabiyo, samir iyo imaana ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii kaga soo biiray golaha baarlamaanka dalka Jabouti sanadii 2009-ka, wuxuuna mudo ku xanuunsanaa magaalada muqdisho.

—DHAMAAD—
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogadisho-Somalia
Media@opm.gov.so

Ra’iisul Wasaare Saacid oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Sokorlin

Muqdisho, 19 December 2013 – – – – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Xildhibaan Xasan Muxumed Cali (Sokorlin) oo maalmihii ugu dameeyey ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa tacsi u diray Guddoonka Baarlamanka, Xubnaha Golaha Shacabka, Ehelkii iyo Qaraabadii uu xildhibaanku ka geeriyooday iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxana uu illaah uga baryey in uu jannadiisa ka waraabiyo.
Mudane Cabdi Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ku tilmaamay xildhibaanka geeriyooday nin ay ku weynayd u adeegidaa dadka iyo dalka Sooomaaliya, islamarkaasina shaqadiisa si hufan u gudan jiray.

DHAMAAD
Cabdirashiid Muuse Siciid
Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 31 88 23

Madaxweynaha Soomaaliya “Kuwii ka danbeeyey dilka takhaatiirta waa in sharciga la hor keenaa”.

Muqdisho, 18 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii waxashnimada lahaa ee loo geystey takhaatiirtii Siiriyaanka iyo kuwii Soomaalida ahaaba, oo maanta lagu dilay agagaarka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay falkan mid lagu doonayo in sumcada, karaamada iyo sharafka Soomaaliyeed wax loogu dhimo, isla markaana lagu tuso caalamka in Soomaaliya aysan nabadi ka jirin. Dowladda waxaa ka go’an in la sii wado nidaamka dowladnimada, kala danbeynta iyo soo celinta sumcadda, karaamada iyo sharafka ummaada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha amniga oo ku howlan baaritaanka falkan waxashnimo inay soo dedejiyaan isla markaana ay kuwii ka danbeeyey falka dilka takhaatiirta in sharciga la horkeeno.

Falkan ayaa maanta si arxan la’aan ah loogu dilay takhaatiir oo 3 ka mid ah u dhasheen dalka Siiriya iyo Soomaali isagu jirta oo u adeegayey bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Siirya uga tacsiyeeyey geerida 3da takhaatiir ee Siiriyaanka oo u joogay dalka inay shacabka ka saacidaan dhanka caafimaadka.

-DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.